Jabuuti ;Xog-hayaha Warfaafinta Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya
Axmed Cabdullaahi oo ifiyey arimo badan, Wareysi xasaasi ah oo aanu la yeelaney
iyo Is-bahaysiga dibu-xoreynta Soomaaliya oo lagu marti qaadey Kiiniya
Wafdi balaaran uu hogaaminayo Gudoomiyaha Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya
Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa ka dhoofey garoonka caalamiga ah ee caasimada
dalka Jabuuti.
Wafdigaan oo ku siijeedey Magaalada Nayroobi ee caasimada dalka Kiiniya,
islamarkaana ujeedadiisu tahay martiqaad uu ka heley QM iyo Urur Goboleedka
IGAD, si ay uga qayb galan shirka ka furmaya wadankaasi Kiiniya ayaa waxaa uu ka
koobnaa kudhowaad 20 xubnood.
Xubnaha uu hogaaminayo gudoomiyaha, marka laga reebo waxaa kale oo la sheegey in
xubno kale oo Is-bahaysiga ka mid ah oo ka kala imaandoono dalallka caalamka ay
isku Urursan doonaanaan wadankaasi Kiiniya, si wadahadalada uga furmaya DFKMG
sida ay u dhan tahay, ay iyaguna fikirkooda uga dhiibtaan, maadaama waxa laga
hadlayo ay yihiin arin Somaaliyeed, sida uu hore u yiri mar uu la hadlaayey
intii uusan ka dhoofin Jabuuti qaybo ka mid ah Warfidiyeenada Sheekh Shariif «
meel kasta oo arin Soomaaliyeed lagu hayo waanu tegeynaa, waxaana ka gadeynaa
fikirkeena ».
Xog-hayaha Warfaafinta Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Axmed Cabdullaahi
oo aan kula kulmy Hoteel Imperial ee caasimada dalka Jabuuti, intii uusan ka
dhoofin Jabuuti, islamarkaana aan wax ka weydiiney waxyaabaha ugu muhiimsan ee
laga xusi karo heshiiska ay isala gaareen Is-bahaysiga iyo Dolwada KMG, waxa ay
ku qancinayaan dadka ka soo horjeeda heshiiska, sida ay ku suurtagaleyso in 30
maalmood gudahooda xabad joojin lagu dhaqan geliyo, iyaadoo ay jiraan kooxo aan
ku qanacsaneyn heshiiska iyo arimo kale oo muhiim ah, isagoo ka jawaabaya
arimahaas ayaa wareysigii wuxuu u dhacey sedan;
S-Axmed Cabdullaahi maxay tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga xusi karo
heshiiska aad isla gaarteen adinka iyo DKMG?
J-heshiiska oo faah faahsan wad haysaan, qodobada ugu muhiimsan laba dhinac baan
ka fiirinayaa, gudiga siyaasada wey isu yimaadeen, waxayna qiimeeyeen guud ahaan
qaybtii ku saabsaneynd, Amniga horumarka uu sameeyey iyo halka uu soo gaarey,
maadaama uu gudiga Amniga ahaa waxa xayirayey in laga hadlo arimaha siyaasada,
waxay isla garteen xiligii laga hadli lahaa arimaha siyaasada in loo balamo,
waxay keloo isla garteen sidii loo dhisi lahaa Qaran Soomaaliyeed ooo leh wixii
uu lahaan jirey Qaran, waxaas oo dhan waxay noqondoontaa in looga hadlo kulanka
soo socda maadaama tilaabo muuqata laga qaadey dhinac Amniga, hadii aan ka hadlo
heshiiska dhinaciisa kale ee Gudiga amniga oo laga tilmaamikaro waxay tahay in
ciidamada Ethopia loo qabtey waqti kama dambeys ah oo ay dalka Soomaaliya uga
wada baxayaan, waxa kaleoo ugu muhiimsan oo la tilmaamikaro waa in goobihii
dadweynaha deganaa ay ka bixidoonaan ciidamadaasi, si shacab badan ooo ka
barakacay guryahoodii ooo meelo aan munaasib ahayn ay suurta gal noqonkarto in
ay deegaanadoodii dib ay ugu soo noqdaan, waloow magaaladii oo bur bur xoog leh
soo gaarey oo noloshoodu ay ku adkaandoonto, sidoo kale waxaa muhiim ah in
gargaarka dadka ay u baahan yihiin, sidii looo nabadgelin lahaa iyo
mas’uuliyadiisa cida qaadi lahayd, meelaha ay mari lahaayeen ayaa heshiiska ugu
muhiimsan.
S-waa goorma xiliga loo balamey in dib laysugu soo noqdo, kulankaan kadib?.
J-Taariikh hada cayiman lama qaban, laakiin sida ugu dhakhsaha badan in laysugu
soo noqodo ayaa lagu balamey, kalanka dambe ee imaandoono koleyba markii wada
tashi la yeesho ayaa la xadididooonaa waqtiga uu noqondoono ee lagu balamey
arimaha siyaasada in looga hadlo.
S-maxay tahay sababta ku koobtey in ciidamada Ethopia qaybo cayiman oo ka mid
ah caasimada Muqdisho ay ka baxaan iyo Gobolka Hiiraan, iyadoo la ogyahay in
Gobolo kale oo Soomaaliya ay ku jirto, islamarkaana leh goobo shacab uu leeyahay
iyo kuwo dowlada ay leedahayba?.
J-sidaad hada la wada socotaan, muxuu ahaa ciidamada Ethopia waxay hada joogaan,
Gobolka Banaadir iyo Gobolka Baay, wadadda hada u furan ee ay marayaan
ciidamadaasi waa wadadaas Baydhabo, waxaan is leeyahay meeshii muhiimka ahayd ee
caasimadii ah, oo aan is leeyahay waa muhiim ayaa laga soo bilaabey, waxaana la
tilmaamey waqtigii ugu dambeysey oo dalka ay ka bixi lahaayeen, mudaduna waa mid
ku kooban oo wax ka yar lixdan maalmood ah, marka waxaan isleeyahay meeshii ugu
dambeysey ayaa laga bilaabey, meelna waa loo sii dhamaanayaa, marka micna ma
sameynayso wado la sii marayo oo mar kasta sii joogayaan, ka sii bixitaankooda,
in hormarintooda laga hadlo, iyadoo wali ay gudaha kusii jiraan, in meeshii
daafta ahayd ee dhinaca xuduuda ku sii jirtey in dhinaca xuduuda ay ku sii
hormaraan, laakiin in wadanka Soomaaliyeed oo dhan ay ka baxaan ayaa lagu
heshiiyey Ciidamada Ethopia, waana ilaahay mahadiis, hadii dhawaaq fiican uu ka
soo yeerey, dhawaaqaasna waan soo dhaweyneynaa, Is-bahaysi ahaan dhawaaqa ay ku
qaateen mas’uuliyiintaa Ethopia inay ciidamadoodii dalka Soomaaliya kala
baxayaan, iyagoo heshiiskaas ixtiraamaya, waxaana is leenahay waa wax hada ka
hor in la garto u baahnaa oo soo daahay haduu yimidna waan soo dhaweyneynaa.
S- Maxaad ku qancinaysaan dadka ka sooo horjeeda heshiiskan?.
J-heshiiskan wax laga soo horjeesan karo inuu yahay aniga uma arko, sabab hada
looga soo horjeesto ma muuqato, ciidamadii Ethopia dhibka uu ka dhashey dalka
haka baxaano, waa yahay anagana waan aqbalney dalkii waa ka baxaynaa, sabab hada
looga soo horjeesan karo anigu ma garankaro, ujeedadaas ayaana laga soo wada
shaqeeyey, ma filaayo mucaaradadd iyo ka soo horjeesasho ay meesha ku jirto, soo
gali karo oo aan is leeyahay waana wax laga daawooobi karo, hadii ay jiraan cid
dadd uu mad madoow uu kaga jiro oo waxyaabaha qaarkood aan u cadeysan ama si
kale ay wax ula muuqdeen, waa la sixidoonaa, xiriiro badan iyo wada hadal dadka
ay arinta khuseyso noo socda ayaa jirta oo aan is leenahay miro dhal ayuu
keenidooonaa, waxaana is leeyahay meesha looo socdaa muhiim ah, waana mudo ka
yar lixdan maalmood, iyadaas ayaana u haysanaa sababta amnidarada, dhibya iyo
barakaca ay ka dambeysey, hadii sababtii keentey mushkilada Soomaaliya maanta ka
jirta ahayd, hadii ay meesha ka baxdo waxaan is leeyahay waa las kaashan doonaa
sidii loo dhameystiri lahaa hheshiiskaas, loona dhaqan gelin lahaa.
S-Majiraa qorsho dib ay ugu noqonayaan gudiyada Amaanka labada dhhinac TFG
iyo ARS oo ay ku aadayaan Koofur Afrika?.
J-Ma hayo hada.
S-heshiiskan waxaad moodaa, in ay jiraan qaabkii fulinta guud ahaan waa
laysla fahmey, laakiin qorshho hebel sidaas baa loo qabanayaa iyo sidaas ayaa
loo qabanayaa ilaa iyo hada ma cada ee bal arintaas faah faahin ka bixi?.
J-hawshaas waa hawl ay iska leeyihiin gudiga amaanka labad dhinac, iyagaana
markii hore hawshaas ka sooo shaqeeyey oo heshiiskaas soo sixiixey, Insha
Allaahu waxayna yeelan doonaan gudi hoosaadyo, barnaamijka qabo eek u cad
heshiiska iney mudo kusoo sameeyaan, ayaa jirta barnaamijkaas ayaa qeexidoona,
waxyaabaha tafaasiil ahaan ama ciidan ahaan loga baahan yahay ooo heshiiska lagu
dhaqan geliyo.
S-Sidey ku suura galeysaa in 30 maalmood gudahood xabad joojintii lagu dhaqan
geliyo, iyadoo ku dhawaad mudo laba sano ay xabad idiin dhex taaley adinka iyo
TFG waxa la jira, iyadoo wali Ethopia qaybo ka mid ah dalka ay ku suganaaneyso
54 maalmood ooo kale, iyadoo arintaas dadka qaar wali ay dhibsanayaan?.
J-marka hore Insha Allaahh waxaan rajeynayaa in 54-ta maalmood ay ka sii yaraan
doonta, in wadanka ay kaga baxaan ayaan rajeynayaa, inaan kuligeen gacmaha is
qabsano oo heshiiskaas sidii aan u fulin lahayn ayaa waajibka na saran uu yahay,
dagaalka aad xustey shacabka Soomaaliyeed, iyaga ma dooran, mar kasta wuxuu ahaa
dagaal khasab ku ah oo dusha looga keeney ayuu ahaa, hadii sababtii dagaalka
keentey ama dagaalka laga jooojiyo waxaan is leeyahay, ama cid kasta ay garan
kartaa tilaabtii ku habooneyd oo la qaadi lahaa xooga iyo awooda wax qabadka
meelo kale oo badan ayuu yeelandoonaa oo lagu jeedin doonaa, marka culeyska
dagaal ee saran laga dul qaado.
S-Qaramada midoobey xiligii heshiiskan si guud loo sixiixey, waxaa laga
joogaa mudo ku dhawaad 5 bilood oo ahayd 0906/2008-da, ilaa iyo hada wixii ay
balan qaadey xiligaas, in bedelka ciidamada Ethopia, la keeni doono kuwo ka
socda UN-ka, ma jiro ilaa iyo hada wax ay fulisey Qaramada midoobey ee arintaas
sidey kuula muuqataa adiga?.
J-Waxaan rajeyneynaa Insha Allaahu inaan kaa maarano ciidamo shisheeye oo wadnka
la keeno, hadii shacabka soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan uu heshiiyo, waxaan
is leeyahay iyagaaba isku filaan doona, hadii ay noqdaan ciidamadaas
keenistoodii, qoladii diyaarineysey sida hada noo sheegeen ee ku hawlan,
keenistoodii, Insha Allaahu laakiin waxaan is leeyahay, inaan ka jecelnahay
shacabka Soomaaliyeed nabad gelyadoodii ay sugtaan, arimahoodii ina ay ku filan
yihiin, waan aaminsanahay, hadii qaybtii u horeysey ciidamada Ethopia ay baxaan,
inta kalena colaadeeda ay soo koobanto, tilaabta kale kuwa hada jooga ee AMISOM
ay ku bixi lahaayeen, ayaa wadahadalka gelidoonta qaybtiisa dambe, Insha Allaahu
wey noqondoontaa, waxaan ilaahay ka baryeynaa ciidan shisheeye inaan ka maarano,
laakiin hadii laga maarmi waayo waa lagu khasban yahay inay imaandoonaan waan
filayaa.
S-Marka sow looma qaada karo in ciidamada Ethopia ay dalka sii joogaan, hadii
aysan imaan ciidamadii bedeli lahaa ooo ka socda UN-ka?.
J-Arintaas waa laga heshiiyey, heshiisku wuxuu qeexayaa mudo, ee ma qeexayo
ciidan kale hadii ay yimaadaan, mudadaas inay dalka kaga baxaan ayaan
rajeyneynaa Insha Allaahu, hadii ay sidaas dhacdo waxay ila tahay guul shacabka
Soomaaliyeed u soo hoyatey, waxaana usoo bixidoona hawl kale oo ay ku
mash-quulaan, hade taasi meesha wey ka bixidoontaa, ee nabad iyo marxalada cusub
sidii loo wajihi lahaa, ayey tahay xadiga nagu sooo fool leh.
S-Ma jiraa Urur Goboleedka IGAD casuumaad idiinka soo gaartey oo aad kaga
qayb gashaan shirka ka socda Nayroobi?.
J-UN-ka ayaa casuumaad naga soo gaartey, inaan tango magaalada Nayroobi, oo aan
ka qaybgalno, iyaduna waan eegidoonaa sida ay suurtagal ay u noqonkarto, Urur
Goboleedka IGAD waa mid arimaha Soomaaliya gacanta kula jira, marar badan
khaladaad ay sameeyeen baa jirey oo Ummada Soomaaliyeed dhib ka soo gaarey,
laakiin hadii ay diyaar u yihiin in ay saxaan khaladkoodii ama arinta
soomaaliyeed wado fiican u maraan, ila ma aha arin hada xumaan keeneysa, waxaan
is leeyahay, waa arinta hada ugu muhiimsan, hada ka horna Is-bahaysiga waxaa u
suurtagashey inuu la kulmo golaha amaanka, sidoo kale Kuwa daneeya arimaha
Soomaaliya, Jaamacada Carabta iyo dowlado, waxaa muhiim ah in cid lala kulmo ma
ahane, waa in barnaamijkaada iyo ujeedoooyin aad iska leedahay inaad
xaqiijineyso ayaa muhiim ah, Is-bahaysigu wuxuu ku khasban yahay inuu cid walba
la kulmo ooo la hadlo, mar hadii ujeedooyin uu leeyahay, sida aragtidiisa xalka
Soomaaliyeed inuu gaarsiiyo.
Dhamaad
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 2, 2008 |