SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Baaq ka yimi Musharax Mudane, Saciid Maxamed Raage oo ku wajahan Shacabka reer Puntland iyo Xukuumadiisa....

Ku: M/weynaha dowlad goboleedka Puntland iyo Xukuumadiisa.
Ku: Isimida iyo Wax garadka Puntland.

Ku: Culima awdiinka iyo Ganacsatada Puntland.

Ku: Bulshada rayadka iyo Jaaliyadaha Puntland.


Ku: Saxaafada Xorta ah.


Ujeedo: Baaq ku wajahan Shacabka reer Puntland iyo Xukuumadiisa.


Musharaxa M/weyne-nimada Doorashada Puntland Mudane.Saciid Maxamed Raage ayaa soo saaray baaqayo uu u soo jeedinayo Isimada iyo Wax garadka Puntland.iyo Xukuumada DGPL, Ganacsatada, Culumaaidiinka, Haweenka & Dhalllinyaradda Dawlad Goboleedka Puntland.

Musharaxa ayaa ku baaqay in la sameeyo gudiyo kala duwan oo wax ka qabta arrimaha doorashada kuwaas saldhig u ah doorasho xor ah oo ka dhacda Puntland. Murashaxu wuxuu hadda qodobadan hoos ku xusan usoo jeedinayaa madaama madaxda dawladda ee hadda talada haysaa ay shaacisay iney isu sharraxi doonaan jaggada madaxweynanimada DGPL ee January 2009-ka. Sidaas darteed waxaan suurta gal ahayn ama caqli gal noqon karin in ay ayagu tallada hayaan maamulaana dawladdii haday noqoto mid (dhaqaale, amni iyo Maamulka doorashooyinka) oo markaa loo baahan yahay guddi dhexdhexaad ah ee gacanta kusii haya muddada kala guurka.

Musharaxu wuxuu xusay inaan wax doorasho ahi dhici doonin ,hadii aan la helin qodobadan hoos ku oran.


Ų In La dhiso Guddi Doorasho oo Shacabka Reer Puntlaand oo dhan ay ku kalsoonaan karaan, oo ka madax banaan Xakuumadda hadda jirta.

Ų In La dhiso Guddiga Ansaxinta Golaha Wakiiladda Puntland , oo ka madaxbanaan dowlada.

Ų In waxgaradka Gobol kasta oo Puntland ay xil gaar ah iska saaraan dhaqaalaha iyo Amniga Guud Waqtiga ka laguurka( Transitional period).

Ų Inay Isimadu ay ka soo Xulaan Beeshooda Dadkooda ugu fiican oo wax u qaban kara Dadka soo dirsaday, tan guudna wax tari kara.

Ų In Muddada 70 ka casho ee ka hadhay Doorashadda Dawladda lala Maamulo Dhaqaalaha & Amniga guud ee Dalka,si looga badbaado in xukuumadda hadda jirta ay abuurto wax khalkhal galin karaya doorashooyinka iyo hab socodkood & nabada guud ee Dalka intaba.


Ų Waxaan Saaxiibadayda Musharaxiintana kula talinayaan inay iska ilaaliyaan wax walba oo khal khal galin karaya amaanka iyo xasiloonida doorashooyinka, xukuumadana ay kala shaqeeyaan amniga guud ee dalka.si loo helo jawi nabadeed oo guud.

Baaqaan ayuu musharaxu ku sheegay inay laf dhabar u noqon karo Mustaqbalka Doorashooyinka, Siyaasada iyo kan guud ee Puntland hadii loo fuliyo qaabka uu isagu u dhigay.

Musharaxa ayaa ugu danbeyn sheegay in Puntland ay maanta u baahantahay isbadal muuqda oo dhinac walba ah,maadaama la marayo xilli xasaasi ah,loona baahanyahay in la badbaadsho umadda nabadda jecel ee gobolkaas degta.




Musharax Mudane, Saciid Maxamed Raage
London, United Kingdom

Musharaxa Xilka M/weyne ee Puntland sanadka 2009-ka.

Musharaxa ayaa maalmaha soo socda la filayaa inuu soo gaaro Degaanada Puntland si uu u bilaabo ololihiisa Musharaxnimo, waxana jira Taagerayaal badan oo u diyaar garoobaya soo dhoweyntiisa.

Cawaale Jaamac
Boosaso

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS