SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Shiikh Shariif  Maxaa Loo sheegay !

Gendisch.  Nov  2008 
 

Your browser may not support display of this image.Waxaa uu ka baxsaday muqdisho waqti haatan labo sano laga joogo , kadib markii ciidankii itoobiya oo taankiyadoodi wataa dalka soo galeen, waxaa cirka ka duqeeeyey duyuurahii America, kadib markii itoobiya iyo madaxwaynihii somaliya ku huwiyeen shaar argagixiso, hada waxaa uu yiri waan la heshiiyey dowlada xabad joojina waa soo socotaa , waa yaabe  , heshiis ma xumee muxuu kula heshiiyey dowlada !  suaashaan iyo jawaabteeda waa mid aay la amakaagsan yihiin taageerayashii Maxaaakiimta iyo kuwa muqaawamada , miyaanahay ahayn inuu ummada ka gado waxa laga filan karo heshiiskaan Qar-iska tuurka ula muuqda soomali  badan. 
 

Waxaa Somali badan la tahay walina ugu muuqataa in  sh. Shariif  ka mid yahay  ragga ugu  roon Somalida dhinaca hogaaminta siyaaada , ha yeeshee waxaa ila tahay in xakameeyn la’aantii raggii ka mid ahaa maxaakiimta  waqtigii uu maamulayeen  muqdisho darteed ay keentay fashilkii ku yimid golahiii maxaakiimta ee la burburyey dabayaaqadii 2006 . Ragaaas oo maanta ah ragga ugu adadag ee ka soo horjeeda Kalana qaybiyey golihii maxaakiimta iyagoo la goa’ay qolooyin diiin lagu habaabiyey una soo jeeda leeynta shacabka , wax garadka  ,dumarka  iyo kuwo markii horaba aanay diintu dhab ka aheen oo dano qabiil iyo mid shaqsiyadeed waligood hoosta ku watay. Oo hadii aan hada la xakameeyn u keeni kara fashil kale. 
 

Your browser may not support display of this image.Waxa warar la isla dhaxmaray sheegeen in Shiikh shariif uu si sir ah ula kulmay wasiirka arimaha dibada itoobiya ( siyoum Mesfin) oo ay ka wadahadleen in itoobiya ay goaan ku gaartay in ay dalka somaliya iskaga baxdo laakiin laga codsaday in meel la  saaro ururka argagixo ee ka mid  ururada uu hogaamin jiray. isla markaasna uu Ogolaado inaan dowlada ka dhalan doonta somaliya aanay faraha la oo galin arimaha gaar ah  ee dalka itoobiya , lana shaqeeyaan sidii  looga hor tagi lahaa  in wadaada mayalka adag ka soo gudbaan xuduudaha somaliya . sheikh sharif sida la sheegayo waa uu ku gacan sayray, inuu itoobiya wax heshiis ah la galo inta ciidankeedu dalka joogaan , isla markaasna ay wado dibin daabyada shacabka soomaliyeed. Arintaas oo loo guuxay balse waxaa ay keentay shaki badan oo ku abuurmay  hogaanka dib u xoreeynta somaliyeed, sida lagu aamini doono sheikh shariif hadii uu la kulmay itoobiyaan iyadoo cid og aysan jirin marka laga reebo Shariif Xasan sh. Aden oo isagu ahaa  odaygii soo abaabulay isu imaadka oo ay dhexdhexaadinayeen safaarada ameerica ee Nairobi, Keenya.  inkasta oo uu ka qanciyey arinkaas hogaamiyeyaasha dib-u-xoreenta oo qaarkood la yeegay in cisbitaalda loo qaaday markii ay maqleen warkaas ah in shariif xasan uu noqday ninka Gacanta ku haya Sh. Shariif sh. Axmed oo ah wadaad aad u dhorwsan . . Intaas kadib waxaa  ay dowlada itoobiya u dhaqaaqay  plan B iyo la in isku dayo in la rido dowlada uu hogaamiyo cabdulaahi yousef laguna bedelo , madaxwayne itoobiyaanka saaxiib la ah oo beesha reer muqdisho ka soo jeeda oo ay ugu horeeyaan ,  dr. Ali Maxamed  geedi, Axmed Cabdisalan X. Aadan. Taas macno badan aan sameeynayn in cabdilaahi yousef oo amxaaro laga reebo oo nin reer muqdisho ah kabaha u qaado ajendaha itoobiya la yiraahdo, waliba waa mid ka qatarsan tii abdilaahi yousef/darwiish iyo Cabdi qaybdiid, Arintaas waxaaa markiiba gaashaanka u daruuray waxgardka soomaliyeed oo ay ku jiraan kuwa ka soo jeeda reer muqdisho, golaha baarlmaanka oo u qaybsmay sedex qaybood . siyaasiyiinka ugu muruqa roon ee dhinaca siyaasada barlamaanka , iyo  Somali  badan meel ay joogtaba iyagoo kaashanaya ku qaybsanaha qaramada midoobay ee soomaliya Walad Cabdalla Arintaas muujiyey diidmo adag, ay noqotay  mid aan waxba ka soo naasacadaan oo itoobiyaanka qorshaahoodu ahaa markii ay qaban qaabiyeen shirkii igad ee nayroobi,  
 

in kasta oo la isku raacsan yahay in  Cabdilaahi yousef uu noqday hogaamiye aan hogaan lahayn , kana gudbiwaayey  muran siyaasadeed, ficil qabiil, muqaawamo careeysan oo aan marna hore looga socon Karin.  Waxa shaki ku jirin in Sh. Shariif loo sheegay wax wayn oo  hadii uu muujiyo isku duba rid siyaasadeed inuu hanan karo hogaanka dalka. Hadii kasbado inuu  taageero ka helo  Shacabka soomaliyeed , tasoo   reer galbeedka , wadamada carabka , kuwa deeqda bixiyaba , wadamda dariska ahba ay u arkaan inuu yahay hagaamiye ay la shaqeeyn karaan balse loo baahanyahay in muujiyo isku duba rid siyaasadeed oo uu ku hanan karo taageerada kuwa ka soo horjeeda , hadaba waa kuwee ku uu u baahayn yahay inuu taageeradooda raadiyo mase yahay mid ku dhiiran kara inuu noqdo nin u bareera , isku kalsoon fakirkiisa  siyaasadeed. 
 

  1. Waxaa ugu horeeya shiikhu u baahan yahay Inuu hanto Beesha uu ka soo jeedo ee  woqooyiga  muqdisho iyo agagaarkeeda kuwaas ay jiraan firqooyin logooyo meel ula fadhiya loona baahan yahay inta uusan jowhaar ka tagin inuu martiqaado, lana tashado oo ay goaan meel isla dhigaan.
  2. Inuu helo beelaha kale ee  degan koofurta muqdisho intooda badan aanay ku adkaan doonin in ay raacaan hogaankiis hadii ay dhinac joogaan Sh. Cabdirahmaan Janaqoow iyo Sh. Cabdilaqaadir Cali Omar, marka laga reebo xoogaa  oo ku xiran sh. Daahir aweeys iyo hogaanka Yousef indhacadde Inkastoo uu aflagaado badan geeystay oo hadii uu  martiqaado wada tashina ee la sameeyo keeni kara  isu soo dhawaasho siyaasadeed.
  3. Inuu hanto una socdaalo degaanda Hiiraan una yeero kuwa Galgaduud si uu meel la isula soo dhigo inaay yihiin kuwo hoos yimaada maxaakiimta il gaar ah ku haaya kuwa dadka leeynaya, airport xiraya , Saraakiisha qaramada midoobay gumaadaya ,  iyagoo ugu gabanaya magaca diimeed , mid qabiil iyo mid siyaasadeed intaba
  4. Marka uu intaas isku duba rido waxaa uu u baahan yahay inuu raadiyo taageerada Hassan turki iyo abuu mansuur oo aritoodau adkaan doonto laakiin aan maanta looga maarmin in tix gelin la siiyo.
  5. Inuu garto in isku dubadaridkiisa siyaasadeed uu aad u hooseeyo tan markii ragii la socon jiray qaarkood casmara u beeyreen, qaarkalana ah dibaadi ka noqdeen sidaas darteed uu dar dar geliyo isku xirka ummada soomaaliyeed meel ksta ay joogto , xiriirna la someeyo somaalida dibada joogta gaar ahaan ameerika , yurub, Dubai, kana dhaadhicyo fikirkiisa siyaasadeed taasoo ah jidkii ay qaadeen hogaamiyeyaal kale oo isaga ka horeeyey side Ismaacill jimcaale , Xashi wheelie waqtigii ay ku jireen halgankii lagu aafoobay sameeyey isku xir siyaaso.
 
 
 

    Waxaa shaki ku jirin markra uu intaas maxsuulkeeda helo inuu noqonkaro hogaamiye aan la loodin Karin oo salka ku haya culeeys siyaasadeed   qof haystaa aanu jirin cidna aan Qatar galineeyn  danoohooda siyaaso , ,dhaqaale iyo degaan intaba. Waxaase sidoo kale sheikh shariif u baahanyahay inuu ka foo jignaado arimo badan oo sumacadiisa wax u dhimi kara oo aan loo baahneeyn in uu goaankeeda qaato isagoo aan la tashiyo badan la sameeyn taageerayaashiisa dhinaca siyaasada oo isku jira wadaado , aqoon yahayano iyo rug cadaa badan oo siyaasadeed . waxaa talooyinkaas ka mid ah  
     

  1. In  uusan marna ogolaan  ka qaybgalka dowlad uu cabdilaahi yousef hogaamiyo ama uu madaxwayne ka yahay.
  2. In ciidanka itoobiya oo xamar jooga aanu marka isku dayin inuu yiraahdo xabad ha la joojiyo ama heshiis la saxiixdo itoobiyaan, taasoo fursad siineeysa kuwa ka soo horjeeda  oo hada arintoodu ay cabur siyaasadeed ku jirto .
  3. In uu xoogaa iska ilaaliyo inaanuu qofna jeebka u galo, oo uu noqdo nin dadka u dhexeeya gaa’aan qaadashadiisuna tahay biya kama dhibaan ( go’aan adag ) tasoo hadii aanu lahayn ga’aan qadasho keeni doonta inuu noqdo hagaamiye jilicsan oo aan la isku haleeyn Karin. Ugu danbeeyn
  4. Waxaa loo baahna yahay inaanuu marna aaminin cadowga qaranka soomaliyeed iyo midka islaamka,  balse dan siyaasadeed ku shaqeeyo ( political Game player) , sidoo lakana aanu  marnaba  u tanaasulin wax dhaawac gaarsin kara , sida labada arimood oo saldhiga u ah hogaan islaam oo suuban, diintiisa iyo qaranka soomaliyeed.
 
 
 
 
 

Hussein abdikarim ahmed –Gendisch

Rolesviile , NC, USA

Gendisch@aol.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS