SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Beelaha Cali Saleebaan iyo Dishiishe oo Kulan Xasaasi ah Axadii ku Yeeshay Magaalada Bosaaso.

Nov,23,2008- ayaa Labada Beelood ee Dishiishe iyo Cali Saleebaan waxay Kulan Xasaasi ah ku yeesheen Hotel Karamada 2- ee ku yalaa duleedka Magaalada Bosaaso, Kulankaasi ayaa waxa Joogay Labada Musharax ee Labada Beelood kasoo kala Jeeda Waa Prof Muxiyadiin Cali Yusuuf Eng Siciid Maxamed Raage iyo waliba Isimo, Ganacsato iyo Aqoonyahano, Ururada Bulshada.

Kulankaasi ayaa ugu horayn lagu Furay Ayaadaha Quraanka Kariimka ah iyada, Quraanka Kariimka ah ka dib, laguda Galay Ujeedooyinkii ka danbaysay inay Beelahaasi Kulan Wada Qaataan, siyaasiyiintii Halkaasi ka Hadashay ayaa waxay sheegay inay aad ugu Riyaaqeen Kulankaasi ay wada Qaateen Labada Beelood ee wada Degan G/ Bari isla markaana ah Laba Beelood oo ka dhexayso Wada Noolaansho kumanaan Qarni ah.

Isimada qaarkood oo Kulankaasi maanta ka hadlay ayaa sheegay inay ka isima ahaan Jecelyihiin in laga Midoobo Siyaasada Qakafsan ee haatan soo Food saartay Puntland, isimada ayaa dhanka kale xusay in Loo Baahanyahay in doorashada Puntland ee loo han Qal Taagayo ay Noqoto mid SI xaalaal ah u qabsoonta.

Ugu danbayntii Labada Musharax ee Beelahaasi ka soo kala Jeeda Waa Prof Muxyadiin Cali Yusuuf iyo Eng Siciid Maxamed Raage ayaa si Wada Jir ah u Qiray inay ka Midaysanyihiin Arimaha Siyaasaded ee Puntland isla markaana ay Doorashada Puntland si Wada jir ah uga qayb Galayaan, sidoo Kale Musharaxiinta ayaa sheegay inay Midba kan kale la shaqaynayo hadii La doorto.

Kulankan ayaa ah mid aan Caadi ahayn isla markaana waxa la Oran karaa waxa uu dhabar jab xoogan ku yahay Gen- Cade Muuse maadaba ay Beelahan Maanta shiray Yihiin kuwa Miisaan wayn ku leh, Gobolka Bari, Cade Muuse ayay Beelahani Taageereen doorashadii uu ku Guulaystay ee 2005- taasi oo maanta ku Tusinaysa inaanay wax Kalsooni ah u ahyn.

Docda kalena Siyaayintii Halkaasi Joogtay ayaa waxa ka mid ahaa Xirsi Gaataa, iyo Cabdi Shakuur Mire Aadan iyo Waliba Siyaasiga Rug Cadaaga ah ee Cabdi Yaasin, dhamaan SIyaasiyiintaasi ayaa qirtay inay Taageersanyihiin Go"aanka Beelaha


Jaamac Feyte
Somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 24, 2008

 

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS