Dowlada fadaraalka KMG somaliyeed oo markii ugu horeysay inta la ogyahay
rashin u qeybisay dad ay gaajo heyso
Sawirada Halkan ka daawo....
codkii Sh Cali Dheere
iyo Sheekh Kheyrow halkaan ka dhagayso
Deeq cunno iyo saliid isugu jirtay ayey maanta markii ugu horeysay dowladda FS
ka qeybisay Muqdisho , iyadoo deeqdaasi ay ka timid dowladda Kuwait, si gaar ah
Guddiga Afrika ee hey’adda Ixyaa Alturaath Alislaami .
Deeqdan ayaa waxaa qeybisay wasaaradda garsoorka iyo arrimaha diinta ee dowladda
FKMG , iyadoo meesha ay ka muuqdeen dad badan oo dhibaateysan oo la siinayay
galley iyo saliid , waxaaney muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin howshani
gargaareed.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda garsoorka iyo arrimaha diinta dowladda KMG ah ee
Soomaaliya Sheekh Maxamed Kheyrow Aadan oo madashii dadka loogu qeybinayay
raashiinka ka hadlayay ayaa waxa uu u mahadceliyay dowladda Kuweit iyo dadaalka
ay ugu jirto u gargaarida dadka tabaaleysan ee shacabka Sooomaaliyeed , waxaana
uu xusay in gargaarkani oo bilow ah la gaarsiiyay 500 qoys oo u badan dadka
abaaraha iyo colaadaha ku barakacay , kana mid yihiin naafadii xoogga dalka
soomaaliyeed iyo dad kale oo barakac ah oo la nool, waxaana uu u mahad celiyay
safiirka Soomaaliya ee Kuweit oo uu ku tilmaamay nin u taagan u dhimrinta dadka
Soomaaliyeed , soona fududeeyay kaalmadani.
Qeybinta deeqdan oo ka dhacday maanta xarunta maamulka goboka Banaadir ayaa
waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Sheekh Cali Sheekh Maxamuud “ Sheekh Cali Dheere”
oo ah Agaasimaha waaxda diinta ee wasaaradda garsoorka iyo arrimaha diinta ayaa
isna soo dhoweeyay deeqda ka timid dowladda Kuweit oo uu ku sheegay inay ka
qeybtahay howlo gargaar degdeg ah oo dowladda Kuweit ugu talo gashay dadka
dhibaateysan ee Soomaaliya , waxaana uu fariin mahadnaq ah u diray safiirka
soomaaliya uga wakiil ah dalka Kuweit Danjire C/qaadir Amiin Sheekh .
Waxaana uu sheikh Cali dheere tilmaamay in loo baahan yahay kaalmooyin kale oo
la gaarsiiyo dadka saameynta uu ku yeeshay dagaalada iyo abaaraha gobolada dalka
ay ka jiraan .
Waxaa qeybinta deeqdani ka qeybqaadanayay Sheekh C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim
oo ah Agaasimaha waaxda awqaafta ee wasaaradda garsoorka iyo arrimaha diinta oo
ka mid ahaa wafdi dhowaan dalka kuweit booqday oo howlo badan halkaasi u aaday.
Arrintan ayaa loo arkaa talaabo cusub oo wasaaradda garsoorka iyo arrimaha
diinta dowladda FS ay qaaday , taasoo farxad gelisay qoysas gaarayay 500 , oo
loo qeybiyay 300 loor oo galley ah iyo 60 kartoon oo saliid caddeey ah .
Dadkani oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada , kana kala yimid 16-ka
degmo ee gobolka banaadir ayaa waxa ay ahaayeen haween , caruur , curyaamiin ,
caruur , indhoolayaal iyo kuwa ay ka muuqatay diif iyo darxumo nololeed ayaa
laga dareemayay indhahooda sida ay ugu faraxsan yihiin markii loo qeybinayay
kaalmadani.
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2008 |