SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Guddoomiyaha SSPS cabdi casiis Goodax, Guddoomiyaha AIPS Gianni Merlo iyo madaxa qaban qaabada shirarka ESPU Yanni Darras oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya.

Iyadoo uu wali soconayo kulan weynaha ururka saxafiyiinta isboortiga Reer Yurub ee soomaaliya lagu sharfay ka qeyb galkiisa ayaa guddooiyaha ururka saxafiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed Mudane cabdi Casiis Godax Barre waxaa uu kulan la qaatay masuuliyiin sar sare oo uu ka mid yahay Gianni Merlo waxaana la islasoo qaaday arrimaha Soomaaliya gaar ahaana xaaladaha ad adag ee ururka saxafiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed uu kushaqeeyo.


abdiaziz

Magaalada Heraklion ee dalka Giriiga ayaa waxaa uu kulan ku dhex maray guddoomiye cabdi casiis Goodax Barre, guddoomiyaha ururka saxafiyiinta isboortiga Aduunka Gianni Merlo iyo madaxa qaban qaabada shirkarka iyo seminaarada ururkasaxafiyiinta isbooriga reer Yurub Yannis darras waxaana uu guddoomiyaha SSPA uga sheekeeyay xaladaha ad adag ee haatan ka jira dalka Soomaaliya iyo sida ay ururka SSPA uga go’antahay in uu dhabarka u xirto sii wadida shaqada uu u hayo Soomaaliya.

Gudoomiye cabsi Casiis waxaa uu shabakadan u sheegay in labada masuul ay Soomaaliya u balan qaadeen gacan weyn in ay siiyaan, iyagoona balan qaaday wada shaqeyn mida haatan jirta ka balaaran in ay si joogto ah ula yeelan doonaan ururka saxafiyiinta isboortiga Soomaaliyeed.



“SSPA waa mid ka mida ururkada ugu fir fircoon ee hoos yimaada AIPS waxaabana la dhihi karaa waa ururka ugu shaqda badan sababtoo ah boga AIPS xubin kasta waxaa ay ku leedahay site gaar ah waxaana aad dareemi kartaa hadii aad gasho in Soomaaliya ay tahay dalka ugu war bixinada badan”ayuu kulanka ka sheegay guddooiyaha ururka saxafiyiinta isboortiga aduunka Gianni Merlo.

Sidoo kale Mr.Yannis darras ayaa isna sheegay in uu waxbadan kala socdo xaaladaha ay ku shaqeeyaan saxafiyiinta isboortiga Soomaaliyeed uuna aad uga xun yahay dhibaatooyinkii ku dhacay in badan oo saxafiyiinta isoortiga ka mid ah iyagoo howlohooda sii watay.



“Aniga maalin ma moogi Soomaaliya qadka telefonka ayaana kula sheekyestaa saaxiibada SSPA ee Muqdisho jooga waxaana uga mahadcelinayaa kuna amaanayaa howlkarnimadooda xiligan adag”ayuu Mr Yannis darras ka sheegay kulanka.

Mr Darras oo caawa lasoo hadlay xafiiska SSPA ee Muqdisho waxaa uu dhanka kale sheegay in Soomaaliya ay tahay dalka keliya ee yururb ka baxsan oo kulankan tagay waxaana uu balan qaaday in kulan kasta iyo seminar kasta oo ay yeelanayaan ay Soomaaliya ka qeyb geli doonto.

Dhanka kale Guddoomiyaha ururka saxafiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed Mudane cabdi Casiis Goodax Barre ayaa ka war bixiyay qaabka uu u soconayo kulanka ay jasiiradda Crete ee dalka Giriirga ku leeyihiin saxafiyiinta isboortiga Reer Yurub kaas oo Soomaaliya lagu sharfay in ay ka qeyb gasho.

Guddoomiyaha SSPA mudane Goodax waxaa uu sheegay in uu shirku haatan si wanaagsan u soconayo lanasoo gabagabeyn doono saacadaha inasooaadan hadii eebe idmo, iyadoo dhamaana dalalkii kasoo qeyb galay ay si weyn u soo dhaweeyeen ka qeyb galka Soomaaliya ee kulankan caalamiga ah.

“Aniga markii aan goobta tagay waa la wada yaabanaa waxaana ay dadkii aan ogyn in madaxda sar sare ee European sports press ay na casuuntay ay I weydiiyeen in aan ahay Fransiis maadaama Faransiisku uu leeyahay dad madow ,waxaana u sheegay in aan ahay Soomaali ahna guddoomiyaha ururka saxafiyiinta isboortiga Soomaaliyeed waxaa ay I weydiiyeen qaabka aan ku tagay meesha waxaana u sheegay in ay I casuumeen rag sar sare oo uu ka mid yahay Yannis Darras”ayuu yiri guddoomiyaha SSPA oo sheegay in Reer yurub ay aad u daneynayeen in ay dhageystaan war bixin ku saabsan qaabka uu u shaqeeyo guud ahaan isboortiga Soomaaliyeed xiligan adag gaar ahaana saxafiyiinta isboortiga qora.



“Waxaan aad ugu mahadcelinayaa guud ahaan ururka saxafiyiinta isboortiga Yurub gaar ahaana madaxa qaban qaabada shirarka Yannis Darras oo muddo dheer oo lasoo dhaafay ay saaxib ahaayeen ururka saxafiyiinta isboortiga Soomaliyeed kana war qabay qaabka adag ee aanu ku shaqaeyno”ayuu shabakadan u sheegay guddoomiyaha ururka saxafiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed mudane cabdi Casiis Goodax barre oo haatan ku sugan jasiiradda Crete ee dalka Giriiga oo uu kulanku ka soconayo.

Waxaa uu gudodomiuhu sheegay in ururka saxafiyiinta isboortiga Soomaaliyeed uu tan iyomarkii shirku bilwoday casuumad ka helay dhowr dal oo reer yurub ah ayna ka mid yihiin Jarmalka Denmark iyo kuwo kale.

Guddoomiey cabdi Casiis ayaa waxa auu sidoo kale maalmihii lasoodhaafay booqasho ku tagay taleefishinka magaalada Heraklion oo ah magaalo taariikh weyn ku leh dalka Giriiga,waxaana si weyn usoo dhaweeyay howl wadeenadii ku sugna axarunta teleefishinka.


By Shafici Mohyaddin

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 2, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS