QARANIMOOY QAALIYEEY!!!! (FAALLO)
Qaranimadu waa wax aan sinaba looga maarmayn waayaha
hadda la joogo ee dowladaha baasaboorka lihi ay is aqoonsan yihiin,
waayo dadka kor degan dhulka, maanta ma jiro qof ka maarma qarankiisa
ama dowladdiisa.
Qofka iyo qaranka iyo qaranka iyo qofka xiriir
ayaa ka dhexeeya, labadaas isma seegi karaan, haddii ay is waayaana
haybadii qofkaas ayaa lumaysa, wuxuu noqonayaa su’aal u joog, xabsi u
joog iyo hantaaturo ma hure.
Qofka aan garanayn waxa ay kala maqantay
qaranimada naga luntay, wuxuu mudan yahay inuu dhuuxo tusaalahan “walaal
inuu macaan yahay ninkii madi ahaa baa og”, sidaas oo kale qaranimo
inay macaan tahay qofkii qurba joog noqday, safray ama qaranimadiisii
waayey isagoo u xiiso qaba ayaa og.
Labadan tusaale iyo kuwa badan oo ka horeeyey waxay
dhaceen qaran jabkii Soomaaliya ka hor iyo kaddib.
Nin aan ka xumahay in aan magaciisa ilaabay ayaa
ka qisooday sheekadiisa waagii dowladdii kacaanka 21 Oktoobar xoogga
lahayd dhacday.
Xilli wuxuu ka sheekeeyey uu dalka Kenya gudaha u
galay, uu dano ka yeeshay, hase yeeshee aan marin wadada saxda ah ee
dalbashada Visa ama dal ku gal, markii uu Kenya galay oo qaasatan
gaaray magaalada Nayroobi ayaa la xiray, weliba lagu oogay inuu sharci
daro dalka ku yimid.
Waqti gaaban kaddib ayey arrinta ka war heshay
safaaraddii Soomaaliya ee xilligaas oo la wareegtay ninkaas xaaladiisana
si uu aad ugu qancay ugala xaajootay dowladda Kenya, isla markaana uu
walwal la’aan dantiisii ku dhamaystay intii uu doonana ku joogay dalkaas
dhib la’aan.
Dhaawac yar oo uu gaarsiiyey askari markii la
qabanayey ayaa doodi ka dhalatay, waayo in uu qaran lagala xaajoodo
leeyahay ayaa meesha ku jirtay.
Qisada yaabka lahayd ee ninkaasi ka dhawaajisay
waxay ahayd in mas’uulkii safaaradu u soo dirtay arrintiisa oo waagaas u
taagnaa danaha Soomaalida uu waqtigii burburka ku arkay magaalada
Muqdisho isagoo duruuf haysa awgeed xamaali uu dhabarka ku qaado ku
howlan, taasoo uu sheegay inuu aad uga murugooday ilmana ka soo
baxsatay.
Isla ninkan waxaa qisadiisa ka mid ah safarkiisii
labaad oo uu ku tagay Kenya, waqtiga qaran jabka oo uu kala kulmay qiso
ka duwan tii waagaas.
Markii uu xaduuda soo gooyey, danani ka gayn waysay
inuu xoogsi u doonto dalka Kenya ayaa muqalas kala soo booday halkaas
balse waxaa qoorateeyey askar u tababar ugaarsiga dadka sharci darada ku
soo gala dalkaas, dantoodu si kastaba ha ahaatee, waxayna ka duubteen
lacag kaddibna dib ugu tureen xaduudii uu ka soo galay.
Mar kale, ayuu cagta saaray wadada, isagoo ku
jeeda Mambasa, safarkaas dambe wuu mooday buundada Gaarisa laakiin dhowr
jeer ayaa Nayroobi askari ku qabatay waana la furdaanshay, waana uun
sidaas iyo dal aadan lahayn waa dareen ku joog.
Waxaa feertaal qisooyinkan iyo malaayiin kale oo
ka sii daran ama la mid ah tan qofka Qaranka lihi la kulmo, waakan isna
waa Soomaali, wuxuu ka dhaqaaqay dhinaca Yurub dhalashadiisu waa
Ingiriis, markii uu soo gaaray Caasimadda Kenya ayuu la xiriiray
Safaarada Ingiriiska wuxuuna u sheegay inuu yahay nin British ah oo
dalka Keenya safar ku jooga, markaas ayuu kalsooni buuxda ku joogaa
magaaladaas isagoo askarigii ka hor yimaada marka uu tuso baasaboorkiisa
boqortooyada Ingiriiska ee gumaysan jirtay Kenya uu ka horkeeno Poole oo
la mid ah waan ka xumay ama iga raali noqo.
Qaranjabka nagu dhacay ma ahan mid ku kooban
bulshada oo aan haybad ku dhex lahayn dadyowga kale ee meelkasta ayey
dhibaatadu Soomaalida ka saameysay, maalmo ka hor kulankii lagu soo
gebagebeeyey KICC waxaa joogay Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo sheeganaya
inuu yahay madaxweynaha Jamhuuriya Soomaaliya, haddana arrintaas waxaa
ku beeniyey IGAD oo bayaankii madaxweyneyaasha waxaa lagu tilmaamay inuu
yahay madaxweynaha TFG, waxaana meesha laga saaray jamhuuradda
Soomaaliya, taasoo shantii kale ee madaxweyne mid kasta lagu asteeyey
jamhuuriyadiisa.
Dhibku intaas kuma koobna ee meelkasta ayaan
sidaas ugu bah dilanahay, waxaana qaranjabkeena ka mid ah in ninkii
maamulka Soomaalida loo dhiibo dhinac kasta haka socdee qirada laga
siibayo marka uu xilka qabto, xageen u dhignaa madaxweyne Soomaaliyeed
oo caqligiisu siiyey inuu ciidan Itoobiyaan ah ku hanto xukunka
Soomaaliya, xageen u dhignaa Shiikh mubaayaco diimeed dadkiisa la galay
ee maalinba mowqif taagan.
Soomaalida waxaa la yiraahdaa waxaa ku jira dad
fara ku tiris ah oo siyaasiyiinta Soomaalida ka mid ah oo leh mowqif,
kuwaas xittaa dhibaatada haysata waxay tahay mowqifkooda ayaa xun waayo
Cabdullaahi Yuusuf oo kale weligiis Itoobiya ayuu dabada ku watay,
waxaana ka go’an inuu Soomaaliya madaxweyne u noqdo, tan xilka qof ayuu
ahaan lahaa ama heli lahaa ama waayi lahaa laakiin Itoobiya inuu saaxiib
la noqdo Soomaalina madaxweyne u noqdo islama heli doono haddii tuke aad
u cad la arko xittaa.
Waxyaabaha Soomaalida qaranimadeedii sii
durkinaya waxaa ka mid ah Sheekh Shariif, Shiikh Xasan Daahir, Sh. Cumar
Iiman, Sh. C/qaadir Cali Cumar iyo culimadii kale oo is wada naqdinaya
iyadoo ciidankii Itoobiya ee ka saaray intooda badan guryahoodii, kala
daadshayna bulshadii la unkayey ay wadooyinka caasimadda Muqdisho weli
joogaan, oo maalinkasta qof muslim ah oo Soomaali ah dilayaan.
Gebagebada waxaa loo baahan yahay in qofkasta oo
Soomaali ah uu ku kalsoonaado in la heli karo jamhuuriyada Soomaaliya oo
ah dal dadkiisu 100% muslim yihiin isla markaana ay xor u yihiin
maamulka iyo qaranimadooda laakiin loo baahan yahay intaas laga wada
shaqeeyo.
W/Qoray Tifaftiraha Wargayska QARAN
Cali Diini Geedi
diinicarab@hotmail.com