Safiirka Ethopia oo markii ugu horeysey si rasmi ah uga soo qaybgaley Fadhiga
Heshiiskii Taariikhiga ahaa 26/11/2008 ee ay wada gaareen DKMG iyo ARS
Munaasabad lagu soo xirayo qaybihii ugu muhiimsanaa wadahadaladii dheeraa ee u
socdey dhinacayada DFKMG iyo Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Somaaliya oo ay kasoo
qayb galeen Wasiirka Arimaha diinta iyo Islaamka Dowlada Jabuuti Dr. Xaamud
Suldaan, Ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobey, Amb; Waliid, Ra’iisul Wasaaraha
DFKMG Nuur Cade, Gudoomiyaha Is-bahaysiga Sheekh Shariif iyo Gudomiayaha Golaha
Dhexe Shariif Xasan, Wakiilo Uro caalami ah, Diblamaasiyiinta dowladaha kala
duwan ee jooga Caasimada dalka Jabuuti ayaa 26/11/2008-da DFKMG iyo IS-bahaysiga
Dibu-xoreynta Soomaaliya Hoteel Kempinski ee caasimada dalka Jabuuti, ugu
dhawaaqey Baarlamaan ka kooban 550 xubnood iyo dhisme dowlad Qaran oo ay wada
yeelanayaan labada dhinac, islamarkaana 275 mudaneyaal cusubna lagu kordhiyo
tirada Baarlamaanka DFKMG ay leedahay, kaasoo dhigayey war muriyeed ay hore usoo
wada saareen 26/10/2008-da.
Fadhiga heshiiska lagu sixiixay Hoteel Kempinski ee caasimada dalka Jabuuti oo
ka koobnaa lix qodob oo y ku qoran yihiin laba warqdood, islamarkaana u muuqdey
mid ka duwan fadhiyadii hore, lagana ilaalinayey inta badan qaybaha saxaafada
iyo ka soo qaybgalayaasha dhaq dhaqaaqa badan, islamarkaana intii aan laysku
af-garan heshiiskan, hakad ku yimid xiligii la soo gebagabeyn lahaa ayaa Waxaa
lagu xusey in 275-ta mudane ee cusub lagu soo xulo mudo bil gudaheeda, si loogu
gudbo hanaanka kale ee dowlad midnimo Qaran, maadaama uu jiro qorshe lagu qorayo
dastuur ay u dhan yihiin labada dhinac oo gebagebada hawshiisa iyo bilowgiisa
looga hadalayo Magaalada Nayroobi ee dalka Kiiniya.
Wasiir Arimaha Diinta iyo Aw-qaafta Dowlada Jabuuti Dr. Xaamud Suldaan oo ugu
horeyn halkaasi khudbad yar oo kooban ka soo jeediyey ayaa wuxuu yiri
“waxaan u tahniyadeyneynaa dadkii ka soo shaqeeyey heshiiskan Taariikhiga ah,
farxadan maanta waxay ay tahay, in Ummada la qiimeeyo ilaahayna la tala saarto,
waa wax weyn oo aan fileyno in Ummada Soomaaliyeed uu ku soo kordhiyo, dhibta
Somaaliya maanta ka jirta dhib Soomaaliya ku gaar ah ma ahan, waa mid ay
dareemayaan caalamka oo dhan, hadii Soomaaliya ay ku koobneyd dhibta, hada waxay
noqotey dhib cid kasta saameyneysa, waxaana looga bixi karaa Soomaaliya oo
Dowlad midaysan oo xoog leh ka jirta, waxaana u Hambalyeynayaa shacabka
Soomaaliyeed, Dowladaha Gobolka iyo beesha Caalamka” ayuu ku yiri khudbadiisa
Dr. Xaamud, isago hadalka sii wata ayaa intaa ku darey
“caalamka waxaan u sheegeynaa in Soomaaliya dowlad loo hirgeliyo, farsamo kale
oo wax laga qaban karo ma jirto oo aan ahayn Soomaaliya oo dowlad loo dhiso
mooyee” ayuu kusoo gunaanudey Dr. Xaamud Khudbadiisa.
Ra’iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen ayaa isna khudbadiisa waxaa ku bilaabey
“maanta waxay inoo tahay, sharaf weyn waxaa laga soo gudbey marxaladii bilowga,
waxaana loo gudbey dhismo dowlad loo dhan yahay iyo baarlamaan loo dhan yahay,
mar hadii uu soo gaarey heshiiskii marxaladaan waa heshiis guuleystey, diyaar
waxaan u nahay inaan hore u socono, markii lagu dhawaaqey heshiiskan waxay ahayd
11 bilood ka hor, farxada ayaan ii ogolaaneynin inaan hadal dheer halkaan ka
jeediyo” ayuu yiri Nuur Cade
Ra’iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) wuxuu mahad balaaran u soo
jeediyey Madaxweynaha dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geele, Dowladiisa oo leh
Xukuumaada iyo shacaba.
Gudoomiyaha Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif oo gunaanadkii
halkaasi ka hadley ayaa wuxuu khudbadiisa ku sheegey “waxaad la socotaan
dhibaatada Soomaaliya in ay sii badaneyso, waxaan codsanayaa in la xaliyo, ka
isbahaysi ahaan waxaan diyaar u nahay, inaan fulino heshiiska, dowladaha deriska
nabadooda wxay ku jirtaa nabada Soomaaliya, waxaan codsi u soo jeedinayaa cid
kasta oo ka soo horjeeda heshiiska inay taagaareen’.
Fadhiga diblamaasiyiinta soo xaadirey heshiiska waxaa ku jirey Safiirka Dowlada
Ethopia u fadhiya dalka Jabuuti Amb; Shamsudiin Axmed Rooble oo ahaa safiirkii
inta badan marka uu yimaado shirka, isaga dartii ay uga bixi jireen xubnaha
matalayey Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya, taasoo muujineysa in uu jiro
Is-bedel dhinacyo kala duwan taabanaya.
Hase ahaatee waxaa taagan Jawaano su’aalo fara badan,ah, kuwaasoo ka
jawaabistoodu ay qaadaneyso waqti aad u dheer, su’aalahan taagan ayaa waxaa ka
mid ah.
*Qaabka loogu guuleysan karo in Ururka al-shabaab laga dhaadhiciyo joojinta
dagaalada culus ee ay kula jiraan Ciidamada Ethopia iyo kuwa DFKMG, maadaama uu
noqodey Ururku ugu awooda weyn ee ka jira Soomaaliya lagana hadal hayo aduunka
oo dhan.
*Sida laga yeelayo kooxaha ka go’ay Is-bahaysiga ARS oo hada ku sugan Asmara,
kuwaasoo ay ku jiraan rag ku takhasusey dhibaateynta shacabka iyo buun buuninta
wax aan salkooda la gaarin.
*Qaabka ay u qaybsan doonaan 200 Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya ee lagu
kordhiyey Baarlamaanka, maadaama beel gaar ah ay u badan tahay Is-bahaysiga.
,*Sida ay ku ogaankaraan, xubnaha 75-ta ee laga soo xulayo Bulshada Rayidka,
Ganacsatada iyo Qurbo joogta, cida soo xuleysa xubnahan 75-ka ah.
*Dhibaatada ka dhalata doorashada xubnahan Is-bahaysiga taaso carqalad ku noqon
karta, hadii beel gaar ah ay sad dheeraad ah ku yeelato xubnaha Baarlamaanka
cusub.
*Sida laga yeelayo, sidoo kale Baarlamaanka waqtigiisu sii dhamaanayo oo u
horseeday dhibaatada shacabka, kadib markii uu ogolaadey keenista ciidamda
shisheeye oo hada laba sano loo cusbooneysiiyey, iyadoo Is-bahaysiga la magac
baxay Dibu-xoreynta lagu qurxiyey, lana doonayo in mar kale Ummada Soomaaliyeed
laga gado, dadkii u horseeday dhibaatada oo aysan wali Ummada Soomaaliyeed ka
boqgsan dhibaatadii ka dhalatey go’aankoodii foosha xumaa ee dalka dib u geliyey
Gumeysi dadban.
* sida uu ugu qanci karo heshiiskan, Baarlamaanka waqtigiisa sii dhamaanayo,
iyadoo la hadal hayo in laga ansixindoono heshiiska.
*Mar hadii wixii ka dambeeya dhismaha Baarlamaanka doorasho ay tegeyso, maadaama
Mas’uuliyiinta saare ee DFKMG ee xilka haya laga yaabo in xilkooda ay ku
waayaan, sida Madaxweynaha DFKMG oo xiligiisa ay ka harsan yihiin wax ka yar
sanad iyo gudomiyaha Baarlamaanka sida ay ku aqbalidoonaan.
*Maadaama xil ka qaadista wasiiradii hore, magacaabista Wasiirada cusub iyo
xilka qaadista Gudoomiyihii Gobolka Banaadir ay keentey khilaafyo fara badan,iyo
sida uu ku aqbalidono inuu xilka ka dego, isago hada Madaxweyne ah ogolaadana
doorasho dambe.
*Ciidamada Ethopia dembiyadii ay ka galeen shacabka Soomaaliya qaabka loo
wajihidoono mustaqbalka, maadaama lagu dhawaaqey gudi soo baara xadgudubyadii
dalka ka dhacay wixii ka dambeeyey 1991-dii.
*Marka ay baxaan ciidamada Ethopia, hadayba dhacdo, kooxaha dagaalamaya maxay
tahay tilaabada xigta ee ay qaadayaan, mar hadii ciidamadii Ethopia meesha ay ka
bexeen, Baarlamaankana aysan soo galin, maadaama ay diideen wadahadaladii ka
socdey jabuuti.
*Hadii baarlamaanka 550 uu noqdey, Golaha wasiirada dowlada labad sano imisey
noqondoonaan, halkey kaa imaandoonaan ma gudaha Baarlamaaanka, mise dibadiisa.
*Dadweynaha soomaaliyeed ee ku nool daafaha dunida, waxay isweydiinayaan, halka
ay ka shaqeyn doonto dowlad tiradeedu intaa la eg,mar hadii dalku uusan dhaqaale
lahayn, bur bur xoogana uu soo gaarey.
Dhamaan arimahaan iyo kuwo kale oo fara badan waa waxa ku hareereysan dhaqan
galka heshiiska taariikhiga ah iyo nabad ku so celinta Soomaaliya si loo helo
dowlad midnimo Qaran ku dhisan ee ay guusheeda leedahay Dowlada Jabuuti ee
fidisey gogosha.
Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com