SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Macaamisha shirkada isgarsiinta ee nation link oo qeyb ka mid ah macaashkeedii shcabka si dadban dib ugu celisay !!!!!!!
 

Sawirada Shirka Jaraa'id Halkan ka daawo.


Barnaamijkaan oo ka kooban laba fursadood ayaa lagu helayaa abaal marino muhiim ah waana khamiis kasta hel abaal marin lacageed waxaana ku xigi dono mid kale oo ka qimo badan

Hadaba Barnaamijka Tijaabi Nasiibkaaga ee Shirkadda Isgaarsiinta Nation Link oo maanta 150-ruux Macaamiisheeda ah lagu siiyay Abaalmarino lacageed oo u dhaxeysa 50-100-Doolar ah.
qofkii nasibkiisu halmar wax siiyo liiska waa laga saarayaa si uu mardanbe tartan kale u galin

Maaulka shirkada nation link waxay balan qaadeen Marka uu dhamaado barnaamijkaan khamiislaha ah ee ku eg 26/feb/2009 ka .

Isla Bisha marso waxaa la sameydoonaa xaflada intaanka weyn oo logu magac daray star press ( abaal marino lacageed oo muuqdo ) waxayna isugu jiri doonaa $500 ilaa $3000

Arintaa waxaa lagu so gabagabeyn doonaa xuska shirkada nationlinka ee sanad guurada 11 aad ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagay

Waxaa maanta xarunta Shirkadda Isgaarsiinta ee Magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad balaaran oo abaalmarino lagu siinaayay Maacaamiisha Shirkadda Isgaarsiinta Nation Link.

Abaalmarinada ay Shirkadda Isgaarsiinta Nation Link macaamiisheeda siisay ayaa ahaa kuwo Baqtinasiib ah, waxaana abaalmarinada Helaayay qofkii Todobaad gudihiisa Isticmaala ugu yaraan 3-doolar, waxaana macaamiisha la siinaayay lacag dhan $50-doolar, $75-doolar iyo $100-doolar.

Munaasabadaasi Tijaabi Nasiibkaada ayaa waxaa ka soo qeybgalay aqoonyahano, Ganacsato, Abwaano iyo saxafiyiin, waxaana halkaasi lagu soo bnandhigay qaab cusub oo Batiyanasiib ah, iyadoo nambarada ay ahaayeen kuwo ay isku qasayeen Aalada Computer-ka, waxaana halkaasi laga daawanayay nambarada oo isku qasmaya, waxaana si cadaalad ah howshaasi u fulinaayay rag ka madaxbanaan Shirkada iyadoo halkaasi lagu doortay Gudi sadax xubnood ah oo kala ah Ruux Abwaanada ah, ruux Saxaafadda ka socda iyo mid ka socda Bahda waxbarashada, kuwaasi oo uu mid markiisa Computer-ka fariisanaayay si loo arko cadaalada.

Mid ka mid ah Macaamiisha Shirkada Isgaarsiinta oo ka mid ahaa dadkuu ku guulaystay baqtiya nasiibkaas oo la wacay Nambarkiisa ayaa sheegay in la dhaho Magaciisa Cali Abuukar Siyaad, isagoo waqtigaasi cadeeyay inuu joogo Magaalada Ceel Buur ee Gobolka G/Gaduud, isagoo miijiyay inuu si aad ah ugu faraxsanyahay ku guulaysiga Barnaamijka Tijaabi Nasiibkaada, sidoo dad kale oo iyana ku guulaystay oo ay saxaafadda la xiriirtay ayaa halkaasi ka sheegay inay ku faraxsan yihiin.

Ujeedada barnaamijkaan ayaa ah u diyaargarowga Munaasabada 11-aad ee ka soo wareegtay sandguurada Aasaaska Shirkadda Isgaarsiinta Nation Link, waxana uu soconayaa ilaa 26-ka Febaraayo 2009-ka, iyadoo todobaad kasta maalinta Khamiista lagu qabanaayo xarunta Shirkadda ee Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadaasi ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Masuuliyiinta Shirkadda Isgaarsiinta Nation Link oo uu ka mid yahay Cali Axmad Nuur, isagoo ku dheeraaday Mudadii ay jirtay Shirkadda iyo waxyaabihii ay u qabatay Bulshada intaba, iyadoo sidoo kale Halkaasi ka hadleen qaar ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay Abwaan Abshir Bacadle, C/Qaadir Abaabul, Abwaan Guure iyo Oday Cabdulle oo isna halkaasi ka soo jeediyay Sheeko dadkii halkaasi isugu yimid ka qoslisiisay.

Waa markii ugu horeysay oo barnaamij noocaan oo kale ah ay qabtaan shirkada lolanka culusi ka dhaxeeyo ee gobolka banadir arintanine waxay shirka u abuuri doontaa macaamiil badan oo ku so hirto sida ay shirkadu damacsan tahay

Wixii faahfaahin dheeraad ah kaal xiriir xafiiska iibka iyo suuq gaynta Natin link tel: / 00252-50- 933333 ama 888 Muqdisho

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS