SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Isu soo baxyada lagu taageerayo maamulka cusub iyo dadaalada u wado raisal wasaare Nuur cade oo si isdaba jog ah uga socdo Magaalada Muqdisho

Sawirada Bannaanbaxa halkan ka daawo...

codkii dibad baxayaasha dagmada dayniile halkaan ka dhagayso

Shiribka lagu taageerayey dhagxtuur iyo ina shaaweey ayaa waxaa ka mid ahaa oo ay isla jibinayeen barbaarta gaashaaman iyo lashimiinta ka qeyb galay sidaan

Banaanbax Lagu taageerayo Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir oo maanta ka dhacay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Dayniilow dagaa dadkaani oo walax darmo deeqo maaha

Dayniilow dagaa dadkaani – dowladaan damoosahaayey

Dhagaxtuur ku dheeli meyno ee keydhibeyso heyska dhuunto

Shaaweey 5 nin waa ka raayey ,allow sheeda ha igu riixin

Shaaweey maalintii la shegay , waxaa shushubmee shaxuurta

Ereyadas iyo kuwo kale oo si aad ah la isula helayey gundhigu ahaa dadweynihii ka qeyb qaadanayey banaanbaxa saaka ka dhacay agagaarka kuliyadii jalle siyaad ee Magaalada Muqdisho


Banaanabax Balaaran oolagu taageerayo Mamulka Cusub ee gobolka Banaadir ayaa maanta waxa uu ka dhacay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, waxaana halkaasi isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan oo watay Boorar iyo Caleemo qoyan, kuwaasi oo ku dhawaaqayay erayo ay ku taageerayaan Maamulka Gobolka Banaadir ee dhawaan lagu doortay magaalada Muqdisho.

Dibadbaxaan ayaa la sheegayaa inay dadku ku muujinaayeen sida ay raaliga uga yihiin maamulka Cusub ee Gobolka, waxeyna sheegeen inay si weyn u soo dhaweynayaan maamulaka cusub.

“Maamulka Gobolka Banaadir ee hada la dhisay waa mid aan ka doonayno inuu wax ka qabto arrimaha Ammaanka” ayay dadkaasi banaanbaxayay ku dhawaaqayeen, waxeyna sheegeen inay ayidsan yihiin sida ay u taageersan yihiin maamulka Cusub.

Dibad baxaan ayaa ahaa mid ay ku soo marayeen dadka banaanabaxa dhigayay wadooyinka iyo xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Deyniile, waxeyna dadkaasi qaadayeen shirabyo

Banan baxaan ayaa sidoo kale lagu so dhaweeyey shirka nabada ee ka furmay dalka Jabuti taas oo laga filaayo in ay kaso bixi doonto dowlad loo wada dhan yahay isla markaana raali ay ka noqon donaan dhinacyada siyaasada isku haaya


Banana baxayasha taagerayey maamulka cusub ee looga dhawaaqay G/banaadir oo ka dhacay dagmooyinka kaaraan iyo yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho

Dibad baxaan taagerada loogu muujinayey maamulka cusub ee xalay looga dhawaaqay gobolka Banaadir ayaa sababay in ay ka qeyb qaataan boqolal taagerayaal u ah maamulka cusub waxayna ka dhaceen banaabaxyadaan dagmooyinka kaaraan iyo yaaqshiid Magaalada Muqdisho.

haween caruur iyo dhalinyaro sita caleemo qoyan iyo boorar halku dhigyo lagu muujinayo amaanta gudoomiyaha ayey lulayen qaarkood waxaana ka muuqday sida ay ugu faraxsan yihiin maamulkaan lagu dhawaaqay lana hirgaliyey

Reer kaaraan ayaa lagu shegay in ay jecel yihiin dowaldoda oo dhisan waxaana lagu sheegay in ay yihiin dad xogsato ah kana aha kuwo dhibka jecel oo dadkana dilaya waxayna raali ka yihiin in nabada lagu wada noolaado .

Banan baxaan ayaa sidoo kale lagu so dhaweeyey shirka nabada ee ka furmay dalka Jabuti taas oo laga filaayo in ay kaso bixi doonto dowlad loo wada dhan yahay isla markaana raali ay ka noqon donaan dhinacyada siyaasada isku haaya


Ugu danbeyntii ayaa waxaa ilaah looga baryey maamulka cusub in uu ilaah la garab galo xilka loo dhiibey iyda oo loo rejeeyey in maamulkan cusub uu soo afjaro dhibaatadii gobolkaan dhex tiil mudadii dagaladu ka bilowdeen dalka somaliya

taaerayaashaan banaanabaxa sameynayey waxay ku dhawaqayeen ereyo shirib ah iyaga oo si gara ah u magacaabayey guddoomiye loogu doortay Maxamed Cismaan Dhagaxtuur, Magaalada Muqdisho iyaga o muujiyey sida ay ugu rumowday riyadoodii iyo qaabka loo doortay waana soo dhaweeyeen, ma jirin wax carqalad ah ama iska horimaad ah intii ay socdeen banaanbaxyadaas iyada oo si nabad ah uu ku dhamaday

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS