SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Jacob Zuma oo raaligalin ka bixiyey gaboodfalada loo geysto Soomaalida iyo Afrikaanka K/Afrika ku dhaqan.

Madaxweynaha xisbiga talada haya ee K/Afrika, ahna ninka lagu waddo in uu madaxweyne ka noqdo dalka sanadka soo socda, Jacob Zuma ayaa raaligalin ka bixiyey gaboodfalada loo geysto ajaaniibta dalkani ku dhaqan xilli uu kullan gaar ah la lahaa ururada matalada jaaliyadaha ajaaniibta ee dalkani, oo ay ka mid ahayd tan Soomaalida SASA.

Wuxuu ahaa kullan si heersare loosoo qabanqaabiyey oo ka dhacay xarunta shirarka ee Sandton Convention Centre ee magaalada Johannesburg, waxaana looga hadlayay aragtida iyo doorka ANC ay ka leedahay qaarada holceysa ee Afrika, waxaa martida ugu muhiimsan ahaa Jacob Zuma oo ah madaxweynaha ANC ahaana ninka lagala hadlayay dhibaatada Afrika iyo tan ajaaniibta dalka ku nool.



Kullanka waxaa soo qabanqaabiyey urur ay leeyihiin jaaliyadaha afrikaanka ah ee dalkani ku dhaqan, gaar ahaan jaaliyada dalka Congo ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano FOCAS, waxaana ka mid ahaa jaaliyada Soomaalida dalkani K/Afrika ee SASA.



Zuma oo soo yara daahay, ayaa markii uu yimid waxa uu jeediyey hadal dheer oo uu kaga sheekeeyey doorka ANC iyo aragtida ay ka leedahay qaarada, waxa uu dhaleeceeyey nidaamyada qaarada ka jirra, wuxuu yiri "Afrika waa qaarada ugu taajirsan, hadane waa tan ugu faqiirsan, maalka Afrika waxaa lagu dhisey qaaradaha kale, gumeystayaashii dal dal ayay noo kala qeeybiyeen, hadane dalalkii dhexdooda ayay sii kala qeeybiyeen oo waa la'isku kaaya direy qabiilqabiil, u malayn maayo in dhibkeena ay dadka kale xalin karaan, xalka inagu ayuu nagu jirraa".


Zuma

Zuma waxa uu si weyn oo waliba xeeldheer u weeraray danaha iyo ujeeddooyinka dahsoon ee wadamada galbeedka ay ka leeyihiin qaarada, wuxuu yiri "iyagii ayaa hubka naga iibinaya si aan isugu dilno, hadane u imanaya halkaan in ay xal gaaraan, danno ayay leeyihiin mana doonayaan in aan barwaaqo gaarno".

Sacab baddan ayaa u dhacay markii uu sheegey in aysan jirrin madax qaarada ah oo si dhab ah oga hadasho dhibaatada Afrika, hogaamiye kastana ay xakamaynayso dublamaasiyada iyo afgobaadsi.

Wuxuu Zuma raaligalin ka bixiyey dhibaatadii loo geystey dadka qaarada kasoo haajirey ee dalkani ku dhaqan, wuxuuna yiri "aad ayaan oga xumahay wixii dhacay, waanan idinka raaligalinayaa, Mozambique ayaan tagay raali galin ayaan ka bixiyey, Tanzania ayaan tagay raaligalin ayaan ka bixiyey, waana nasiib darro dhacday oo aan loo baahnayn, raaligalin ayaan ka bixinayaa dhamaan intii la waxyeeley oo dhan".



Mar uu Soomaaliya ka hadlay ayuu sheegey in loo baahanyahay in dadka Soomaalida laga qeybgaliyo xal u radainta dalkooda, ka qeybgalin la'aanta dadkana ay tahay dhibaato Afrika oo dhan ka jirta.



Dadkii kullanka Zuma hortiis ka hadlay ka mid ahaa qaar ka mid ah madaxda jaaliyadaha goobta joogey, jaaliyada Soomaalida waxaa hadal dheer oo 10 daqiiqo ka badnaa ka jeediyey goobta Axmed Dawlo oo ah agaasimaha guud ee SASA, wuxuu ka sheekeeyey dhibaatada Soomaaliya heysta, faringalinta shisheeye, sida ciidamada xabashida ee dalka qabsaday "taangiga xabashida ee Xamar dhextaagan, wuxuu la mid yahay taangiga midooqgii Soviet oo sedeetameeyadii dhex taagan Washington, bal qayaasa saamaynta ay arrintaasi lahayd, xabashida waa cadowga koowaad ee aynu leenahay, dagaalo baddan ayaan Soomaaliya iyo Ethiopia dhexmaray, dagaalkii 1977 wuxuu ahaa kii ugu weynaa ee labbo waddan u dhaxeeya ee qaarada".

Isagoo dhibaatada Soomaaliya ka hadlayay ayuu yiri "Xamar waa caasimada Soomaaliya, 28 dii bishii December ayay ciidamada xabashida galeen, xiligaasi magaaladu waxay lahayd 72 isbitaal, maanta labbo ayaa ka shaqaysa, 5 jaamacadood ayaa ka furnaa, maanta mid kaliya kama shaqayso, boqolaal dugsi dhexe iyo kuwa sare ayaa ka jirrey, maanta dhowr ayaa howlgala, 2 milyan oo qof ayaa ku noolaa, maanta milyan waa baro kacday, Xamarna maanta waa magaalo qabuuro wada noqotey".

"ma jirto cid dhibaatadaasi ka hadlaysa, markii labbo markab la qabsaday ayaa aduunka oo dhan wada qeeylinayaa, waayo dabkii iyo dhibaatadii ay hurinayeen ayaa maanta xoogaa kasoo gaartay, dalka waxaa ka jirta dhibaato bini'aadanimo oo baaxadweyn leh". ayuu Yiri Dawlo oo sacab weyn u dhacay markii uu ANC ugu baaqay in ay gacan ka geeysato xalinta dhibaatada Soomaaliya.

Madaxdii Soomaalida ee kullanka joogtey waxaa ka mid ahaa Maxamed Cabdi Diiriye, Cali Saciid, Cabdiraxmaan Raabi, Axmed Cabaas, wariyeyaal Soomaaliyeed, ganacsato, iyo dadkale oo Soomaaliyeed kuwaasoo qaarkood liistiga magacyada meesha lagu casuumey laga waayay, qaarkoodna dib isaga laabtay maadaamaa magacyadooda la waayay.

ugu dambeyntii Jacob Zuma ayaa hadalkii gabogabada ku sheegey in loo baahanyahay in la abuuro urur caalami ah oo dadka Afrikanka leeyihiin oo u dooda xaquuqda Afrika. Waxaa loo balamiyey kullan kale oo aan waqtigiisa la shaacin, kaasoo lagu waddo in si faahfaahsan loogu gorfeeyo arrimaha Afrika iyo tan muhaajiriinta Afrikaanka ah ee dalkani ku dhaqan.

Waxaa Zuma loo gudbiyey qoraal si wada jir ah ay u diyaariyeen Jaaliyadaha, waxaana xusid muddan in qoraalkaasi oo nuqul ka mid ah aan gacanta ku dhigey si gaar ah loogu iftiimiyey dhibaatada Soomaalida dalkani iyo Soomaaliya, waxaa qoraalka ku saxiixnaa mas'uuliyiin uu Axmed Dawlo ka mid yahay, waxaa la filayaa in qoraalkaasi uu Zuma kaga soo jawaabo muddo kooban, lana guddo gallo in halkaasi laga sii ambo qaado xarirka iyo wadashaqaynta, ANC ayay markani ka go'antahay in ay gacan buuxdo siiso jaaliyada waxtarka muujiyey ee shacabka u adeega.


Cabdinaasir Saxansoxo.Email: Saxansoxo1@hotmail.com
Somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS