Geeska Africa: Dabin dhigid, ka tilaabsi iyo u dhigida siyaaseed.
Waxaan qorneyn xilligii ay bilaabatay siyaasadaha maldahan ee ka
jitra geeska Afrika oo jiilba midkii ka horeeyay ka dhaxlo. Qormadaan
kuma soo koobikarno taariikhdii Geeska Afrika, faragalinta shisheeye ee
xad-dhaafka ah iyo waxyaalihii ay soo mareen shacuubta, waxaase kala
qabsaneynaa meesha ay maalmahaan ka butirineyso:
- Shirkii Nairobi ee IGAD ugu yeertay madaxda sare iyo wakiilada
TFG-da.
- Shirkii addis Ababa ee IGAD bishaan.Wasirka arrimaha dibadda ee
dalka Itoobiya baa u sheegay wasiiradii ka soo qeybgalay kulankii “in
aan ciidamada Itoobiyaanka aysan diyaar u aheyn inay naftooda u huraan
hawl aan dhamaad laheyn”. Gunnaanadkii shirkaas waxay wasiiradu ka soo
saareen go’aanno ka dhan ah madaxda sare ee TFG-da “ kuwii caqabad ku
noqda dadaallada xalka loogu raadinayo Soomaaliya” inkastoo aan go`aanka
lagu sheegay magacyo, waxaanse qarsooneyn in loo la jeeday madaxweynha
TFG-da. Shirkaas waxaa ka dhashay su`aalo aan yareyn:
- Ururka IGAD ma leeyahay xeer hoosaad dhanka anshaxa ah, maadaama
go`aankii Wasiirada arrimaha dibbada saxaafada loogu soo gudbiyay qaab
murduxan.
- Waxaan caddeyn muwqifka wakiilka shirkaas uga qeyb galay dawlada
Soomaaliya?
- Maxay tahay, inteesa le`egtahay awooda IGAD ugu hanjabayaan Madaxda
TFG-da?
Dhinac kale, Madaxweynaha soomaaliya wareysi uu siiyay laanta
Afsoomaaliga ee VOA baa lagu waydiiyay “ Itoobiya waxay sheegtay inay
ciidamadooda la baxayaan Soomaaliya” wuxuu ku jawaabay” ciidamada
Itoobiya waxay Soomaaliya ku yimaadeen heshiis, hase yeeshee xor bay u
yihiin haddii ay sidaas dan guud u arkeen”. Intaas wuxuu ku sii daray,
nabadgalyada dawladaha ku yaal geeska Africa way isku xiran yihiin,
waxaanna loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo. Jawaabtaan cad baa
abaarysa warkii ka soo yeeray dawlada Itoobiya“ in aysan diyaar u aheyn
inay ciidamadeedu naftooda u huraan difaaca aan dhamaadka laheyn ee
TFG-da”.
Daruuraha siyaasadeed ee ka curtay Geeska baa waxaa caaradka uga jira
waxyaalaha uu soo kordhin doono safarkii Madaxweynaha ee dalalka Liibiya
iyo Sudan:
- warar ka imaanaya dalka Libya ayaa sheegay in madaxweynaha TFG-du
uu ka codsaday dhigiisa inuu dib-u-heshisinta Soomaalida uu qeybweyn ka
qaato.
-Wasiirka koowaad ee TFG-da baa isna sheegay ineyn habbooneyn in
shirkii la filayay inuu ka furmo 23/11/`08 dalka Jabuuti loo weecinaayo
Liibiya. Waxuuna ku tilmaamay inay tahay mid lagu fashilinayo.Dhageyso
VOA 20/11/`08. Hase yeeshee Madaxweyne Cabdullahi yusuf baa BBC-da
laanta afsoomaaliga ka sheegay” inuusan ka soo horjeedin shirka Jabouti
ka furmaya 23/11/`08, diyaarna u yahay inuu tago” .
- In aan siyaasadu laheyn saaxiib joogta ah, hase yeeshee ay
leedahay dan joogta ah. Dad xog oggal ah baa xaqiijinaaya in saaxiibo
kala tageen iyo kuwo wada xaajood u socdaan. Waxaan la yaab laheyn
haddii ay soo shaacbaxaan waraka sheegaaya in casuumado loo kala diray
madax ka mid ah mucaaradka ka soo horjeeda TFG-da si ay uga soo
qeybgalaan dib-u-heshiisiinta Soomaalida.
- Waxaa la saadaalinayaa in safarkaani uu hakad galiyo xawaaraihii ay
ku socdeen hawlaha IGAD ee dhexdhexaadin TFG-da. IGAD waxaa la Asaasay
1986, waxaana 22/04/`07 si ku meelgaar ah u joojiyay ka mid ahaantii
ururkaas dalka Eretria. Wasiirka warfaafinta ee dalkaas Cali Abdu baa u
sheegay wakaalada Ruters “ in ayn ku sii jirikarin ururrrkaas
go`aamadiisu yihiin kuwo sharci darro ah, lana aqbalikarin”. Haddii
saluugid iyo dhaliilo cusub ku yimaadaan nidaamka ururka IGAD waxaa
su`aal galaya xubin ka ahaanta iyo waliba jiritaanka ururka .
Gunnaanadkii,
Indhaha aduunka waxaa lagu soo jiitay dhacdooyinka Soomaaliya
xilligaan ka taagan:
- Xooggaga Al-shabaab oo gacanta ku dhigay badiba koonturta
Soomaaliya
- Burcad baddeeda oo qafaashay gaadiid far badan, sida markabka
shidaalka ceeriin sida ee laga leeyhay dala Sucuudiga iyo kii ka
horreeyay ee hubka siday. Falalkaan burcadnimada ah haddii ay sii socoto
waxaa dhacaya in shirkada gaadiidka badahu inay ka leexdaan Suez kanaal
oo ah marinka ugu habboon, ugana dhow dhinaca badda ee isku xira Yurub
iyo Eeshiya, iyada oo aan laga wareegin koonfurta Afrika (cape of good
hope). Kharaska kaliya ma ahee wadada wareega ahi, baa ah mid dhibaato
leh.
- Isqab qabsida madaxda dawlada Soomaaliyeed oo sahlay in go`aamadaan
ujeedo badanta ah in la qaato.
Sidoo kale, waxaa jira arrimo aan warbaahinta lagu sheegin laakiin
gadaal ka riixaya go`aamadii dhawan ay soo kala saareen iwm:
- Go`aankii IGAD 18/11/`08. Itoobiya oo la wareegtay madaxnimada
IGAD; oo ka soo horjeeda inaan lagu hungoobin hawlgalka ciidamadeedu ku
joogaan Soomaaliya
- Go`aankii golaha Ammaanka ee UN-ka 21/11/`08. Go`aankaan waxaa soo
jeediyay Danjiraha dalka Ingiriiska u fadhiya UN-ka. Shidaalka ka
dhoofaya Gacanka carabta una socda Yurub iyo waqooyiga Ameerika waxuu
mara marinka burcadu degtay. Waxaa kale oo jira shirkado badan oo reer
galbeed ee dhinacyada shidaalka iyo adeegyada ceymiska oo hanti badani
uga dhumayaan haddii ay sii socdaan afduubka iyo burcad badeedu iyo
shaqaalaha saaran markabka Sacuudiga ee Siruis star.
- Shirkii jaamicada carabta 21/11/`08. Dhaqaalaha dawlada masr ka soo
gala marin biyoodka Suez Kanaal ayaa waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay
dakhaliga ugu badan ee ka soo baxa ilaheeda dhaqaale dalkaas. Waxaa ka
shaqeeya shaqaale aad u badan.
- Go`aamadaan oo ka gaabsaday ka Kaluumeysiga sharciga darada iyo
dhibaatooyinka ka imaankarta sun lagu shubo badda Soomaaliya.
- Ujeedooyinka dhabta ah ee ka danbeysa maraakiibta dagaalka ee ku
soo qolqolaya xeebaha dalka Soomaaliya. Hase yeeshee burcad badeedu
hortooda maraakiibta ku afduubanayaan ama maraakiibta ku heystaan.
Dawladaan maraakiibta leh baan isku dan aheyn, dhinaca wax u wada
wadain.
Markii la isku soo duubo, siyaasada Geeska Afrika ee siriqda ku jirta
baa laga yaabaa:
- Inay rafasho ku galaafato dan-wadaag badan iyo shacuub aan danbiga
geysan. Dalalka ku bahoobay ururka IGAD baa waxaa heysta khilaafaad
dhexdood ah, khilaafaad ka sii hoosee ee dalka gudihiisa ah, iyaga oo
aan laheyn dhaqaale ay ku meel mariyaan aragtidooda iyo go`aamada talo
wadaa iyo la kaashi dibada ma ahee.
- In Go`aamada isdabajooga ah ee xilligaan loo akhriyayo kuwo xal
loogu raadinaayo Soomaalida, baa khatar weyn ku noqonaya madaxbannaanida
dadka iyo dalkaba.
Qore
Shakib Dhowre