SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maamulka Cusub ee G/Banaadir & Mustaqbalka Geedi Socodka Nabadda

Dalka Soomaaliya Dagaalo iyo nabadgelyo darri baahday kaddib ,ayaa waxaa soo ifbaxaya yididiillo nabadeed ee uu horkacayo Rug- caddaaga Siyaasiga ah R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen ( Nuur Cadde) kaddib markii uu soo diyaariyay una kuurgalay Magacaabida Maamul Cusub oo uu leeyahay G/Banaadir maadaama ay Muqdisho tahay Caasimadda Dalka Soomaaliya muddo ku dhow 19-Sanadoodna ay ahayd nabadgelyo darro shacabkuna ay ku noolaayeen walwal iyo walaac ayaa nasiib wanaag waxay noqotay in lagu guulaysto Magacaabid Maamul Cusub oo Hoggaamin doona Gobolka Banaadir taasina ay noqotay natiijo lagu farxo iyo guul ay gaareen Shacabka ku nool Caasimada Dalka Muqdisho ee Gobolka Banaadir .

Maamulkii hore ee G/Banaadir iyo Maamulkan cusubi maxay ku kala duwan yihiin ?Su'aashani ayaa waxay tahay mid ay is weydiinayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee nabadda jecel runtii jawaabtu way iska cadahay Maamulkii hore wixii uu geystay Qof waliba wuu garanayaa ilaa iyo hadda dhibaatooyinkii ay abuureen ayaa waxaa laga yaabaa inay ku bixi doonto Dib u dejindoota Shacabkii ay Barakiciyeen ugu yaraan Malaayiin Doolar oo la doonayo in ay bixiso Hay'adda Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno (UNHCR) ,Xasuuqii ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay Mas'uul ka ahaayeen Hoggaankii ugu Sareeyay ee G/Banaadir ku baahay dhammaan Dunida oo dhan.

Haddaba Shacabka reer Muqdisho maxaa u dan ah dhab ahaan "Dagaal Wiil kuma Dhasho ee Wiil baa ku Dhinta " Maamulkani cusub waa inuu qof waliba la shaqeeyaa si loo gaaro nabad una hirgasho Barnaamijka ay horkacayaan R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde ) iyo Hoggaanka Sare ee Isbahaysiga Dib u Xoraynta Dalka Soomaaliya oo uu Shirku uga socda Dalka Jabuuti ayaa mirihiisu waxa uu ku xiran yahay Xasillinta iyo Dib u dejinta G/Banaadir oo noqotay Goob Dagaalku uusan ka dhammaanin maadaama ay hore u burburiyeen Qabqablayaashii iska soo horjeeday kaddibna ay ku sii Galgasheen Ciidamada Cadowga ee Itoobiya ,sidaa darteed Shacabka Muqdisho waa inay u fikiraan in nabadu tahay wax Qaali oo aan la helayn.

Maamulka Cusub ee G/Banaadir maxaa la gudboon, sida laydinku soo Xulay ma aha mid sahlan R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde ) baaris qota dheer oo uu sameeyay ayaa wuxuu ogaaday in aad u khalan taan in aad Shacabka reer Muqdisho ka bixin kartaan dhibaatooyinkan la soo dersay mudan tihiina in aad u noqotaan Horseed Shacabka reer Muqdisho ,haddaba waxaa idin la gudboon in Kaallinta iyo Xilka aad qaadeen ugu adeegtaan Shacabka Soomaaliyeed Sinnaan ,Caddaalad,Horumar, Guul kuna sifowdaan in laydinkugu Tilmaamo kuwa guta Waajibaadkooda waqti walba iyo Xaalad walba uu Dalku ku sugan yahay.

Waxaannu Dhammaan Madaxda Sare ee DFKMG , Hogaanka Sare ee Isbahaysiga Dib u Xoraynta Dalka ,Hay'adaha Xuquuda Aadanaha u Dooda iyo kuwa Bulshadaha Raydka ee ka howlgala Dalka ,Aqoonyahayada ,Waxgaradka ,Hooyooyinka Soomaaliyeed,Ardayda ,Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dibadaha ,Culumaa'udiinka Soomaaliyeed ,inay u horseedaan Shacabka Geedi socodka nabadda una tilmaamaan in lagu gaari karo nabadda horumar iyo Caddaalad ku waarta Geyiyeenna oo dhan,Gumeystuhuna uu la kulmayo jab iyo halaag uusan weligii dambe uusan ka soo waaqsan doonin nabaddu waa Guul .

Gabagabadii iyo Maqaalkani , Maamulkani Cusub waxaannu ku wargelinaynaa in aysan ku deg degin inay u sameeyaan Guddoomiye Degmo , ilaa iyo hadda oo Shacabu ay ku nool yihiin meel ka baxsan Magaalada oo ay Barakiciyeen Ciidamada Itoobiya iyo Maamulkii hore ee G/Banaadir , Talo soo jeedinteennu waa mid dhab ah Horumarna lagu gaarayo Maamulku waa inay isugu yeeraan dhammaan Immaamada Masaajidda kalana Tashadaan sidii Shacabka Nabadda loo fahamsiin lahaa , Immaamaduna u noqon lahaayeen kuwa shacabka Maqla una dabacsan si Hoggaanka iyo Taladu u noqoto mid Caddaalad ah Allena uu raali ka yahay .

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 26, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS