SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Hay’adda CDHR oo qabatay siminaar ku saabsan sida loola xisaabtamo maamulada

Sawirada siminaarka halkan ka daawo...


Hay’adda CDHR ayaa qabatay siminaar ku saabsan la xisaabtanka maamulada, waxaana ka qaybgalay xubno ka kala socday Jaamacadaha, Hay’adaha xaquuqda Aadanaha, Maamulada iyo Bahda Warbaahinta, waxa uuna siminaarkaani socday mudo labo maalmood ah, waxaana gacan ka gaystay hay’adda National endowment for Democracy ee fadhigeedu yahay cariga Mareykanka, waxaan cashiro ka bixinayey Prof. Xirsi Xaaji Culusow oo ah qabiir ku takhasusay xaquuqda aadanaha, sharciyada iyo saxaafadda.

Siminaarkaan waxaa soo gebagabeeyey agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo dhallinyarada iyo Isboortiga C/risaaq Bahlaawi oo isagu u mahadceliyey intii isku soo dubariday siminaarkaasi gaar ahaan hay’adda CDHR isagoo u soo jeediyey ka qaybgalayaasha wixii ay ka faa’iideysteen in ay dib ula laabtaan maamuladooda iyo xarumihii ay ka yimaadeen.

Waxaa kale oo ka hadlay guddoomiyaha Suxufiyiinta Qaranka Yuusuf Cali Cusmaan (Yuusuf Farey) oo isna sheegay in siminaarada noocaan oo kale ah ay wax weyn ka tari karaan in dalka uu tooso, isla markaan laga baxo cadaalad darada, waxaa kale oo uu sheegay in siminaarda noocaan oo kale ah ay ka hor tagi karaan la dhaco hantida qaranka iyo wixii la mid ah.

Intii uu socday siminaarkaan ayaa waxa uu Prof-ka si aad ah ugu lafaguray sida ugu wanaagsan ee loola xisaabtami karo maamulada, kaas oo uu sheegay in ay ugu horeyso in marka hore la helo cadaalad ay ku wada qancsan yihiin dhamaan ummadda Soomaaliyeed.

Siminaarkaas ayaa ka qaybgalayaashu waxay ku soo bandhigeen figradahooda iyadoo mudadii uu socday ay halkaasi ka jeediyeen sida ugu wanaagsan ee loo saxi karo maamulada, isla markaan loola xisaabtami karo, waxayna u mahdcelilyeen intii ka soo shaqeysay ama isku soo duba-riday siminaarkaasi.

Hay’adda CDHR ayaa maalmahn waday siminaaro la xiriira xaquuqda aadnaha, dib u heshiisiinta, maamulka wanaagsan iyo nabadda, iyadoo dhawaan hay’addu ay siminaar u qabatay qaybah kala duwan ee warbaahinta, kaas lagu baranayey casharo la xiriiray sida ay warbaahintu uga qaybqaadn karto dib u heshiisiinta iyo nabadda, waxaana la filayaa in hay’adu ay dhawaan siminaaro noocan oo kale ah ay qabato.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS