FARRIIN KU SOCOTA ISIMADA, NABADOONADA PUNTLAND:
UJEEDDO: BADBAADINTA PUNTLAND = XULASHADA XUBNAHA
XILDHIBAANADA.
OG: Bulshada reer Puntland ee ku dhaqan dalka Gudihiisa iyo Dibaddiisaba
Bismillahi Raxmani Raxiim:
Sidaynu wada ogsoonahay, waxaa dhawaaan la filayaa inay dhacaan
doorashooyinka labad Gole, Golaha Xildhibaanada iyo Golaha Xukuumadda ee Dawlad
Goboledka Puntland...
Insha’allahu, January 9, 2009, waa cusub baa u baryi doona ummadda reer
Puntland, waxayna yeelan doonaan hoggaan cusub oo talada dalka hanta illaa iyo
2013, WAA HADDII XILDHIBAANADA TALADA ILAAHAY WAAFAJIYOE’.
XASUUSIN: Hadith kii shariifka ah “KULLUKUM RAACIN, WA KULLU RAACIN
MAS’UULUN CAN RACIYATIHI”,
Mudanayaal, Isimada Sharafta badanow, ilaahay ka sokow Ummaddan reer Puntland
masiirkeeda idinkaa masuul ka ah, Aakhirona waa la idin weydiin, saas darted,
waxaan codsanaynaa haddaanu nahay Shacabkiinii oo la il daran, DAYAC, DARXUMO
iyo DULLI OO DHAN (Gaajo, Amni darro, dhaqaale xumo, IWM), inaad na
badbaadisaan, badbaadadaas oo ku imaan karta IDINKOO NOO SOO XULA XILDHIBAANNO
XILKOODA GUDAN KARA, SHARCIGANA DHAWRA OO GAAR KA HAYA.
Haddaan u soo noqdo farrrinta aan u gudbinayao Isimada sharafta Mudan, kuna
cad ujeedada sare waa mid sida maalinta ama Caanaha u cad oo aan wax caad ahi
ina kaga hagoognayn oo ah: Badbaadinta Puntland waxay ku Xiran tahay Xulashada
xubnaha xildhibaanada Puntland (2009 – 2013).
Waxaan Isimada iyo Nabadoonada Puntland ee soo xulaya ama gudbinaya
Xildhibaanada 2009 -2013, ka codsanaynaa inay ku soo xulaan:
AQOON, KARTI, WADANINIMO, DAACADNIMO, IIMAAN iyo QAB (aan gaajo haynin)
TALO: Xildhibaanka la soo xulayo, waa inuu noqdo:
- Mid garan kara kana tarjumi kara, baahida shacabkii
soo dirsaday iyo degaanadooda (his/her Constituents).
- Mid aan u shaqo tagin, ama laga xukumin, (sidii horey
u dhici jirtay) Madaxtooyada (Xafiiska Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa)
- In saamiga dumarka/haweenka uu noqdo mid u dhigma kan
raga, haddiiba aanba looga badin, waayo haweenku waa ka daacadsan yihiin,
kana wadanisanyihhin raga..
Wabilaahi Tawfiiq
Qurbo joogta Puntland
webmaster@puntlandnda.com