SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Cajabo Maxamed Axmed oo ah Gabar dhowr maalmood jirta oo qaliin deg deg loogu qaadey Dalka dibadiisa

Cabdi Muuse Maaxaay shaqsi u taagan la tacaalida dadka dhibaateysan

Dadka soomaaliyeed eek u nool dibadaha oo laga bartey in dadkooda wax u qabtaan ayaa deg deg uga soo jawaabey codsi ah in qaliin deg deg lagu sameeyo waxaana codsigaas ka soo jawaabey Somaalida ku nool Minnesota iyo Texas waxaa shaley lagu guuleystay in Dalka laga dhoofiyo Cajabo Maxamed Axmed oo ah gabar yar oo 10 maalmood dhalan, taasi oo dhalatay iyadoo buro culeyskeeda ka weyn qof ahaan ay qoorta iyo daanka uga taallo.

Markii uu soo shaac baxay xanuunka gabadhan yar ee Sabiga ah ayaa waxaa si weyn isugu xil-qaamay sidii daweyn dibadda ah loogu heli lahaa Muwaadin Soomaaliyeed oo ku nool dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Cabdi Muuse Maaxaay, oo horey ula tacaaley dad soomaaliyeed oo la il darnaa Cuduro aan dalka waxa looga qaban Karin waxaana ka xusi karnaa Muraayo Nuur Cali oo iyadoo yar la kufsadey iyo Binti Jaylaani oo afka Buro uga soo baxadey kuwaas oo hadda ku sugan Mareykanka

Maaxaay oo la hadlayay Warbaahinta waxaa uu sheegay in uu xiriir la sameeyay Dhaqaatiir ka howlgala Isbitaalka Kijabi oo Nairobi ku yaala kadibna ay ka aqbaleen in ay gabadhan yar qalliin ku sameeyaan, iyagoo sheegay in ay arrinteeda tahay mid wax laga qaban karo haddii si deg deg ah Kenya lagu soo gaarsiiyo.

Intaas kadib Cabdi Muuse Maaxaay oo ay kaalinayaan labo gabdhood oo jooga magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota kuwaasi oo lagu kala magacaabo Caabiyo Ciise iyo Fartuun Xuseen, ayaa waxaa u suurtagashay in ay lacago ka soo uruuriyaan Soomaalida ku dhaqan Gobolka Minnesota iyo labo wiil oo ku nool Gobolka Texas ee Mareykanka, kuwaasi oo diiday in magacooda la xuso.

Lacagtii ay soo dhiibeen Soomaalida ku nool Gobollada Minnesota iyo Texas waxaa tikidh iyo sahay looga dhigay Ubax Aadan Warsame oo ah Hooyada dhashay Cajabo Maxamed Axmed, waxaana shaley Diyaarad laga saaray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho

Waxaa xusid mudan in ay amba bixinta gabadhan yar ee burada ku taallo ay ka qeyb-qaateen Sahro Maxamed Axmed oo ah Agaasimaha Dalladda Haweenka COGWO, Aamino Aadan Cabdi oo Arrimaha Caafimaadka u qaabilsan COGWO iyo Shamso Cabdi Qayax oo COGWO u qaabilsan Arrimaha Dhaqaalaha.

Sahra Maxamed Axmed oo garoonka Diyaaradaha Muqdisho ugu warameysay Warbaahinta waxay mahadcelin u jeedisay Soomaalida ku nool Gobollada Minnesota iyo Texas, kuwaasi oo ay xustay in ay ka damqadeen, una soo gurmadeen gabadha yar ee xanuunsaneysa, waxayna u rajeysay dadkii Lacagtaas soo diray in uu bedel kheyr leh Allaah siiyo.

Ubax Aadan Warsame oo markii ay garoonka ka duuleysay aad u faraxsaneyd waxay sheegtay in u mahadcelineyso Soomaalidii lacagta u soo dirtay iyo kuwii gudaha Dalka Soomaaliya uga gurmaday, waxayna caddeysay in haatan ay niyaddeeda ka wanaagsan tahay sidii ay maalmo ka hor ahayd.

Isbitaalka Kijabi ee lagu daweynta loogu diray Cajabo yarey waxaa horay qalliinno kala duwan loogu sameeyay Dad Soomaaliyeed oo isugu jiray Caruur iyo Dad waa weyn, kuwaasi oo qaarkood burooyin ku yaalleen, halka ay kuwo kalena ahaayeen kuwo aan lahayn meel ay ka saxaroodaan, waa caruurtee.

Rajada laga qabo in Cajabo Maxamed Axmed oo 10 maalmood dhalan wax laga qabto ma xumo, waxaana la rajeynayaa haddii Alle idmo in ay soo noqon doonto iyadoo caafimaad qabta oo burada ku taalana laga qalay.

Haddaba, ciddii dooneysa in ay wax kala socoto Xaaladda Caafimaad ee Cajabo yarey hala xiriirto Caabiyo Ciise oo laga helo 612-298-1044 Minneapolis Minnesota ama Fartuun Hussein oo laga helo 612481-4623 Minneapolis Minnesota ama Cabdi Muuse Maaxaay oo lagala xiriiri karo maaxaay@gmail.com.

Qoraalkii hore: Agaasimaha isbitaalka Fiqi ee Muqdisho oo Saxaafadda u soo bandhigay gabar ku dhalay buro aad u weyn oo halis ku haysa... Akhri...


Waxaa isku soo dubaridey

Amiin Yuusuf Khasaaro

E-mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Tel 0025215532494

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 26, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS