SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo ka baxay 01 November 2008 waxaa ka kooban yahay:

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga
Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha
======================

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga

28/10/08 Dudumo-cadka dagaal culus oo ka dhacay waxaa ciidammada gumaysigu loogu gaystay khasaare ballaadhan oo faahfaahintiisa aanaan wali halin.

24/10/08 dagaal adag oo ka dhacay Garawo, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay ugu yaraan 22 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 16 askari.

19 - 20/10/08 waxaa weerarro mir ah lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku kala sugnaa War-lahow, Cadaley iyo Cali Fidhe, oo Shaygoosh ka tirsan, waxaana lagaga dilay inta la ogyahay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

19/10/08 Laas-dhonqil, oo degmada Dhuxun ka tirsan, waxaa weerar gaadmo ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay, kuwaasoo la gaadhsiisyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Isla 19/10/08 waxaa weerar mir ah loo gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Higlaley, oo Dhagaxbur ka tirsan, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

18/10/08 Magaalo-cad meesha lagu magacaabo dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

17/10/08 Wiji-waaji, oo Shaygoosh ka tirsan, waxaa labo mar lagu weeraray ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas ku sugnaa, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

16/10/08 ciidammo gumaysigu leeyahay ayaa weerar gaadmo ah loogu gaystay Gora-xaas, Ban-bas ka tirsan, kuwaasoo la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Isla 16/10/08 Tuulo-Qadhawo waxaa ciidammada gumaysiga lagaga gubay 1 Baabuur oo Uuraal ah, waxaana halkaas ku bas-beelay Baabuurkii iyo askartii saarnayd oo 50 gadhaysa. Waxaa sidoo kale halkaas ku baaba’ay hubkii ay askartaas wateen oo dhan.

15/10/08 dagaal isaguna ka dhacay Korayo, oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 8 kalana waa lagaga dhaawacay.

12/10/08 dagaal ak dhacay Waafdhuug waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

10/10/08 dagaal ka dhacay Haloobiyo, oo Baabili ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

03/10/08 Ugunje, oo Dhuxun ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha

Ciidammada gumaysiga ayaa dhibaatooyin, oo isugu jira dil, jidhil, xidhay iyo dhacba, u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya. Dhibaatooyinkan, oo ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah, waxay u dhaceen sidatan;

24/10/08 waxay ciidammada gumaysigu Waafdhuug ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabi jiray Xasan Miskiin.

21/10/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Higlaley, oo Dhagaxbuur ka tirsan, ku dileen nin darawal ah, waxay sidoo kale dhaawac u gaysteen 2 dumar ah.

26/10/08 Koore, oo Awaare ka tirsan, waxay cidammada gumaysigu ku xidhxidheen afar qof oo shacab, waxaanan magacyadooda helnay;
1- C/llaahi Ismaaciil iyo
2- Cabdi Shukri Carab

Sidoo kale 26/10/08 Maraacaato, Qabridaharre ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen 12 qof oo shacab ah oo magacyadooda aanaan wali helin.

25/10/08 magaalada Dhagaxbuur waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen seddex nin oo ka tirsanaa adeegayaashooda, waxayna kala yihin;
1- Maxamuud Dalab
2- Mukhtaar Galool iyo
3- Mayd-xanbaarte

13/10/08 magaalada Qabridaharre waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen;
1- Muraayad Yuusuf
2- Dugsiiya Macalin Maxamed iyo
3- Ayan Cali daahir

11/10/08 Korayo, oo Fiiq ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen, ka dib markii ay xoolo ka dhaceen, Aqallana ka gubeen, dadka kala ah;
1- Xasan-cadde Maxamuud Cali, oo ay 7 Adhi ah ka dhaceen, 1 Aqalna ka gubeen
2- Wayrax Cabdi Xashi, ooy 6 Adhi ah ka dhaceen, 1 Aqalna ka gubeen iyo
3- Shuun Axmed Aw Aaden, ooy 7 Adhi ah ka dhaceen, 1 Aqalna ka gubeen

09/10/08 Qabridaharre waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen siddeed qof oo shacab ah oon magacyadooda ka hayno;
1- C/nasir Geeddi
2- C/kariin Maxamed Kaahin
3- Ganni oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin iyo
4- Shaafi oo isagana aanaan magaciisa oo buuxa haynin

06/10/08 Tuulo-gacandhi, oo Qabridaharre ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu lacago kala kaga dhaceen dadka kala ah;
1- C/llaahi Gurar, ooy 900 oo Bir ka dhaceen iyo
2- C/salaam Ibraahim ooy isagana 600 oo Bir ka dhaceen

05/10/08 magaalada Qabridaharre waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Axmed Xasan Fijaan iyo
2- Asad Cabdi Shakuur

02/10/08 Galadiid waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen shan qof oo kala ah;
1- Axmed Carab Shakuul
2- Xuseen Cabdiqani iyo
3- Xasan Siyaad

04/10/08 Ceel-wayne, oo Dhanaan ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu jidhdil ba’an ugu gaysteen Xaaji Cali Abshir

03/10/08 Duud-dhoorre, oo Gidhibka ka tirsan waxay ciidammada gumaysigu sidoo kale jidhdil ba’an ugu gaysteen ninka agu magacaabo Ayaanle Wad-sagaaro

10/08/08 magaalada Qabridaharre waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen oo waliba lacago baad ah ka qaateen dadka kala ah;
1- Guddi Omas, ooy 10,000 oo Bir ka dhaceen
2- Xasan-cadde Aardood, ooy isagana 10,000 oo Bir ka dhaceen
3- Xasan Muxumed Dool ooy 1500 oo Bir ka dhaceen
4- Rage Cabdi Sh Khaliif ooy 1500 oo Bir ka dhaceen
5- C/xakiin Maxamed ooy isagana 1500 oo Bir ka qaateen
6- Dayib Faarax Axmed ooy 3000 oo Bir ka qaateen
7- Mukhtaar Macalin Aaden ooy 2500 oo Bir ka qaateen
8- Suleekha Cabdi Wali ooy iyadan 3000 o Bir ka dhaceen iyo
9- Hinda Sh Carab ooy iyadana 2000 oo Bir ka dhaceen.

01 November 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 2, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS