SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Reer Bariga, Reer Galbeedka Iyo Dunida Muslimka.

Your browser may not support display of this image.W/Q: C/nuur Maxamed Axmed

E-mail: Nobleman254@yahoo.com

Ama Nobleman254@hotmail.com

________________________________________________________

“Xoghaye Gorbachev, hadii aad raadinayso nabad, hadii

aad barwaaqo la doonayso Midowga Soviet iyo bariga

Yurub, hadii aad doonayso xornimo: albaabkan imow!

Mr. Gorbachev, Albaabkan fur! Mr. Gorbachev, burburi

Darbigan”- Ronald Reagan.

____________________________________________

Eebe weyne magacii ayaa ku bilaabay, Allaha adoomadiisa si guud ugu naxariista Mu’miniintana si gaar ah.

Awoodii Midowgii Soviet way dhacday, reer Galbeedkuna waa guulaystay, Muslimiintii waxaa ku dhacay kala qaybsanaan iyo in loo kala oodo xariijimo mala awaal ah oo lagu sheegay xuduudo. Wadnaha Muslimiinta oo ah dalalka Carabta waxaa dabaqadooda sare si ay talada dalalkooda ugu nagaadaan soo dhawaysteen reer Galbeedka oo ay u arkeen in ay tahay meel ay ku badbaadi karaan maadaama Boqortooyadii Cusmaaniyiinta eeday la xulafaysigii Jarmalka ee dagaalkii koowaad lagu jabiyay.

Inkastoo labada quwadood ee xilligaa ku amar taaglaynayay dunidan (Shuuciyadii reer Bariga iyo Hanti goosadkii reer Galbeedka) ay ku heshiiyeen in dagaalkii qaboobaa lasoo afjaro, heshiiskaana ay qalinka ku duugeen Madaxwaynihii xilligaa Maraykanka Ronald Reagan iyo Xogayahii guud ee Midowgii Soofiyeet Mikhail Gorbachev, hadana waxaa uu ahaa dagaalkani mid sii socda.

Aqoonsigii Kosovo ay Reer Galbeedka u fidiyeen iyo Duulaankii Russia ay Georgia ku asqaysay waxa ay ahaayeen labadii talaabo ee ugu danbaysay ee si aan toos ahayn labada fakar ee Shuuciyada iyo Hanti goosadka isaga horyimaadeen waxaana la odorosayaa in dagaalka dhanka maskaxda ah ee warbaahinta la isu mariyo sii kordhi doono marka Maraykanka gantaalada difaaca geeyo Poland oo mar ahaan jirtay Hoygii Hanti wadaaga.

Dagaalkaa sida laba dhinacba qirteen waa dhamaaday. Ruushku waxa uu galay xaalad jahwareer oo dhaqaalaha salka ku haysa. Waxaa dib uga xoroobay wadamadii hoostagi jiray oo idil ama fakarka Shuuciyada ku taageersanaa ee Bariga Yurub, Halka Maraykanka dagaalkiisa u weeciyay Dunida Muslimka. Laga soo bilaabo duulaankii qaawanaa ee Gacanka ilaa iyo hada kan ka socda meel kasta oo dunida Muslimka kamid ah waa mid Washington aqalkeeda cad laga soo abaabulo.

Xabsiyo waa wayn ayaa loo ootay in lagu jirdilo maxaabiis ahaana loogu hayo ninkasta oo damiir Islaamnimo ku jirto. Inta soo dhahayna waxaa lagu hayaa duqayn aan loo meel dayin oo qumbulada ayaa lagu garaacaa maalinkasta. Majirto madax banaani ay haystaan dawladaha Islaamiga ah. Pakistan oo ah Milatari ahaan wadanka ugu xoogan Dunida Muslimka ayaa maalinkasta rayidkeeda la duqeeyaa. Xagay joogaan marka wadamada kale ee taagta daran milatari ahaan?

20 sano ka hor qofka lagu tuhmo inuu la dhacsanayahay nidaamkii Hanti wadaagai Reer Bariga waxa uu ahaa mid liita waxaana taa u daliil ah usbuucii tagay waxaa Musharaxa xisbiga Dimoqraadiga ee Maraykanka Sen. Obama lagu weeraray inuu yahay nin aaminsan Shuuciyada. Qorshahiisa dhaqaale ee uu Maraykanka ku hagi doono hadii la doorto 4ta Nofeembar ee uu ku sheegay in uu dib u qaybinaayo hantida Maraykanka isaga oo canshuurta ka yaraynaayo dabaqada dhexe ayaa Sen. McCain qiil uga dhigtay inuu ku tilmaamo dhigiisa Obama Socialist.

Maraykanka markii ay jabiyeen Ruushka iyo xulafadiisa waxay usoo gacan banaanaadeen Muslimiinta. Waxay ku sameeyeen ablaablayn/kala qaybin ayaga u gaar ah (xagjir, asal raac, qunyar socod iwm). Maanta xijaabka gabdhaheena waxa uu ka noqday Galbeedka tuka canbaar leh. Ninkii ay ka muuqato raad Muslimnimo waxaa lagu hayaa daba gal. Iskabadaa intaaye waxaa jirta in ninkii magac carbeed sheegta fiira gaar ah loo yeesho. Waxaa intaba ka daran aflagaadada lagu hayo Diinteena, Kitaabeenka Quraanka ah iyo Nabigeena (NNKH).

Halgankii Mujaahidiinta Afghanistan ee socday tobanka sano kaas oo Maraykanku gacan ku lahaa si looga hortago faafitaanka mabd’a Shuuciyada, dhaqaale iyo hubna ku bixiyay waxaa uu ula muuqday maamuladii Jimmy Carter iyo Ronald Reagan mid xalaal ah. Waxaa caqliga saliimka ah diidayaa in raggi shalay dagaal xalaal ah waday maanta Maraykanka u aqoonsado Argagixiso ooku soo duulo. Waxaa wax lala yaabo ah inmaamulka aan siyaasadiisu caqliyaysnayn ee Bush madaxda ka yahay ku hamiyo in ciidankiisa tamashleeyaan Afghanistan oo horay Ruushku ugu caga gubyooday.

Mudadii soofiyeetka ku jiray Afghanistan waxaa uga hartay gaashaanbuurta iminka joogta ee 36da dawladood ah sadex sano oo kaliya mana muuqato in la soo qabto Osama lana burburiyo Alqaacida. Dagaalka waxa uu u muuqdaa mid aan xitaa Maraykanku qarniyaalo waxba uga qaban Karin, waa ku dhufo oo ka dhaqaaq, waa miino dhul ku asaan, waana buuralay silsilada ah oo dhuumaalaysiga ku haboon.

Dhamaadkii sanadkii 1992dii maamulkii George Bush-ka wayn waxay u qalab qaatay in Somalia lagu tijaabiyo nimaadkii ay Maraykanku ku doonayeen in dunida oo dhan laga hago Aqalka cad (New World Order). Hawlgalkaa ay ugu magacdareen raja soo celinta (Operation Restore Hope), waxaa ciidankii tayada badnaa ka soo wajahay waji xumo iyo in dullinimo uga soo baqoolaan Somalia iyaga oo aan fulin Qorshihii ay halkaa ay u tageen. Waxaana sidaa qiray Senator-ka Arizona John McCain intii lagu jiray oo doodii sadexaad oo uu Obama la yeeshay ee gogol xaarka u ahayd doorashada madaxtinimo ee 4ta Nofeembar dhici doonta. Waxaana wada xasuusanahay oraahdii ahayd RAAJARIS MA ROOTIYAA RAYIBKIIBA RAAMSADEE!!!

Soo ifbixidii maxkamadaha islaamiga ah ee koonfurta Somalia iyo nimaadkii shareecada ee lagu qabowsaday reer galbeedka uur ku taallo ayay u ahayd. Anagu waxaan la dhacsanayn sida aan uga xorownay calooshood u shaqaystayaashii shaarka qabiil huwanaa, ayagana waxay ka caroodeen iftiinkaa noo bidhaamay. Waxaa daafi qurunley (Ethiopia) loo xalaaleeyay xasuuqa dadka rayidka ah, laguna siiyay maal inay burburiso nabada laga sheegay Geeska Afrika. Waxaa intaa dheer in duqayn circka ah Maraykanka u geeysto maatida Somaaliyeed.

42da kooxood ee Maraykanku ku magaacay argagixiso tiro 30 ka badan waa ururo Islaami ah oo aan shaqo ku lahayn shabakada Alqaacida ahmiyadoodana tahay inay dalkooga ka xoreeyaan cadawga haysta. Maxaa Muslimiinta kaliya magacan loogu koobay? Ethiopia iyo Israel gabood falkooda waxaa laga dhigay mid sharci ah. Duulaankooda joogatda ah ee Somalia iyo Falastiin waa mid ay amniga qaramadooda ku ilaalinayaan (National Interest) sida dadka gadaal ka riixaya qabaan, halka Xamaas, Xisbullah iyo Abu Sayaaf (urur u dagaalamda xornimada Muslimiinta Koonfurta Philippine) iyo kuwa kale ee aanan halkan ku xusinbaay falalkooda jawaab celinta ah lagu tilmaamo mid Argagixisnimo.

Bartamihii bishii March ee sanadkan aan ku jirno xisbiga talada dalka Turkiga haya ee AK waxa uu ku sigtay in xilka laga tuuro iyada oo lagu eedaynaayo inuu hormuud ka yahay burburinta xukuumada Calmaaniga ah ee dalka ka jirta. Talaabadaa waa ay ku guuldaraysteen mucaaradka, laakiin waxa dhibkaa oo dhan dhaliyay waa markii xisbiga ku dhawaaqay in gabdhaha loo ogolaado inay madaxooda soo dadaan marka ay imaanayaan Jaamacadaha. Meesha waa Turkey, waa halkii Khilaafadii Muslimiinta ee ugu danbaysay ka jirtay, waa Istanbul, oo ah xarun Muslimiinta u ahayd hoy lama taabtaan ah. Maanta xaalkeeda halkaa ayuu marayaa waxaana arinkaa oo dhan ka danbeeya Galbeedka oo sidaa u dhalan ragoy, kana cirib tiray raadadkii Islaamka.

Gabagabdii waxaan qormadayda kusoo af meerayaa in Muslimiinta oo ah dadka aduunyada ugu nabada jecel nabad qaadanayaan hadii waxan aanan aqoon ee fitnada ah (Dimoqraadiyad, isguursiga laba jinsi oo isleh iyo waxii ha halmaala) ee laga soo dhoofinaayo Galbeedka laga daayo oo loo ogolaado Muslimiinta in Shareecadooda wax walba ka sareyso. Xasuuqa, xabada iyo xagjirnimada ay dhulalyawga Muslimiinta ku talaalayaana ay joojiyaan reer Galbeedka. Waxaa marag ma doonta ah in ficil kasta leeyahay jawaabcelin ku haboon. Hadii hooyooyin iyo caruur Muslimiinta la laayo ma qabo inuu jiro qof ka laabanaayo gacmaha.

Waxa duulaanka lagu qaaday Ciraaq iyo Afghanistan sabab looga dhigay 3 kun oo qofood oo daarihii Mataanaha ahaa ee Diyaaradaha lagu weeraray ku dhintay, waxaana cudurdaar loo samaynayaa kumanaan Muslimiin ah oo dil lagu hayo maalinkasta oo isugu jira caruur iyo haween. Boqolaal kun ayaa dadkaa loogu aar guday qaarna lagu waxyeeleeyay, halka malaayiin kale barakicin loogu gaystay Galbeedka waa inuu maskaxda ku hayaa in Muslimiinta Dunidan oo dhan aysan ahayn Oromada Ethiopia ee tirada badan laakiin ay maskaxdooda xaday Kirishtan ka tiraya yar.

Abdinur Mohamed Ahmed,
Islamabad/Pakistan
 nobleman254@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 2, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS