SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - K/AFRIKA

U baneeya barbaarta!!, Xiinfaniin oo xayuubsatay koobka Coca-Cola ee Johannesburg.

Waxay aheyd maalin damaashaad iyo dabaal deg ay dariiqyada Johannesburg ku qaateen kooxda kubbada cagta ee Xiinfaniin oo markii ugu horeysey xayuubsatay koobka kubbada cagta ee Coca-cola Johannesburg kadib markii ay 2 iyo waxbo daadka ku qaadsiiyeen kooxdii ay Final isugu soo hareen barqonimadii maanta.

Waxay ahayd guul laga wada war dhowrayey, mana ahayn mid qiimo yar ugu timid kooxda Xiinfaniin oo dhowr iyo tobon kooxood oo K/Afrika u dhashay ka dul laacday koobka qalinka ah iyo bilado iyo waliba lacag aan cadadkeedi wali la shaacin.

Labbo gool ayay kooxda kaga badisey kooxdii kale ee la ciyaareysey, waxaana markaliya isla sare kacay garoonkii oo ay ka buuxeen taageerayaal usoo daawasho tagay cayaarta.

Saraakiisha Coca-Cola iyo ururka kubbada cagta dalka ee SAFA ayaa koobka gudoonsiiyey agaasimaha kooxda mudane Cabdicasiis Axmed iyo kabtanka kooxda Zakariya Isxaaq Cabdi oo ah xidiga kooxda.

Taageerayaal iyo cayaartooy goob joog ahayd ayaa markaliya sacab qoob iyo jaan ah u garaacay markii koobka la gudoonsiiyey, waxayna ku dhawaaqayeen halku dhagyo ay ku taageerayaan guusha ay soo hoyisey kooxdani Soomaaliyeed.

Waxaa ii suuragashay in aan goobta ku waraysto mas'uuliyiinta kooxda iyo cayaartooyda iyo waliba taageerayaasha, waxayna dhamaantood iyagoo jibeysan ii sheegeen in shucuurtooda ay tahay mid farxadeed oo aan lasoo koobi karrin, Agaasimada Kooxda Cabdi Cassi Amed ayaa yiri "aad ayaan ugu faraxsanahay guusha aan maanta gaarnay, waxaanan rajaynayaa in mid la mid ah aan soo hoyin doono mustaqbalka", Kabtanka Kooxda ayaa isagu farxad darteed uu hadalka kasoo bixi waayay daqiiqado, wuxuuna ii sheegey in farxada hareeysey darteed uu xittaa hadalka ku margaday, wuxuu yiri "aad baad ugu faraxsanahay guusha aan gaarnay, waxaana u mahad celiyaa Axmed Dawlo oo gacan ka geystey hormarka kooxda".

Waxaa goob joog ahaa saraakiil sarsare oo ka tirsan ururka jaaliyada Soomaaliyeed oo iyadu taageerta kooxdani, Axmed Dawlo oo ah agaasimaha SASA (jaaliyada) oo isagu cayaartoyda goobta kula qeybsaday waqtiga farxadeed ayaa ku wargaliyey in la dhigi doono xaflad ay Soomaalida oo dhan kasoo qeybgasho oo loogu damaashaado guusha ay soo hoyiyeen.

Waxaa la dhigi doonaa xaflad balaaran oo cayaartooyda lagu gudoonsiin doono jaa'isado bilado ah ah iyo abaal marino kale, xaflada oo dib laga soo sheegi doono goobta iyo goorta ayaa waxaa la filayaa in ay soo jiidato boqolaal Soomaali ah oo usoo daawasha tagga.

Jawiga xaafada Soomaalida ee Mayfair ayaa markaliya is badalay markii ay dariiqyada soo mareen ciyaartooyda iyo taageerayaal kor u sidda koobka, iyo calanka Soomaaliya, kuwaas oo qeeylinayay, waxay cayaartooyda yeerinayeen buunka ciyaaraha la yeeriyo waxayna daqiiqado istaajiyeen dhaqdhaqaaqii magaalada oo qof kasta oo wax ku mashquulsanaa uu madaxa sare u qaaday una istaagay in uu eego, dadka oo aan u baran damaashaadyada noocan ah ayaa markii ay calanka Soomaaliya arkeen iyaguna u sacab tumayay cayaartooyda sare u haya kooxka.

Waa markii koowaad oo koob caynkan ah ay ku guuleystaan ciyaartooyda Soomaaliyeed ee dalkani.


Cabdinaasir Axmed Sh. bashiir (saxansoxo) Somalitalk.com, Johannesburg. saxansoxo114@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS