SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Bahda Sports Wembley oo sagootisay Saddex cayaartoy oo ka tirsan xulka Qaranka kubadda cagta Soomaaliya oo u ambabaxayay dalka jabuuti.
Qore: Yusuf Yusuf
Saturday, 22 November 2008

Saddex cayaartoy oo ka tirsan xulka Qaranka kubadda cagta Soomaaliya oo u ambabaxayay dalka jabuuti.
 

Waxaa magaaladan London galabta ka ambabaxay garoonka diyaardaha ee Gatwick Airport, ayagoo ku sii jeeda dalka Jabuuti magaalado madaxdeeda Jabuuti,cayaartooydan ayaa qayb ka noqon doono 18 ciyaaryahan oo dhawaan lagu xareynayo mudo labo bilood ah dalka Jabuuti si ay halkaas ugu qaatan tababaro,madaama ay ka qayb galayaan tartanka kubadda cagta dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo ka furmi doono bisha Janaayo 2009 dalka Uganda.

Cayaartooydan oo kala ah Axmed Danish, Guled iyo Kaamil ayaa aad u ugu faraxsan inay loo soo xulo inay ka mid noqdaan xulka Qaranka Soomaaliya waxayna ku hanwayn yihiin inay daafici doonaan sharafta iyo karaamada dalkooda ayna rajaynayaan inay sanadkaan isbadal fiican ay samayn doonaan madaama ay dalka Jabuuti ay ka heleen inay ku xareysnadaan.

Waxaa ku sagootiyay qaar ka mid ah bahwaynta cayaaraha magaalada London gaar ahaan Bahda Reer Wembley una horkacayay Guddoomiyaha Somali Football League Maxamed C/Raxmaan "Buuwe ayna wehliyaan xiddigii hore ee naadigii Horseed Maxamed Ismaaciil, xiddigii hore ee naadigii Madbacadda Bile Cali, macalin Xasan "Dhuudhi", Mudane Seff iyo akhyaar kale ayaa cayaartoydan ku sii sagootiyey garoonka diyaaradaha ayagoo u rajeeyey isla markaana kula dardaarmay in ay muujiyaan cayaar wanaagsan iyo akhlaaq ayna dhawraanA sharafta bahwaynta cayaaraha ee ku dhaqan dibadda.

Gudoomiye ku xigeenka XSKC mudane Ahmed Nur Xasan Cabdule ayaa isna u kicitimay dalka Kenya kadibna kaga sii gudbi doona dalka Jabuuti si uu halkaasi uga soo raaco xulka Qaranka Soomaaliya iyo masuulyiintooda.

Waxaana iyana ka socda gobalada Waqooyi Bari Soomaaliya ( Puntland) gobalada la isku dhaho tartan kubadda cagta ah oo dhaxmaraya 5 gobal, kuwaas oo kala ah, Gobalada Bari, Nugaal, Mudug, Sool iyo Sanaag, tartamadaas oo si rasmi ah uga furmay doraato garoonka kubadda cagta Mire Awaare Staduim '' Allaha u raxmadee Marxuum Mire Awaare''Marxuum Mire Awaare ayaa hore wasiirkii wasaarada Shaqada iyo Isboortiga Soomaaliya.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Xoghayaheeda Mudane C/qani ayaa ka sheegay mar uu bil ka hor ugu qabtey 5-ta gobal seminaar in marka ay dhamaadan tartanka cayaaraha gobadalada ka socda magaalada Garoowe inay ka xuli doonaan dhawr ciyaaryahan isla markaana ay ku soo biirin doonaan xulka Qaranka Soomaaliya ee tababarka uga socda dalka Jabuuti.
W/D: Yusuf Yusuf
Sports Media Editor SSPA
mrsomalia@hotmail.com
London

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 23, 2008

 

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS