SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xil suleymaan Colaad Rooble

Suleymaan Colaad Rooble ayaa waxaa uu soo saaray war saxaafada loogu talagalay oo uu kaga hadlayay dhacdo dhawaan lagula kacay qoys ka soo jeeda beelaha jareer-weyne oo mid kamid ah lagu dilay qoyska intiisa kalena loogu geystay dhaawacyo xun-xun ka dib markii ay jirdil ku sameeyeen dabley hubaysan oo xili ay ku sugnaayeen gurigooda ka soo ka xaystey.

In dhawaalaba arinkaan waxaan ku hayn indhaha bacdamaa sida na soo gaartay ama aan warbaahinta ku aragnay ay ku dhaqaaqeen wax ka qabashadeeda urur diimeedyada dalka ka jira mid ka mid ah laakiin waxaa anfariir nagu riday sida la shaaciyay inay kusoo afmeerantay arinkaa ayuu yiri Mr colaad oo markaa wajigiisa ka muuqatay niyad jab aad u u culus soona bandhigayay sawiro la qaaday qaar qooska ka mid ah oo il daran dhawaacyadii soo gaaray, waxaa nagu yiri qoyska ayaa cafis u sameeyay gacan ku dhiiglihii dilka geystay 'yaaqay qooska doorashan kale miyay xilgaan yeelankaraan, mase haday yiraahdaan hanala qisaaso ayay ka fakanayaan kuwii shalay sidaan u galay' waa nasiibdaro mugeeda leh, arinkaan waxay na xusuusinaysaa tacadiyo dhowr ah oo hore loogu geystay xubno jareer-weyne ayuu la soo booday fiiri sawirkaan gabadhii dabka la qabadsiiyay fay maa'uud oo u geeriyootay dabkii jirkeeda lagu ekeeyay, yaa is warsaday. Fay jirkeeda oo dhan ayaa basiin inta lagu bil-bilay ka gadaalna taraq la qabadsiiyay ka dib markii haweeynay ku andacoonaysay inay ka amaahatay maro baati ah lagu qiimeeyay 20$ labaatan doodar ay ku ciqaabtay markii ay iska bixin weysay, yaaqan dadkaan naasiyiintii miyay ka soo jeedaan miyaysan Islaam ahayn yaase baray ciqaabta noocaas ah, sidoo kale qisadii xanuunka badneed ee lagu kacay dhalinyaro ka xamaalanjirtay suuqa shidaalka ee black see oo qaarna u geeriyoodeen xarigii lagu marjinayay iyo aashatadii lagu ciqaabayay, qaarna hadda iyagoo idamaha belay ay ku nool yihiin dalka oo aan shaqeysan kari, haweenaydii reer janaalle ee gacanta muuska loo gubay iyo kuwo kale oo ka xanuun badnaa dhamaan waxay ahaayeen dhibaatooyinkii loo geystay bulshaweynta jareer ayuu yiri Mudane suleymaan colaad oo markaa ay indhahiisa ay ku soo istaageen ilimo goorma!!!! Goorma!!!!! iyo sidee maganayo xiligan waxna ma ka oran karo ayuu yiri isagoo madaxa gilgilayo.

haddiiba meesha kaliya ee layslahaa waa loo sinaanayaana dadkii laga rabay inay dabaqaan ay dhinacay doonaan u dhigayaan waa maxay waxa aan dhowrano, ayuu raaciyay mar la weydiiyay waa maxay waxa la dabaqayo ama dhinaca aad sheegayso loo dhigayo, fiiri shalay qabaailo ayaa dalka xoog ku haystay oo meelaha ay ka taliyaan wax magaradkooda ay siday doonaan dadka ula dhaqmaayay iyagoo isku halaynaya bunduqyada ay sidaan wiilasha ay isku reerka yihiin ma dhamaanin taas miyaa? Waxaan moodayay inay dhamaatay kol haddii kitaabka la qaatay in dalka lagu xukumo, laakiin marna ma ku fakarayn in dadka taakdarana ee aan hubaysneen lagu dulmaayo kitaabka Alle ayuu cod dheer ku yiri, shacabka jareer way u tirakooban yihiin dhacdo kasta oo lagula kaco maalinkeeda ayayna la sugayaan haddii Alla idmo ayuu ku gaabsaday, sidaana masii ahaan doonaan, mar la weydiiyay maxaad oola jeedaane sidaan ma sii ahaan doonaan ayaa waxaa uu ku jawaabab kuwo marwalba lagu sii tunto kolba cidii timaado awoodeeda iyaga ku tijaabsato inay wax dilikarto,ciqaabikarto, xerankarto

Xil suleymaan Colaad Rooble xubin ka mid ah baarlamanka xorta ah ahna
guddoomiyaha guddiga warfaafinta iyo wacyi galinta isbahaysiga
dib-u-xoreynta soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS