SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

DOORASHADA PUNTLAND EE MAANTA DADNIMO, DIGTOONAAN IYO DAD U QALMA AYEY MUDANTAHAY, WAXAANA U DIRAYAA PL DIGNIINTAYDII LABAAD.

Waxaa foodda innagu soo haya waqtigii reer Puntland sugayeen ee muhiimka ahaa, loona ballansanaa in ay dhaco doorasho la sugayey 4 sannadood oo u dhiganta 40 sannadood oo ah dib u dhac, dulmi iyo burbur dhan walba ah.

Haddaba dadka reer Puntland iyagoo isku duuban waa in ay wada tashadaan oo ay go'aansadaan in ay isku afgartaan in uu ka dhammaaday dulqaadkii ay u hayeen maamulkii dalka la degay ee baab'iyey sharaftii, dhaqaalihii, nabadgelyadii iyo midnimadii.

Hadalkaani waa digniintii labaad ee aan u diro dadka Puntland. Digniintii koowaad waxay ahayd 2005 waxaana ka digay in Cadde la doorto, waxaana waagaas ku taliyey in la doorto nin iimaan leh oo Ilaah yaqaan, iskana ilaalin kara ammaanada, sida Maxamed Cabdi Xaashi. Lama yeelin ee Cadde ayaa la doortay, waana lagu hungoobay, waana la eeday, maalmo yar kaddibna waa laga soo dhawaaqay.

Mar labaad ayaan digniin culus oo muhiim ah u dirayaa reer Puntland, waxaana ku leeyahay doorashada Puntland ee maanta qiimeyn, qaddarin, dadnimo, isku duubni, digtoonaan iyo yaa u qalma ayey mudantahay. 3 sano ayaa Dastuurku qorayey in la gaaro doorasho kale, hal sano ayaana damac dartiis loogu darsaday, 4 sano ayaa sabab la'aan loogu darsaday.

Nasiibwanaag maanta waxaa idinla jooga oo idiin soo gurmaday dhallinyaro aqoon leh oo diyaar u ah in ay wax qabtaan, idinlana wadaagaan xanuuka iyo ragaadka idinku raagay. Waxaa raggaas weheliya in yar oo damac keenay, balse run ahaan aan waxba lagu aamini karin oo ka liita Cadde Muuse, ee fadlan kuwaasna iska jira yaanay idin hodine.

Sidaas darteed, Isimmada, aqoonyahannada, waxgaradka, Culimada, Dhallinyarada iyo haweenka xil weyn ayaa idin saaran, waana la idin soo eegayaa sidaad wax u maaraysaan. Haddaad soo celisaan Cadde oo haddaba Musharax ah iyo kooxdiisa una xilataan doollarka ay bixiyeen shirkadaha ku hawlan shiidaal soo saaridda beenta ah waxaad ahaan doontaan dad dadkoodii ku gawracay mindi afdaran, Eebbe iyo ummaddiisuna waa idinku eeganayaan.

TALO SOO JEEDIN

- waxaad awooddaan in aad xildhibaannadii hore ku beddeshaan badiba qaar ka damiir roon oo wax garanaya oo xisaabtami kara, aadna u garan kara waajibaadka saaran.

Sidaas baana sharafta hoggaamiyeyaasha bulshada, dalka, dadka iyo xildhibaannadaba ku jirtaa.

- waxaad awooddaan in aad si wada jir iyo iskaashi ah ula kulantaan musharraxiinta oo u furtaan dood si aad u kala ogaataan sida ay ugu kala mudan yihiin jagada madaxnimada.

- waxaad awooddaan in aad meesha ka saartaan Guddiga Cadde u magacawday danahiisa, isagoo ka mid ah musharraxiinta, isla markaasna guddigaas ay dhaliileen oo diideen Musharrixiinta oo dhan, waxaana guddigaasi noqon karaa mid isugu dhafan Isimo, Musharrixiin iyo Maamulka, ama wuxuu ahaan karaa rag xul ah oo isugu jira aqoonyahanno, Isimo iyo culimaa'diin la isku afgartay.

- waxaad awooddaan oo ku dadaali kartaan in aan dalka wax qalalaaso ahi ka dhicin ee ay doorasho xalaal ah ka dhacdo.

- waxaad awooddaan in aad dib u soo celisaan karaamaseeggii, ceebtii iyo taariikh xumadii labaday Puntland oo ahaan jirtay guri barawaaqo.

- waxaad awooddaan in aad noqotaan Golaha Sare ee Guurtida Puntland ka ilaaliya majarahabowga iyo in aad ka ilaalisaan qilaafaadka, iyo in dastuurka loogu dhaqmo sida uu yahay, laga suuriyo puntland musuqmaasuqa, eexda iyo caddaalad darrada.

- haddaad shaqadiina garataan waxaad awooddaan in aad si sahlan u soo celisaan dalka maqan , aadna dib u soo nooleysaan nidaamkii isir wadaagga ahaa ee dawlad goboleedka pl.

walaalayaal ka feejignaada murtidii oranaysay: "WALLEE NIN-HURDOOW HALLAWDAY DANTAA, SIDAAD KU HESHAANA WAA HALIS." Ha noqonina dantood moogayaal catawga iyo calaacalka hiil mooda oo aan marna ka dhiidhiyin dhibaatooyinka lagu hayo Puntland oo ah kuwo aan Ilaah badin ee ah qaar Odayaal Dhaqameedka, Golaha Shacabka iyo bulshoweyntu mas'uuli ka yihiin.

Hadda ayey wacantahay in aad gacmaha isqabsataan oo ku heshiisaan doorasho guuleed ama geeri.

Hadda ayaa kooxda aafada ahi daabka haysaa seeftii reer Puntland lagu qalanjiray ee ama qoorta dhiibta ha la idiin dhammeeyee, ama dawladda dhabta ahi waa idinka ee ka hortaga oo runta u sheega burcadda beenta iyo bootada ku qaraabta oo aan sinaba u lahayn awood ay shacabka kaga hortagaan.

Waa gafane, garangoorri, shilin iyo kudkude shaqadoodu tahay dhuuqidda dhiigga xoolaha oo keli ah, magacyadaasina waa noole ku nool dhiigga xoolaha, meeshii ay qabsadaanna masiidaayaan haddaan gacanta loola tegin, markaad laba farood ku qabatana waa dillaacaan, dhiig ayaana faraha kaa qoynaya. Waa fulayaal aan wajihi karin runta, xalaasha, xaqa, caddaaladda, sinnaaanta, aadaminimada iyo in si iimaan ku jiro ula dhaqmaan ummadda, uguna adeegaan. "FULEYOOW GUULI KUU DHOWEYDAA".

Puntland kama jirto nabad, nolol, ikhtiyaar, xorriyo iyo sharaf. Waa la curyaamiyey, la cunaqabateeyey, la dhacay, la xaday, la isku diray, asaagood baa laga reebay, qaybo Gobolladeedii ahna waa la iibsaday, welina waa soo cad-yihiin, mana jirto cid isweydiisa.

Sidaas awgeed waa in aad maanta ka fekertaan oo ka fiirsataan waxa idinla gudboon iyo jiritaankiinna dambe.

Hogaamiyeyaasha Dhaqanka ee shacabka Puntland weligood ma isweydiiyeen kooxda afduubka ku haysatay geyigaas 4 sannadood Maamulka Pl ma la hubiyey in ay yihiin Soomaali? Ma ku dhaqmaan islaamnimada ay sheegtaan? Haddii ay ku dhaqmaan islaamnimada maxaa keenay xaaraanyahannimada, khiyaamada, dhaca, boobka, beenta iyo in ay dayac, darxumo iyo dibindaabyo u horseedaan dalka? Mase waan ku qaldannaye waa mooryaan, deydey iyo jirridii burburisay qarankii Soomaaliyeed? Waa waajib in xoolaha laga ilaaliyo dugaagga (bahalaha), waxaana xil ka saaranyahay dadka xoolaha leh, arrinta dadka Pl haysataana waa la mid, waxayna ahayd sannado ka hor in halista ku habsatay dalka iyo dadka laga hortago, dhagax, dab, qaylo iyo xabbadna lagaga saaro cadoowga.

Guul, isbeddel degdeg ah iyo nabsibax ayaan u rajaynayaa guud ahaan Soomaaliya, gaar ahanna Puntland. Waxaan kaloo u rajaynayaa Musharraxiinta ay ka dhab-tahay in ay daacadnimo iyo samo jeclaan ku hoggaamiyaan Puntland ay midnimo, iskaashi, is aamin iyo xasilooni ku wada shaqeeyaan si ay hadafkooda u hantaan, kana fogaadaan wax kasta oo uga sii dari kara dalka, inshaa Allaah.

W. Q. Muuse Xaaji (Abees)
 Email: abees11@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh oo u gaar yahay qoraaga kuswaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS