SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Daahir maxamed hersi ”nimanka naga soo horjeedo waxay na yiraahdaan dabadhilifyada Ethiopia anaguna waxaan cadaynaynaa in ay yihiin dabadhilifyada Eritrea

Iyada oo maalmihii ugu danbeeyey ay Magaalada Muqdisho ka dhacayeen dagaalo qaraar oo ay isaga soo horjeedaan dhinacayada dowlada fadaralka KMG somaliya oo garab ka helayo ciidamada shisheeye sida ciidanka Ethiopia .ugaandha iyo kuwa brundi isla markaana dagaalkaasi u dhaliyey qasaare isaugu jira dhimasho iyo dhawac iyo burbur hantiyadeed ayaa waxaa inoo suurta gashay si aan wax uga ogaano in aan la kulano afhayeenada ciidanka milatariga dowlada fadaraalka KMG Somaliyeed Daahir Maxamed Xersi wuxuuna ka warbixiyey sida ay wax u dhaceen dhinacoda .

Afhayeenka ayaa sheegay in dhinacii ka soo horjeeday ay ka dileen 27 qof isla markaana ayna dagaalka guulo ka gaareen wuxuuna inta ku daray in dhinacooda ay kaga dhaawacmeen 3 askari midna uu kaga shahiida waa sida uu hadalka u dhigaye


Cabdiraxiin Ciise Cadow iyo daahir Maxamed xersi

Sidoo kale afhayeenka Maxkamadaha islaamka dhinaca howgalada SH Cabdiraxiin Ciise Cadow oo aan isna la kulanay ayaan wax ka weydiinay wuxuuna sheegay

Isaga oo ka hadlayey dagaladaas in dagaaldaaasi ay daba socdeen ka dib markii ay ciidamada Ethiopia ay ku faafeen qaar ka mid ah dagmooyinka Gobolka Banadir sida wadada Carafaad Jidka jaayga ah ee taga jaamacada Muqdisho ilaa qabuuraha Albarakaad Cabdiraxiin Ciise wuxuu intaa ku daray in ay isku faadiyeen wax uu gu yeerey Cadowga islaamka isla markaana ay go.aan dagaal qaateen isaga oo sheegay in ay cadowga u geysteen qasaare aad u weyn dhimashadooduna ay gareyso ku dhawaad 20 tiro inkoo kale ah na uu dhawac ka soo garay .

Afhayeenka ayaa tibaxay in markale uu dagaal dhexmaray ciidamada dowlada oo garab ka helayo kuwa Ethiopia iyo kooxaha dagaalka hubeysan kala soo horjeedo wuxuuna sheegay in dagaal gaadmo ah ay kaga dileen unug ka mid ah ciidamadi la dagaalamayey oo gaarayey ilaa 9 halka 3 kalana uu garay dhawac sida u shegay afhayeenku oo intaa ku darey isaga oo hadalkiisa sii wato in ay afar goobod oo kale ay weeerar ku qaadeen mujaahidiintu .

Sida Warshada baastada .xeyle bariise oo ka mid ah dagmada yaaqshiid sidoo kale wuxuu shegay in ay weerareen Cali Kamiin iyo isgoyska faloranza oo ka tirsan xaafada Warsdhiigleey .xararyaale

Sida aan wararka ku helayno dagaalkaasi wuxu bilowday ilaa afarti galabnimo isaga oo iskiis u joogsaday ka dib salaadii maqrib

Cabdiraxiin Ciise Cadow ayaa sheegay in dagaalkaa ka dib ciidamad Ethiopia ay madaafiic ku garaaceen goobaha dadka rayid ah uu dagan yahay sida suuqa bakaaraha oo kale iyo dugsi quraan oo uu madfac ku habsaday waxaana dhawac ka soo garay qaar ka mid ah ardaydii waxaana horey u jirtay in sidaas oo kale ls weero gobo muhiim ah

Afhayeenka ayaa ku eedeeyey ciidanka Ethiopia in ay saldhigyo ciidan ka sameysteen xarumihii waxbarasahda sida jaamacadihii iyo dugsiyadi waxbarashada iyo gobihii cafimaadka oo ay ku jiraan isbitaalo

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 24, 2008

 

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS