Taariikhda magaalada mogdisho mid fog iyo mid dhoowba
MUQDISHO waa caasimada dalka Soomaaliya waxey kutaalaa galbeedka badweynta
Hindiya, waa magaalo qurux badan oo indhuhu soo jiitaan, oo aay badweynta
Hindiya kaga wareegsan tahay sadex jiho.Waxaa magaalada Muqdisho dhidibada loo
aasay waqti aad u fog oo aay taariikhyahanada isku qilaafeen in magaaladaas la
aasaasay qarnigii 2aad ama kii 3aad ee taariikhda miilaadiga. Muqdisho waxey ahaan jirtay xarun ganacsi iyo marin kala qeybiya Hindiya iyo
yurub (inta aan la qodin kanaalka suweys) iyo jaziirada carabta iyo xeebta
Afrikada bari Magaalada Muqdisho waxey ka koobnaan jirtay 6 xaafadood ama tuulo
oo aay deganaayeen qabaail, xaafad kasto waxaa xukumi jiray Sheekh, xaafadaha
waxey lahaayeen golaha odayaasha sida qaabka federaalka ah oo kulmiya dhamaan
xaafadahaas loogana tashan jiray arimaha magaalada Qarnigii 4aad ee miilaadiga
magaalada Muqdisho isku badashay nidaam ama maamul u eg saldanad.
MAGACAABIDA MAGACA MUQDISHO:
Waxaa kaloo Taariikhyahanada isku qilaafeen magaca (Muqdisho) asal ahaan meesha
uu kasoo jeedo, waxaa la sheegay in magaalada markeedii hore la dhihi jiray
(Xamar) iyo magacyo kale oo lamid ah sida (Xamar jab jab) (Xamar Cade), waxaa
macquul ah in magacyadaas dhamaan magaalada loogu yeeri jiray waqtiyo kala duwan
aay magaalada qadiimka ah aay soo martay, sida isbadalada xaga qaabka dhismaha ,
degaanka iyo siyaasadaba .
Qaar kamid ah taariikhyahanada ayaa waxey cadeeyeen magaca (XAMAR ) uu horeeyay
, laakinse hadana waxaa aay isku qilaafeen micnaha (XAMAR) , oo ah magac
bulshadu aad u taqaan weliba dhanka suugaanta iyo maah maahyada , Soomaalida
ilaa iyo waqtigaan aan ku jirno wey adeegsadaan magaca (XAMAR).Micnaha (XAMAR)
carabi ahaan waa (Alxamraa), qaar kale magacaas waxey ku macneeyeen oo sheegeen
inaay ka timid kalmada (XIMYAR) oo aheyd dowlad Islaamka ka hor xukumi jirtay
yaman , dowladaas waxey gacanta ku haaysay ganacsiga xeebaha bariga Afrika oo
kamid ah magaalada Muqdisho. Magacaabida magaalada Muqdisho waxaa lasheegaa in magacaas asal ahaan uu yimid
kalimada (Maqcad Shaah) oo loola jeedo kursiga Boqorka ama micnaha kale meesha
ku jira (meesha ugu wanaagsan ee boqorka fariisto ama xarun ka dhigto), sida
lasheegay Muqdisho waxaa qarnigii 6aad ee hijriyada xukumi jiray faarisiyiinta
marka soomaalida wey kari waayeen ku dhawaaqida (Maqcad Shaah ) waxeyna u
badaleen magaca hada (Muqdisho) kalmada waa laba erey kala duwan ereyga Maqcad
waa carabi ereyga labaad shaah waa faarisi oo loola jeedo boqor .
Marka taas maloo macneyn karo in magaalada aasaasideedi dadka faarisiyiinta aay
qeyb ku lahaayeen , maxaa yeelay ereyada faarisiga aad ayaa looga isticmaali
jiray magaalooyinka carabta iyo xeebaha soomaaliya waqti aad u fog Waxaa aay
badi taariikhyahanada qireen in magaalada Muqdisho uu Islaamka soo gaaray inta
aay magaaladaas soo shaac bixin , waxeyna soo shaac baxday baxday markii aay
dadka magaalada dhamaan diinta Islaamka aay wada galeen oo aay noqdeen dad aad
looga yaqaan gobolka , taas oo keentay in dhamaan xeebaha Afika bari oo ka
kooban (Zinjibaar ,Somaaliya , Jabuuti) loogu yeero Muqdisho. Magaalada Muqdisho markii aay dadkeedi Islaamka galeen markaas oo aheyd qarnigii
1aad ee Hijriga, waxey noqotay darbiyadii adkaa ee difaacay Islaamka Afrika.Qaar
kamid ah taariikhyahanada waxey sheegeen in dadka asal ahaan u dhashay magaalada
Muqdisho aay ahaayeen dad aay ku badan yihiin Culimada iyo raga diinta lagu
yaqaan kuwaas oo horseed ka ahaa dhaqdhaaaqyadii fidinka diinta Islaamka ee
Soomaaliya isla markaana dowr weyn kasoo qaatay in aay diinta Islaamka ku fido
bariga , bartamaha iyo koonfurta Afrika, dadkaas firkoodi ilaa iyo waqtigaan
waxey kunool yihiin magaalada Muqdisho ee qadiimka ah.
ASAASIDII MAGAALADA MUQDISHO:
Taariikhyahanada waa aay isku qilaafsan yihiin
waqtiga la aasaasay magaalada muqdisho , qaar kamid taariikhyahanada yurub ayaa
sheegay in magaalada Muqdisho la aasaasay qarnigii 7aad ama 8aad ee miilaadiga ,
laakin kuwo badan ayaa waxey sheegeen wax taasi qilaafsan.Kitaabka taariikhda
magaalada Baata (xeebta Afrikada bari) ee lagu qoray afka Sawaaxiliga ayaa waxaa
ku qoran qofkii ugu horeeyay ee magaalooyinka xeebaha Afikada Bari aasaasay uu
ahaa Khaliifkii Cabdulmalik Ibnu Marwaan sannadku markuu ahaa 77 hijriga, kadib
markuu maqlay wararka magaalooyinkaas , wuxuu markaas rajeynaayey inuu halkaas
ka dhiso boqortooyo cusub Cabdulmalik Ibnu Marwaan wuxuu halkaas usoo diray rag
Suuriyiin ,kuwaas oo ah dadkii dhisay magaalooyinka (Baata ) (Malindi)
(Zinjibar) (Laamo). Taariikhyahan Taliyaani ah ayaa wuxuu sheegay inaay aay magaalada Muqdisho ahaan
jirtay Islaamka ka hor magaalo weyn Markii Islaamka uu ku faafay magaalada
Muqdisho waxey noqotay meel aay soo hijroodaan dadkii carabta ahaa, dadkaas oo
halkaas ka abuuray canacsi Iyo fidinta diinta Islaamka ilaa aay magaalada ka
noqoto Minaaradii diinta ee Afrika, dadkaas firkoodi ilaa waqtigan xaadirka ah
waxey weli ku noolyihiin magaalada Muqdisho iyo xeebaha Banaadir oo dhan nin
magaciisa la dhihi jiray ‘’Ismaaciil Ibn Cumar Ibn Muxammed’’ , ninkaan wuxuu
kasoo jeeday reer ‘’ Banii Cafaan’’ wuxuu magaalada Muqdisho uu yimid sannadkii
149 hiriyada.
IBNU BATUUTA IYO MUQDISHO:-
socdaalkii Ibnu Batuuta waxay ku dheheen ninkaan
maaha ganacsade ee waa Faqiih , markaas ayey qeyliyeen dhalinyaradii iyagoo ku
dhawaaqayay ninkaani wuxuu marti u yahay Qaadiga magaalada.waxey igu dhaheen
waxaa caado inoo ah markuu magaalada yimaado Faqiih ama Shariif amaba nin
wanaagsan, waxaa markiiba loo geeyaa Qaadiga magaalada si uu ula kulmo Suldaanka
markaas ayaa waxaa ley geeyay Suldaanka magaalada oo aan la kulmay. Ibnu Batuuta warbixintiisa wuxuu uga waramay qaabkii wanaagsanaa ee loo soo
dhaweeyay iyo marti soorkii ee sadexda maalin ah ahaa ee aay reer Muqdisho u
sameeyeen.Ibnu Batuuta wuxuu yiri: maalintii afaraad ee booqashadeydi magaalada
Muqdisho ayaa waxaa ii yimid Qaadiga magaalada iyo ardayda iyo mid kamid ah
wasiirada, waxeyna iikeeneen maro’’macawis’’ iyo maro kale garbaha lasaarto iyo
camaamad sida kuwa masaarada oo kale , sidoo kale waxe maryo kuwaan oo kale u
keeneen dadkii aniga ila socday , kadib waxaan soo aadnay Masjidka jaamica ,
Suldaanka ayaan salaamay , kadib asigana wuxuu igula hadlay afka Carabiga asiga
oo dhahay ‘’ Qadamta kheyra maqdam , wa sharafta bilaa dana, wa aanastanaa’’
taas la micno ah ‘’ waxaad timid meel kheyr badan , wadankeena ayaad sharaftay
waadna nasoo wehlisay.
MASAAJIDA MAGAALADA MUQDISHO:-
Magaalada Muqdisho waxey ku caanbaxday masaajido
waaweyn oo taariikh fog leh ,oo ahaan jirtay goobahii cilmiga loo soo doonan
jiray lagana baran jiray culuunta kala duwan , waxaan looga imaan jiray geeska
afrika oo dhan waxaa masaajidadaas aay ku caan baxday xalaqaadka tafsiirka ,
Xadiithka , fiqhiga .maamulkii Muqdisho ka jiray waxey ku tartami jireen dhisida
masaajida iyo goobaha lagu barto diinta Islaamka.Masaajida Muqdisho waxaa kamid
ah. 1-Masjidka Xamar-Weyne (jaamacada) waxaa leysku wada raacsan yahay inuu yahay
masjidka ugu fac weyn magaalada Muqdisho , waxaa masjidkaas la dhisay 630
hijriga masjidka wuxuu leeyahay 81 tiir .
2- Masjidka Arbaca-Rukun oo ladhisay bartamihii qarnigii 7aad ee hijriga. 3- Masjidka Faqrudiin oo la dhisay 667 hijriga , masjidkaan wuxuu ku caan baxay
oo dabiyadiisa aay leeyihiin naqshada kala duwan oo aad u qurux badan oo ka
sameysan ruqaan4- Masjidka Axnaafta oo la dhisay qarnigii 7aad ee hijriga ,
markii gumeysigii Taliyaaniga dalka qabsaday wey dumiyeen masjidkaas waxey ka
duldhiseen baar aay u bixiyeen. BAR SAVOY’’DOWLADIHII IYO MAAMULADII MUQDISHO KA TALIN JIRAY.
Waxaa magaalada Muqdisho soo xukumi jiray dowlado iyo Saldanado
,maamuladaas qaarkoodi waxaa sameeyay dadkii ugu horeeyay carabta ahaa ee
halkaas soo degay , qaar kalena waxey kamid aheyd qeyb katirsan qilaafadii
Islaamka ee waqtigaas jirtay iyo maamulo aay sameysteen qabaail soomaaliyeed iyo
kuwii isticmaarka.Waxaa dowladahaas kamid ahaa: 1- dowladii Ximyar : waqtigii ‘’ Ascad ibn Karb ‘’ oo ahaa mid kamid ah
boqoradii ka talin jirtay yaman qarnigii 4aad ee Miilaadiga , dowladaan waxey
kaloo soo xukuntay magaalooyinka’’ Marka’’ baraawa . 2- dowladii Umawiyiinta waqtigii Cabdulmalik Ibnu Marwaan3- dowladii Xalawaan oo
Muqdisho ka talineysay qarnigii bilowgii qarnigii 6aad ee hijriga , waxaan
magaalada xukumayay Maxamed Shaah ka tirsanaa maamulka Xalawaan ee Ciraaq.
4- dowladii Zuzaan oo bartamihii qarnigii 6aad ee hijiriga Muqdisho xukumayay. 5- dowladii Shiiraaziyiinta oo qarnigii 7aad hijriga , dowladaas waxey ku caan
baxday dhisida Masaajida waaweyn oo leh qaab faarisi.6- dowladii Faqrudiin oo
aasaasay Suldaan Abubakar Faqrudiin , qarnigii 13aad ee Miilaadiga , kadib
markii uu ku guuleystay inuu soo afjaro qilaaf ka dhaxeeyay qabaailkii Muqdisho
deganaa. 7- dowladii Burtaqiiska oo magaalada Muqdisho xukumayay waqti gaaban sannadkii
1502 Miilaadiga , Burtaqiiska waxey dadkii Muqdisho deganaa kala kulmeen iska
cabin xoog leh oo aay ku diidan yihiin maamulkoodi. 8-dowladii Mudafar oo Muqdisho xukumeysay bilowgii qarnigii 6aad ee Miilaadiga. 9-dowladii Yacquub oo aay aheyd Saldanad aay sameeyeen dad Soomaali ‘’Qabiilka
Abgaal’’, Suldaanadii ee dowladaas wuxuu ahaa ‘’ Suldaan Xaaji Cumar Hilowle,,
10-dowladii Cumaan waa waqtigii Suldaan Barqash oo ahaa suldaankii Sinjibaar oo
Xukumayay xeebaha bariga Afrika bartamihii qarnigii 18aad ee Miilaadiga, markaas
waxey magaalada Muqdisho siyaasad ahaan raacsaneyd Suldaankii reer Cumaan ee
joogay Sinjibaar. 11- dowladii Taliyaaniga oo magaalada Muqdisho qabsatay 1892 Miilaadiga , kadib
markii hashiis la gashay Suldaankii reer Cumaan ee Muqdisho katalinaayi inuu ka
tanaazulo xukunka ee uu qaato lacag dhan 140 kun Rubiya sannad walba.Bilowgii 50
meeyadii waxey magaalada Muqdisho heshay maamul dowlad hoose ah , intii lagu
guda jiray xurnimo raadinta 1950-1960.1960 kii markii xurnimada la helay waxey
magaalada Muqdisho noqoday caasimada dalka Soomaaliya. khayre axmed m Aw-cismaan
kheyre77@hotmail.com
Sawirada: Google news . Google images
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh oo u gaar yahay qoraaga
kuswaxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2008 |