SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

MUSHARAX NURADIIN AADAN DIIRIYE OO SI WEYN LOOGU SOO DHAWEEYEY DEGMADA GALDOGOB EE GOBOLKA MUDUG


Halkaan ka daawo sawiradii Goldogob

Nofeembar 23, 2008



Musharaxa iyo waftigiisa oo ka koobnaa waxgarad, nabadoono, iyo aqoon yahano ayaa maanta gallinkii hore waxay booqasho ku tageen degmada Galdogob ee gobolka Mudug. Musharaxa iyo wafdigiisa ayaa halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyey, waxaana meel ka baxsan magaalada uga horyimid maamulka degamda, nabadoono, culumaa’udiin, waxgarad iyo dadweyne aad u faro badan. Soo dhaweenta kadib waxaa uu musharaxu soo dhexmaray magaalada Goldogob iyadoo dhinacyada wadooyinka magaalada ay buuxiyeen dad lulayey caleemo qoyan kuwaas oo doonayey inay arkaan musharaxa.



Intaas kadib ayuu musharaxu wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay waxgaradka iyo odoyaasha degmadaas, wuxuuna u bandhigay barnaamijkiisa badbaadinta Puntland.

“Ujeedayduna waxay tahay in aan maanta Puntland badbaadiyo. Waad ogtihiin waxa ay Soomaaliya ku sugan tahay waad ogtihiin in maanta Puntland ay ka jirto Cadaalad darro dhanka arimaha bulashadda sida Waxbarashada, caafimaadka, nolosha, ammaanka. Waad la socotaan caruurteena in aysan waxbarasho joogta haysan,… in ay maanta u baahan yihiin waxbarasho…. Waad la socotaan hooyooyinka caafimaad darada haysata..…Anigu maanta waxaan doonayaa in aan Puntland badbaadiyo waxaana idinka doonayaa in aad ila badbaadisaan” ayuu yiri Musharax Nuradiin Aadan Diiriye.



Waxaa ayaguna goobtaas hadal ka soo jeediyey waxgaradka iyo isimada reer Galdogob oo halkaasi ka cadeeyey sida weyn ee ay u taageersan yihiin Musharaxa mudane Nuuradiin. Dadkii halkaasi ka hadlay waxaa kamid ahaa:



Mudane Nuuradiin intii uu ku sugnaa Galdogob wuxuu soo booqday qaar ka ka mid ah goobaha wax barashada waxaana halkaasi aad ugu soo dhaweeyey Ardayda iyo macalimiinta iyo maamulka dugsiyadaas. Mudane Nuuradiin Aadan Diiriye oo baryahaanba booqoasho ku kala bixinayey deganada Puntland ayaa maanta booqashadii uu ku tagay Degmada Galdogob oo ka mid ah degmooyinka ugu waaweyn ee Gobolka Mudug ayaa waxay ku dhamaatay guul iyo is afgarad, waxayna reer Galdogob u ballan qaadeen Musharaxa inay hiil iyo hooba la garab istaagayaan Musharaxa ololaha uu ugu jiro inuu ku hanto hogaanka Puntland, si markaasi loo badbaadiyo dalka hooyo.
 

Halkaan ka daawo sawiradii Goldogob

Siciid Cali Nugaal
Madaxa Xiriirka Bulshada
Ololaha Doorashada Nuradiin Aaden Diiriye
Kala Xiriir Nuradin Dirie online
www.nuradindirie.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 23, 2008

 

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS