SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaan Midnimada Ka Weyney? 
 

Aalaaba waxaa la Arkaa in ibnu aadanku diido waxa aanay dani ugu jirin ama uu dareemay inay dhibaato ka soo gaadhayso amaba ay ku tahay magac xumo iyo maamuus daro, waxaaase la yaab leh marar badan inaad aragto qof ama ummad ka biyodiidaysa dantoodii iyo maslaxadoodi una baratamaysa waddadii ay ku lumi lahaayeen kuna halaagsami lahaayeen . 
 

Waxaa dhacda in dhakhtar daawo u qoro qof bukaana, daawadaas oo laga yaabo inay sabab u tahay inuu ka kaco xanuunkan daashaday ee nolashiisii khatarta galiyay, waxaase dhacda in qofkii bukaanka ahaa daawadii daadiyo oo aanu cunin, dhakhtarkana u sheego inuu dhamaystay kuuradiisii(daawadiisii) . 
 

Akhristow Suaasha aad is weydiin kartaa waxay tahay  sidee dhakhtarku u caawin karaa bukaankan naf la caariga ah ee daawadiisii qashinka ku daraya?

Waxaad kaloo is waydiin kartaa sidee u caafimaadi karaa mariidkan aan daawada qaadanayn?

  Muxuu daawada ka waayay ama u diiday?

  Muxuuse ku doorbiday in xanuunkani sii hayo? 
 

Xaaladan oo kale waxaa la mida ama kaba daranba markaad aragto sida ay ummadii soomaaliyeed u kala fogaatay ugana biyo diidayso inay midowdo isuna geyso maankeeda & muruqeeda, iyo siday u baasaysatay  wada jir iyo iskaashi ay kaga dabaalato  burburkan lixaadka ah ee maansheeyay dhamaan qaybaha ay ka kooban tahay.

Hadii aad dhagadhagayso ama indha-indhayso warbaahinta soomaaliyeed waxaad maqlaysaa hadalo badan oo dhiilo xanbaarsan kana turjumaya  heerka mukhaalafo iyo midnimo daro ee ummadu heehaabayso .

Dhawaaqyada isdaba jooga ee aan loo meel dayin ayaa ah kuwo caado u noqday inay ka dhex yeedhaan kulamadeena iyo shirarkeenaba.

Hadaladaas ayaa ah kuwo dhantaalay midnimadii ummada , horseedayna wado ma dhamaato ah oo shacabka lagu marin habaabiyay.

Gabyaa soomaaliyeed baa yidhi

Waddankey ku noolayd abido waaqeed  ay joogtay

Ummad waaraad loo qaybsadoon kaba walaacaynin

Ummad aan ka waababa aqoon dabinka weegaaran

Ummad wadajirkii diiddanoo kala waswaasaysa

Ummad waddici gobonimadiyoo wacan  gumaystiina

Ummad uu wadkeedii galoo waalo tumanaysa ! 
 

Talow maxaan midnimada ka waynay? 
 

Midnimadu waa xooga ay ummaduhu ku difaacaan sharaftooda iyo karaamadooda , kagana hortagaan khataraha waaweyn ee salka ka rujin kara jiritaankooda , sidoo kale waa arinka u sahla inay muquuniyaan cadowgooda,horumarna ka sameeyaan hardanka siyaasadeed ee aan la hurayn.

Midnimadu  waa deyrka ay umaduhu iska wareejiyaan si ay isaga xaydaamaan balaayooyinka uu cadawgu la gaafwareegayo, waana dhufayska ay ka galaan dhagaraha loo maleegayo ee lala maagan yahay.

Hadiisa ay dhacdo in ummadaasi ku fashilanto hanaankii midnimo ee looga baahnaa  waa calaamad muujinaysa in ummadaasi ayna hananka Karin jiritaan ay ku naalooto, kartina u yeelan Karin inay caga badan ku sii taagnaato . 
 

Midnimadu waa furaha harumarka ,Horu marku waa bartilmaameedka ay ummaduhu  ku taamayaan inay haleelaan, xoog iyo xoolana isugu geeyaan sidii ay ku gaadhi lahaayeen .

Hadaba haday rabto ummadi inay ku Talaabsato isbadel muuqda oo ay ka samayso dhamaan dhinacyada ay rabto inay horumar ka gaadho, una aydo mustaqbalka dhow & ka fogba, kana baxdo khaanada loo yaqaan dunida saddexaad oo macnaheedu yahay (kuwa dib u dhacay kuna fashilmay inay horu kac sameeyaan ) waxaa la gudboon ummmadaas sidii ay u midayn lahayd shacabkeeda & tamarteedaba .

Arimaha lama dhaafanka ah ee aanay  la,aantiis marnaba suuro gal ahayn inay ummadi samayso horumar ay ka midho dhaliso kuna xasisho waa midnimo & iskaashi dhex mara dhamaan xubnaha ay ka kooban tahay.

waxaan odhan karnaa midnimadu waa bar bilowga horu marka . 
 

Midnimadu waa sababka ay ummaduhu ku xaqiijiyaan himilooyinkooda una maraan inay  gaadhaan hankooda.

Marka laga tago binu aadamka xitaa xayawaanka ayaa gartay inaanay suura galin karin ujeedooyinkooda illaa ay cagta la helaan wadada midnimada.

Hadaan tusaale u soo qaadano shinida oo aan aragnay xajmigeedu inta uu dhan yahay, hadana waxaan is weydiin karnaa  muxuu yahay arinka u sahlay inay samayso maadadan qiimaha badan           ( malabka) ee aan la soo koobi karin faaiidooyinka ay u leedahay binu aadamka?

Waxaan ku micnayn karnaa inuu yahay iskaashiga layaabka leh ee ay ka dhex abuurtay xubnaha ay ka kooban tahay, waana tafsiirka aan siin karno  guushan amaanta mudan ee aan marnaba la moogaan Karin. 
 

Bal Aboorka eeg siday ugu suura gashay inuu dhidbo dudumada lixaadka leh ee uu ka qotamiyay arlada guudkeeda?

Miyaanay ahayn midnimo, miyayna ahayn is af garad & hawl loo dhan yahay oo mid walba oo iyaga ka mid ahi gartay qabtayna wixii isaga kaga aadanaa.

Aboorkuba alleykuu dhisaa aqallo waaweyne

Markaan aragnay daartuu ebyay baa la ashqaraaraaaye 
 

Waa suaale Maxaan innagu midnimada ka weynay? 
 

Wadamada horumaray waxay qorshayaashooda koowaad ku darsadeen sidii ay u heli lahaayeen xulufo & gaashaanbuur ay iska kaashadaan arimaha dhaqaalaha,milatariga ,siyaasada iwm

taasi waa ta keentay in maanta yurub isu habarwacato,dajisana istiraatiijiyo cusub oo ay ku wajahdo caalamkan, kuna talaabsato inay midayso lacagteeda, qorshaysana inay noqdaan hal wadan oo hal meel looga arimiyo.

Maraykanka oo ah wadamada maanta caalamka ugu tugtugta roon ayaa wada hindise la magac baxay (Union of North America) oo uu doonayo inuu ku gaashaan buuraysto wadamada Canada & Mexico kaas uga dan leeyahay inuu helo cudud kale oo isaga ka baxsan .

Waa suaale muxuu maraykan oo ku dhaw 300 oo milyan  xulufo u raadinayaa soomaali oo 10 milyan ahina midnimo u saluugtay? 
 

Gabyaa soomaaliyeed baa yidhi

amaan ma lihid shacabkoow hadaan aad u fiirsadaye  
anfariirka Shiinaha dhigay ee Yurub ka uugaantay  
ee Alif malyuun gaadhayaa waa Fartaa qudhahe!  
idinkoon Ardaa buuxin baad kala irdhoowdeene!
 
 

Akhristaw dad badan oo iyagu nasiib u helay inay ku hoos noolaadaan dawlad iyo nidaam ayaa hadana si ay u ilaashadaan xuquuqdooda aasaasiga ah  waxay samaysteen iskaashatooyin ay ku dhawrtaan  sadkooda iyo cadkooda, kuna soo dhacsadaan wixii xuquuqa ee ay tabayaan inay ka maqan tahay, sida dhakhaatiirta,macalimiinta ,shaqaalaha guud ahaan, waxaana odhan karnaa waa dareenka ay dareemeen inaanay nolasha ku wajihi Karin kali kali iyo nin toocsi.

Gabaybaa baa ahaa

Alleylehe waxaan eegayaa inaad israacdaane 
Iblayskiyo wixii uurxumiyo arami keenaaya 
Aduunyada Intaad joogta waa laga adkaadaaye 
Dadkii kale ulbay wada noqdeen adiga mooyaane
 
 

Akhristaw waxaas oo dhan waxaa ka horeeya kana mudan inaan xusno in ilaahay kor ahaaye ina faray midnimo iyo wada jir, Nabigeenuna meelo badan oo sunnada ka mida ku cadeeyay sida muslimiinta ay waajib ugu tahay inay midoobaan .

Waxan marnaba la soo koobi karin sida qotada dheer ee shareecadeenu ugu hadashay qiimaha midnimada iyo sida ay inoogu boorisay inaan la nimaadno.

Gabyaa soomaaliyeed baa laga hayaa inuu yidhi

Isku tiirsi baydiin egiyo ururin xoolaade 
Ictisimada Islaamkaa la yadhi gebi ahaantoode 
Aaydaha diinta iyo sharcigu waynagu amreene 
Axaaddiista Nebigey ku timi saadu aragtaane
 
Ikhtilaafku waa naar jannana waa isu imaade.

Waa suaale innagu xagaan midnimada kala qaadnay, maxaanse ka weynay?

Akhristow waxaa mudan inaan xusno in midnimada aan ka hadlayna loo baahan yahay in lagu qotansho laguna taago tiirar adag oo aan nuuxsanayn, sal iyo aasaasna looga dhigo ilaahay kitaabkiisa & sunnada nabi maxamed calayhi salaatu wasalaam,waana arinka aanay midnimo suura gal ahayn hadaan gacanta lagu qabsan .

Gabyaa baa yidhi

Waxse lagu uruurshaa ra'yiga, ama is raac keena 
In la helo awood gobonimo iyo, xeer Islaamiyahe 
Hadii kalana eed kama baxdiyo, aano iyo qoyse 
Markaasay utuni beerantaa, laysku aynaba e 
Aafadu kolkay durugto ee, layska wada aarto 
Agoon dhalata mooyee markaan, axadna guulaysan 
Adaa iile iyo eersasho, bay ku intihootaaye.
 
 

Waxaan ku soo koobayaa midnimada waxaa ku jirta liibaanteena aduun & tan aakhiraba , waxaynuna u baahan nahay in aan meel iska dhigno khilaafaadkan aan dhamaadka lahayn ee ina dhaxalsiiyay duruufahan taxana ah ee isu keen waydaaranaya.

Sidoo kale waa inaan u guntano sidii aan u midoobi lahayn isuna kaashan lahayn, muruq & maskaxna aan isugu geyn lahayn.

Waxaan ku soo xidhay akhristow ogow  inaan midnimada  marnaba lagu khasaarin. 
 

WQ: C/khaaliq Jaamac Ismaaciil

darwiish101@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 26, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS