SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Militeriga Kenya Oo Ka Baxay Mandheera Kaddib Howlgalo Muran Dhaliyay Iyo Bilow Kerow Oo Xabsiga Laga Soo Daayay

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helay saraakiil kenyaan ah ayaa sheegaya in ciidamada militeriga Kenya ay hakiyeen howlgal ballaaraan oo ay ka waadeen degaano ka tirsan Gobolka ay soomaalidu degto ee dalkaasi.

Magaalada mandhera oo ku taalla xadka ayaa lagu soo waramayaa inay ciidamadii halkaasi ku sugnaa ay isaga baxeen.waxaana sidoo kale aana lagu arkaynin magaaladaasi gaadiidkii dagaal ciidamada militariga Kenya.

Ilaa iyo iminka lama oga sababta ka dambaysa in ay ciidamadaasi hakiyaan howlgaladooda ,kuwaasoo ay ciidamada Kenya ka wadeen dhulkaasi hase ahaatee ammuurtaasi ayaaa waxa ay ku soo beegmaysaa xili ay isa soo tarayeen in ciidamadaasi ay tacadiyo kula kaaceen dadka rayid ka ah,kuwaasoo ay jirdileen islamar ahaaantaasina ay ciidamadu gareen.
Dhinaca kale waxaa xabsiga laga siiyay Bilow Keeroow oo horay uga tirsanaan jiray Baarlamaanka wadanka Kenya kaddib markii ay xabsiga u taxaabeen ciidamada booliska magaalada Nairobi ee xarunta wadankaasi.

Bilow Keeroow oo iminka xornimadiisii loo soo celiyay ayaa lagu wadaa in maxkamad la soo taago kaddib sida ay sheegeen saraakiisha nabad sugida Kenya markii lagu soo eedeeyay erayo kicin ah ooBilow ku shaaciyay in askarta Kenya ay xad gudub baahsan u gaysanayaandadka rayidka ah,

Bilow oo Nairobi ka hadlay ayaa sheegay in uu sii wadi doono in dowladda ay la tiigsadaan maxkamad ,isagoo mar kale ku eedeeyay in ay tacadiyo iyo kufsi ay askarta Kenya u geysteen dadka rayaidka ah.

Maxamed Gaarane Aadan

gaarane68@hotmail.com
+25215598706
Somalia

Dad Daroogo Ka Ganacsanayay Oo Baardheere Lagu Qabqabtay

Maxkamada Islaamiga ee magaalada Baardheere ee G/ Gedo ayaa howlagal ay qaadeen ciidamadeeda amaanka ay xabsiga ku soo dhigeen dad kabadan ilaa 8 ruux oo lagu soo qabtay iyaga oo ka ganacsanayay Muqaadaraadka

Ciidamada amaanka ayaa howlagalkoodaasi oo ka dhacay xaafado kamid ah baardheere ayaa sheegay mar ay ii waramayeen in ay hayaan xashaashad dhan ilaa 500 pp garaam sida uu sheegay taliye ku xigeenka saldhiga Cabdi dheere.

maxkamada islamiga ah ee Baardheere ayaa shaacisay in dadlaasi oo labo kamid ah ay ahaayeen dumar xili ay galeen goob lagu iibinayay maandooriyayaashaasi,

C/qaadir Yuusuf Aar oo loo yaqaano Qalbi oo ka mid ah saraakiisha Maxkamada Baardheere oo aan waraystay ayaa shaaca ka qaaday in dadka loo haysto xashaashadaasi dhawaan ay hor keeni doonaan markamada sharciga islaamka isagoo xusay in ay mari doonaan waxa ay shareecadu ka qabtay maandooriyayaasha.


Howlgaladan ay ciidamada qaadeen aya waxaa soo dhaweeyay dadweyne aad u farabadan oo maanta mar aan kala sheekaystay arrimahaasi ii sheegay in ay soo dhaweeynayaan maadaama uu xashaashku yahay mid dila dareemada dadnimo ee dadka isticmaala kana dhigo kuwo ku jira dhalanteed.

Maxamed Gaarane Aadan
Gaarane68@hotmail.com
+25215598706

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 2, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS