Warbixin ku saabsan shirkii wadatashi ammanka Uganda, tallona loogu soo
jeedinayay Soomaalida oo dhex maray saraakiil ka tirsan Dowladda Uganda iyo
Soomaalida wadankeeda ku nool.
Waxaa maanta hoolka shirarka ee Hotelka METROPOLE ee magaaladda Kampala ee
wadanka Uganda ka dhacay shir ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen saraakiisha
ammanka ee dowladda Uganda iyo ku dhawaad 40 xubnood oo ka socday qeybaha kala
gadisan ee bulshada sida, ganacsatada, Odayaasha, dhalinyarada, ardayda iyo
haweenka SOmaliyeed ee ku nool wadankan Uganda, oo ay horkacayeen Safiirka
Somaliya ee Uganda Ambassador Sayid Axmed Sheekh Daahir iyo guddoomiyaha Somali
Community Xuseen Garweyne.
Shirkan oo qabashadiisa ay hore ugu baaqeen saraakiisha ammaanka ee wadankan
Uganda ayaa waxaa dowlada Uganda u soo wakiilatay Dr, Robert Masolo oo ah
agaasimaha guud ee hey'adda ammaanka dibada ee (Director General of Externals
Security Organization) , ahna u qeybsanaha arrimaha Somalia ee xaafiiska
Madaxweynaha, waxaana uu sheeagay in ujeedada ugu weyn ee shirka maanta uu yahay
laba arrimood oo kala ah:- in Dolwladda Uganda ay Soomaalida wadankeeda ku nool
ay kala shaqeeyaan arrimaha ammaanka wadanka, maadaama ay jiraan sida uu sheegay
Dr Robert hanjabaadyo isi soo taraya ee uga imaanaya Argagixisa caalamka iyo
tallooyin dowladda Uganda ay u diyaarisay dadka SOomaaliyeed ee ku aadan sidii
ay u midoobi lahaayeen oo wadanka Somalia ay nabad buuxdaahi uga dhalan laheyd.
"Aniga oo ku hadlay magaca madaxweynaha iyo dhammaan shacabka wadanka Uganda,
waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in maanta halkan ay nala joogaan Somalida ku
dhaqan wadankeena Uganda, iyagoon u fadhi qaab ku saleysan qabiil iyo qabyaalad,
waxaana ka rajeyneynaa in fadhigan oo kale aad bartaan daka u dhashay wadanka
aan jecelnahay ee Somalia, dowladeenu waxay mar kasta diyaar u tahay in ay
caawiso shacabka iyo guud ahaan dadka Walaalaheen ah ee Soomaaliyeed, waayo dad
walaalo ah ayaan nahay, si xor ah ayaad ugu ganacsan kartaan wadankeena, sidaa
daraadeed walaalayaal waxaa isi soo taraya hanjabaadyo ka imaanaya kooxiha
argagixisada ahaa ee soo dhibay dhowr wadan oo caalamka ah oo ay ku jiraan
wadamada Kenya iyo Tanzania, sidaas daraadeed kulankeena maanta wuxuu ku
saleysanyahay qodob muhiim ah oo ah sidii Somaalida wadankan ku dhaqan ay
noogala shaqeyn laheyd xoojinta ammaanka, waayo haddii dhibaato ay timmaado
dhammaanteen waa na saameyneysaa" ayuu hadalkiisa ku billaabay Robert Masolo.
"Saaxiib ku jecel waa saaxiibka kuu hiiliya, sidaas daraadeed waxaad marqaati ka
tihiin in Uganda ay tahay wadanka kaliya ee jecel in Somalia ay nabadi ka
dhalato, hase ahaatee ay jiraan dad badan oo aan dooneyn in Somalia nabadi ay ka
dhalato, laakiin dhammaan shacabka reer Uganda iyo madaxweynahooduba waxay
naftooda u hurayaan sidii wadanka qaniga ah ee Somalia uu nabad ku noqol lahaa,
tusaale yar haddii aan idiin sheego Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni
waa madaxweynahay kaliya oo naftiisa halis ku galiyay Somalia, waayo sanadkii
1991 ayuu dhexda ka istaagay Muqdisho oo dagaallo halis ah ay ka socdaan, ilaa
iyo haddana wuxuu diyaar u yahay nabad ka sameynta geeska Africa" ayuu si
naxariis leh u yiri Masolo oo ah nin hore u soo boqday wadnka Somalia.
"Waxaan aad uga tiiraanyoodaa wadanka Somalia, waxaanse ka yaabanahay xilliga
kheyraadkiisa laga faa'iideysan doono, ma waxaad u dhaqaaleyneysaan ilmaha aad
dhasheen kuwa ay sii dhali doonaan, Yaab..!!!, Yaab!!!., Sanadkii 2000, waxaan
lug ku soo maray dhowr gobol oo Somalia ah oo ay ka mid yihin Hargeysa, Berbara
iyo Boosaaso, waa dhul aad u kala fog, laakiin waa dhul buuxa oo wax kastaahi ku
jiraan haba ugu badnaado shidaalka, gaaska iyo kheyraadka kale ee soo raaca,
waxaa intaas ka daran xeebta ugu dheer ee Africa ayaad leedihiin waa in ka badan
3300 oo kilo mitir, maxaa dhacay oo barwaaqada iyo kheyrka loogu jeedi la'yahay
oo dhagaalka iyo colaadda aad uga daba hari la'dihiin?
Masolo wuxuu sheegay in sababata Dowladda Uganda ay ciidankeeda ugu dirtay
wadanka Somalia ay tahay in gobolkaas laga helo nabad buuxda oo lagu wada
raaxeysto, waayo wuxuu yiri waxaa qasab nagu ah in aan walaalaheyn dabka ku dhex
jira ka saarno oo aan u gurmano, waayo haddii deriskaaga gurigiisa uu gubanayo
waa in aad la demisaa oo aadan ku fiirsan.
Dr. Masolo wuxuu sheegay in Dowladda Uganda ay SOomaalida ugu baaqeyso in ay
isku xishoodaan wuxuuna yiri "Dadka reer Uganda ee wadanka dibadiisa ku noolaa
aad iyo aad ayay uga xishoon jireen dadka kale, markii ay dariiqa marayaan
madaxooga kor uma qaadi jirin, waayo waxaa ceeb nagu ahaa dagaaladda iyo dhibka
wadankeena ka jiray Xilliyadii madaxweynayaashii Idi Amiin iyo Milto Obotte,
inta badan dadka lama hadli jirin, maxaayeelay waxaa dadkeena ku filnaa in lagu
yiraahdo wadankaagii ayaad qas ka soo sameysay ee hadal ha nagu darsan, sidaas
daraadeed Somaliya hadda waxay mareysaa meeshii xilligaas aan joognay iyo meel
ka sii daran"
"Waxaad u baahantihiin in aad yeelataan dhiig iyo jir xamaasadeysan oo ka
damqada dhibka jira wuxuu yahay, waa in la idinka dhex helaa is bedel cad, meel
iska dhiga Qabiilka iyo fidnada aad wadaa, eeg, Madaxweyne Obama si uu kursiga
ugu fariisto wuxuu helay taagerayaal badan oo aan qabiil u fiirin, lama dhihin
waa African iyo nin madoow, sidaas daraadeed Somalinimada inta ka raacdaan wax
wada qabsada faldlan" ayuu si tallo ah u yiri.
Shirkii maanta oo ka dhacay hoolka shirarka ee goonida u ah Madaxweynaha Uganda
ayaa intii aan Makarafoonka loo gudbin Somalida ka soo qeyb gashay ayaa madaxda
Uganda waxay talooyin muhiim ah u soo jeediyeen dadka Soomaaliyeed kuwaas oo ay
ka mid ahaayeen:-
· In la sameeyo buug rasmi ah oo lagu diiwaan galiyo dhammaan dadka Soomaaliyeed
ee wadankan Uganda ku nool, kaas oo si wada jir ah ay u sameynayaan Safaaradda
Soomaalida, Ururka Somali Community iyo waaxda Ammaanka arrimaha dibada
· In dadka ka soo degaya garoonka diyaarahada loo sameeyo meel ay iska diiwaan
galiyaan, si loola socdo u jeedka safarkooda iyo xaqiijinta dib u laabashadooda.
· Xaqiijinta sharciyadda ay heystaan dadka wadankan ku nool, sida waraaqaha
cadeynta deganaanshaha iyo kaararka aqoonsiga, haddii kale dadka lama kala aqoon
karo.
· Tix-galinta iyo barashada sharciga iyo kala dambeynta, waayo si qalad ah
police Uganda cidna uma xiraan, laakiin qofkii sharciga qarariya gudaha ayaa la
dhigayaa.
Xubnihii Somalida ahaa ee kulankaas ka soo qeyb galay ayaa dhammaantoo isku
raacay in si rasmi ah ay dowladda Uganda ula shaqeyn doonaan, waxaana ka mid
ahaa dadkii ka hadlay kulankaas Safiirka SOomaaliya ee Uganda Ambassador Sayid
Axmed Sheikh Daahir oo sheegay in lagama maarmaan ay tahay in xaqiijinta
ammaanka wadanka Uganda ay tahay mid Soomaalida dan u ah, isagoo sheegay si
fiican looga shaqeyn doono arrimaha ammaanka wadanka martida aan u nahay.
Waxaa kale oo ka hadlay Guddoomiyaha Somali Community Xuseen Abuukar Xasan
(XUseen Garweyne) oo ku nuux nuuxsaday in la tix-galin doono codsiga dowladda
Uganda, muhiimna ay tahay in lagala shaqeeyo ammaanka gobolka, waayo wuxuu yiri
"ma dooneyno in carqalad la galiyo wadan nabdoon"
Haweneydii uu ka geeriyooday General Maxamed Faarax Ceydiid Maamo Khadiijo
Siciid Gurxan oo ka mid aheyd martidii shirkaas lagu casuumay ayaa tiri
"Somalidu wadankoodii ayay soo bur burisay, kama yeeli doono in ay ku daraan
Uganda, waaana u digeynaa dadka isku dayaya in ay falal qaldan sameeyaan, qofkii
lagu helaahina isaga ayaa mas'uuul ka ah wixii ka raaca"
Laakin qodob muhiim ah oo ay la dhaceen Saraakiisha ammanka ayaa ahaa markii
Iimaamka Masaajidka SOomaalida ee Kampala, Sheikh Maxamed Ibraahim uu sheegay in
dadka Soomaaliyeed aysan argagixiso aheyn, "Kitaabka qu'aanka iyo Sunnada
rasuulka midna kuma qorna wax la yiraahdo Argagixiso, cid loo baneeyey in ay
argagax ku sameyaan dad kale oo nabdoona ma jiraan, hase hase ahaatee haddii ay
jiraan Soomaalida laga cabsi qabo inay wax argagixiyaan diyaar ayaan u nahay in
aan dowladda u sheegno, waayo inaga Somali ahaan wax dhib ah wadanka kuma qabno,
si xor ah ayaan ugu cibaadeysanaa masajidada wadankan cid na qash-qashaadaahina
ma jirto"
Ururka Ganacsatada Soomaaliyeed ee wadankan Uganda oo ku faanaya guusha ah in
shirkadaha qeybaha ganacsiga Uganda inay hoggaamiyaan, isla markaana ay yihiin
kuwa ugu badan ee bixinta canshuuraadka ayaa waxaa u hadlay C/caziiz Axmed
Siciid wuxuuna yiri "Shirkadaha Soomaaliyeed waa kuwa dowladda soo galiya
canshuurka ugu badan ee sanadkii u soo xarooda dowladda, eeg Shirkadaha
xawaaladaha, sida Qaran Express iyo Dahabshiil, waxay daaqada ka saari rabaan
kana dheereeyaan Western Union, dhammaan taayiradda gaadiidka kala gedisan
shirkadda sameysaahi waa shirkada City Tayers oo ah shirka Soomaaliyeed, kaba
sii daran, sanad ka hor markii Wadanka Kenya qalalaasaha sababay in dhammaan
shidaalka wadanka Uganda uga soo degi jiray Dekeda Mambasa uu xayirmay, waxaa
wadanka oo idil shidaal siinayay keydka shirkado Soomaaliyeed oo bad-baadiyay
sharafta ganacsi ee wadanka, sidaas daraadeed wadankan waa noo muhiim, gacan
ayaan ka geysneynaa in wax rabshad ah aysan ka dhicin, waayo ma jirto meel kale
oo sidan oo kale aan ugu kobcin karono ganacsigeena xalaasha ah"
Gaba-gabadii shirkaas ayaa saraakiisha Uganda waxay sheegeen in kulankan uu
yahay mid horudhac ah, laakiin labdii bilba la qaban doono kulan sidan oo kale
lagu kala lagu war qaadan doono.
Waxaa soo diray:- Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Email farahblue_545@hotmail.com
Mobile :- +256 774228112
Kamapala, Uganda
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 23, 2008 |