Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Dowladda Kenya uga digay in ay ciidamadeeda u
soo dirto Soomaaliya
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dhawaan loo magacaabay guddoomiyaha Isbahaysiga dib
u xoreynta Soomaaliya garabka Asmara ayaa mar kale ku celiyey in ay dagaalka sii
wadi doonaan ilaa ay ka baxaan ciidamada shisheeye guud ahaan dalka Soomaaliya.
Sheikh Xasan Daahir waxa uu uga digay dowladda Kenya in aysan ciidamadeeda u soo
dirin guddaha dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in ay la kulmi doonaan mid la mid
ah dagaalkii lagu qaaday ciidamada Itoobiya.
“Dhulka Kenya haatan waa nabad, waxaana u sheegayaa dowladda Kenya in aysan
nabaddaas iska daadin” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo sheegay in
shirkii Jabuuti uu ahaa shirqool loo dhigay wax uu ugu yeeray Mujaahidiinta
Soomaaliyeed, isagoo sheegay in shirkaas ujeedkiisu ahaa in lagu kala qaybiyo
dhamaan mujaahidiinta kal duwan ee ka dagaalamaya gudaha dalka Soomaaliya.
Sheikh Xasan Daahir oo ku sugan magaalada Asmara ayaa waxa uu uga digay Qaramada
Midoobey in ay Soomaaliya u dirto ciidamo kale oo nabad ilaalin ah, isagoo
sheegay in arrintaasi ay uga sii dareyso xaaladda Soomaaliya. “Xalka Soomaaliya
waxa uu ku jiraa in iyada la isku daayo, iyada ayaa xal gaari kartee” ayuu sii
raaciyey hadalkiisa Sheekh Xasan, oo sheegay in inta badan Soomaaliya haatan ay
gacanta ku hayaan mujaahidiinta, isagoo sheegay in goboladaasi ay ka jiraan
nabad iyo xasi buuxda.
W/D Amiin Yuusauf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2008 |