SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Sheekh Shariif oo wada sidii uu bulshada uga dhaadhicin lahaa qodobadii ka soo baxay shirkii Jabuuti.
  • Macalin Xaashi “Sheekh Shariif waa uu ka degay Doontii aan wada saarneen, waxa uuna fuulay Doontii sharta”
     

Sheekh Shariif oo wada sidii uu bulshada uga dhaadhicin lahaa qodobadii ka soo baxay shirkii Jabuuti.
Shiikh Shariif “Diinta ayaa na fareysa in aan Sulux raadino

Sheekh Shariif oo si weyn loogu soo dhaweeyey gobolka Sh/dhexe ayaa waxa uu kulamo la qaatay ma’suuliyiin ka tirsan Maxaakiimta islaamiga ah iyo odoyaasha ku nool Magaalada Jowhar, kulankaas oo qaatay dhowr saacadood ayaa Sheikh Shariif waxa uu uga waramay go’aanadii ka soo baxay shirkii Jabuuti oo qodobka ugu weyni ahaa ka bixitaanka ciidamada Itoobiya wadanka Soomaaliya.

“Diinta Islaamka ayaa qabta in la raadiyo islaax si loo badbaadiyo bulshada, waayo waxaa lagu jiraa xiligii nabadda” ayuu yiri Sheikh Shariif Sheekh Axmed oo intaa raaciyey “Markii hore waxay taagneed wax wada hadal la gali mayno, maantase waxay taagan tahay aan wada hadalno, marka maxaa ku diideynaa haddii ciidamada Itoobiya ku baxayaan si wada hadal”, waxa uuna sidoo kale sii raaciyey intaa “Waxaad u jeedaan marxaladda uu marayo dalka, dadkii way dhimanayaan waxaana isugu darsoomay dagaal, barakac, sicirbarar iyo abaaro, marka waan in aan keennaa xal lagu badbaadinayo bulshada”.

Sheekh Shariif oo ka soo baxayeen hadalo macaan oo ay bulshada u riyaaqday ayaa waxaa laga war-sugayaa 21-ka bishan November oo ah xiliga ay bilaabanayaan bixitaanka ciidamada Itoobiya gaar ahaan goobaha ay ka mid yihiin Warshaddii hore ee Baastada, Garoonka Cayaaraha ee Muqdisho, Caymiska, Xeradii Gaashaandhiga iyo Goobo kale oo ku yaala Magaalada Muqdisho.

“Waxaan diyaar u ahay in aan la hadlo cid kasta, sidoo kale waxaa soo dhaweynayaan in khilaafka lagu xaliyo wada hadal iyo isafgarad” ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in uu booqashooyin ku soo kala bixin doono dhamaan qaybaha dalka ee ay ku sugan yihiin kooxaha muqaawamada.

Dhinaca kale wafdi uu horkacayo Guddoomiye ku xigeenka Maxaakiimta Islaamiga ahna ninka ugu sareeya marka ay timaado dhanka gudaha dalka Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa gaaray magaalada Jowhar, waxaana la sheegay in ay wada hadal haatan ku leeyihiin isaga iyo Sheekh Shariif kaas oo ku aadan go’aanadii ka soo baxay shirkii Jabuuti oo ay wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbahaysiga uu horkacayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, inkastoo wareysi uu horey u bixiyey Sheekh C/qaadir Cali Cumar uu ku sheegay in aysan quseynin go’aanadii ka soo baxay shirkii Jabtuuti.

W/D amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail Amiinkhasaaro@hotmail.com

Macalin Xaashi “Sheekh Shariif waa uu ka degay Doontii aan wada saarneen, waxa uuna fuulay Doontii sharta”

Macalin Xaashi Faarax oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii Maxaakiimta kana qaybgalay shirkii Isbahayisgu ku yeeshay Magaalada Asmara kadibna ku biiray Ururka Al-Shabaab ayaa ka dhawaajiyey in uu abuuray gole la magacbaxay (Golaha Kacaanka Islaamiga ah) ee Xamar iyo Xamar-daye oo ah gole ka madax banana dhamaan ururada diimeed ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya, waxa uuna sheegay in uu si aad ah uga soo horjeedo dhaqdhaqaaqa uu wadao Sheekh Shariif ee ah in la qaato go’aanadii ka soo baxay Jabuuti, waxa uuna Macalin Xaashi ku tilmaamay shirkaasi uu yahay mid wiiqaya dagaalka ay Mujaahidiintu ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.

“Sheekh Shariif waxaanu wada saarneen doon, hase yeeshee waa uu ka degay, waxa uuna fuulay doonta shar-wadayaasha oo ay saaran yihiin Meles Zenawi iyo xulafadiisa markaan waxa naga dhexeeyana waa un dagaal” ayuu yiri Macalin Xaashi oo intaa raaciyey “C/llaahi Yuusuf waxaan ku dagaalnay wadanka yuu gaaalo gacanta u geliyey, ninkii raacana waa la mid”.

Macalin Xaashi waxa uu sheegay in ay halganka sii wadi doonaan tan iyo inta ay ka baxayaan ciidamada Shisheeye, waxaana Macalin Xaashi wax laga weydiiyey sameynta ururada diimeed ee wadanka ka jira, waxa uuna ku jawaabay “Hadda waa ay yar yihiin waa in boqolaal la gaarsiiyaa si ay gaaladu uga argagaxdo”.

Dhinaca kalana mas’uuliyiin ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah oo iyana ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa iyana ka dhawaajiyey in ay ka soo horjeedaan in uu wafdiga uu horkacayo Sheekh Shariif ay soo gaaraan Magaalada Baladweyne.

“wixii dhibaato ah ee ka yimaada Sheekh Shariif ayaa dusha u ridanaya” ayay yiraahdeen xubnahaasi oo sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Itoobiya iyo ciidamada kale ee shisheeye ee dalka jooga.


W/D amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail Amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS