SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Sheekh Shariif Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Jowhar


Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta Somalia garabka wadanka Jabuuti Sheekh Shariif iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa manta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Wafdiga Sheek Sharif oo ka soo duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasoo ay kaga qeybgaleen shirkii madaxda urur goboleedka IGAD ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadweyne aad u farabadan iyo madaxda maamulka islaamiga ah ee Jowhar..

Wafdigaasi oo ay ka mid yihiin xoghaya guud ee isbaheysiga dib u xoreynta Sheekh C/raxmaan Maxamuud Faarax (Jinaqow) iyo xoghayaha arimaha gudaha ee isbaheysigaasi Col. Cumar Xaashi Aadan ayaa waxaa lagu wadaa in ay kulamo la qaataan saraakiisha iyo madax kale oo ka tirsan maamulka gobolkaasi ee maxkamadaha.


Gudoomiyaha isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed garabka Jabuuti Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigiisa ayaa la soo gelbiyey guriga martida ee magaaladaasi oo ay haatanba ku suganyihiin.oo

Waftigaasi ilaa iyo iminka kama warbixinin ujeedada socdaalkooda,iyagoo aan la hadlin warbaahinta hase ahaatee waxaa la filayaa inay ka hadli doonaan arrimo socdaalkooda, waa markii ugu horaysay oo masuul darajadan leh oo ka tirsan isbahaysiga garabka Djibuuti uu soo gaaro gudaha wadanka Soomaaliya oo ay ka jiraan dagaal iyo howlgalo ay isla beegsadaan kooxaha is diidan.

Maxamed Gaarane Aadan

gaarane68@hotmail.com

Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 2, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS