SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Hayadda Center for Dimocracy and Human Rights (CDHR) oo qabatey siminaar ku saabsan Saxaafadda iyo xaquuqda Aadanaha

Sawirada Siminaarka halkan ka daawo....

Siminaar ku saabsan warfaafinta iyo xaquuqda aadamiga ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey Hotel saxafi ee Magaalada Muqdisho waxaana soo qaban qaabiyey Hayadda Center for Dimocracy and Human Rights (CDHR waxaana gacan ka geystey Hayada National Endowment for Dimocracy ee fadhigeedu yahay Cariga Mareykanka , wuxuu socdey siminaarkaas muddo seddex maalmood ah waxaana ka soo qaybgaley xubno ka kala socdey qaybaha warbaahinta ee Magaalada Muqdisho waxaana furey Gudoomiyaha Saxafiyiinta Qaranka Somaaliyeed Yuusuf Cali Cismaan (Yuusuf Farey ) oo u mahadceliyey intii isku soo dubaridey Siminaar wuxuu u soo jeediyey ka qayb galayaasha in Mihnadooda ku dabaqaan Casharada ay halkan ka qaateen

Wxaa kaloo gabagabadii ka Hadley Gudoomiya Ururuka Sowja Qamar Salaad oo sheegtey in Saxaafadu ay tahay mida Ifisa tacadiyada ka dhaca dalka loona baahan yahay in ay si taxadar leh u sheegaan maadaama aan wadanka laga dhowrin sharuucda xaquuqda aadanaha , waxaa kaloo ka Hadley Gudoomiye ku xigeenka Urirka Woja Shra Cabdulaahi Yuusuf oo ah urur qaabilsan saxafiyiinta haweenka waxayna ku dheeraatey in saxaafada looga baahan yahay in ay si geesinimo leh ugu howlgalaan sidii bulashada u bari lahaayeen xaquuqda aadanaha waxayna kula dardarantey bahda saxaafadda in ay iyana dhowraan wxa lagu leeyahay Xaquuq ah

Siminaarkaas intii uu socdey ayaa waxaa casharo ka jeedinayey Prof Xirsi Xaaji Culusow oo ah Khabiir ku xeel dheer arimaha Xaquuda Aadanah iyo Saxaafdda wuxuu is bar bar dhigey xiriirka ka dhaxeeya Saxaafada iyo Ururada xaquuqda Aadanaha wuxuuna sheegay in ay yihiin laba si aad ah isu kaabaya wuxuuna sheegay in saxaafada Somaaliya ay tahay mid baahisa Xadgudubyo badan wuxuuna ka qaybgalayaasha siiyey sharuuc ay isaga ilaalin karaan inta aysa baahin xadgudubyadaas , wuxuu kaloo sheegay in saxaafada looga baahan yahay in ay barato Sharuucda saxaada isagoo sheegayn in midaas ay ka badbaadin karto xadgudubyada mararka qaarkood ay siidaayaan

Hayadaan ayaa inta badan Saxaafiyiinta u qabata siminaaro fara badan kuwaas oo ka faaideystey saxafiyiinta ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa wuxuuna Siminaarkaas ku soo gabagaboobey sidii loogu talagay

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiin khasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS