SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Hayadda Organization for Somali Protection and Development (OSPAD) oo qabatey Madal ku saabsan Cudurka HIV/AIDS

Sawiro badan halkan ka daawo....

Machadka Kalkaaliyaasha caafimaadka ee Muqdisho ayaa waxaa mudo labo maalmood ah ka socday siminaar ku saabsanaa cudurka AIDS-ka, waxaana ka qaybgalay ilaa iyo Boqol dhalinyaro ah oo laga soo uruuriyey xeryaha dadka barakacay ee ku yaala Magaalada Muqdisho, waxaana soo qabanqaabiyey Hay’adda OSPAD (Organization for Somali Protection and Development) oo gacan ka heleysay Hay’adda UNICEF iyo Global Fund, waxaana kormeerayay hay’adda SCAC oo koofunrta iyo bartahama Soomaaliya u qaabilsan cudurka AIDS-ka.

Intii uu socday siminaarkaasi ayaa waxaa cashiro ka jeedinayey Dr Cumar Hani oo isagu si aad ah ugu dheeraaday qaabkii uu ku bilowday cudurkaasi, siyaasabaha loo kala qaado cudurkaasi iyo sida ugu haboon ee loga hortagi karo cudurkaasi.

Dr. Cumar Hani ayaa ka qaybgalayaashii siminaarka si weyn u fahamsiiyey dhibaatada cudurkaasi, isagoo sheegay in cudurka xooggiisu uu ku dhaco dhalinyarada, loogana baahan yahay dhallinyarada in ay ka digtoonaadaan cudurkaasi, waxaa kle oo uu sheegay in 1.5% Soomaaliya uu cudurkaasi uu haatan ka jiro, isagoo sheegay in ay ugu wacan tahay in aysan jirin dowlad dhexe oo koontaroosha gudaha dalka Soomaaliya, waxa uuna Cumar Hani sheegay in Soomaaliya ay deris la yihiin dowlado uu si aad ah uga jiro cudurkaasi oo ay ka mid yihiin Itoobiya iyo Kenya.

Waxaa kale oo halkaasi cashiro ka jeediyey Drs Xaliimo Maxamuud Cali oo iyana ku dheeraatay cudurada Jabtada iyo Waraabowga oo ay sheegtay in ay yihiin cuduro xiriir la leh cudurka AIDS-ka, waxayna sheegtay in cuduradaasi ay ku faafaan kalmoodka sida cudurka AIDS-ka, waxay kaloo sheegtay in cuduradaan ay yihiin kuwo la iska daaweyn karo, balse cudurka AIDS-ka aan ilaa iyo hadda loo helin wax daawo ah, waxayna u soo jeedisay dhallinyarada in ay iska ilaaliyaan cuduradaasi.

Siyaad oo ka mid ah dhallinyaradii ka qaybgalaysay siminaarkaasi ayaa isaga oo ka hadlaya waxa uu yiri “marka hore ma aan fileyn in uu cudurkaani yahay mid jira, balse maanta waxaan ogoaaday in uu yahay cudur jira oo halis ah”, isagoo u soo jeediyey dhallinyarada Soomaaliyeed in ay ka feejignaadaan cudurkaasi, Canab oo iyana ka mid ahayd gabadhihii ka qaybgalay siminaarkaasi ayaa u mahadcelisay intii soo qabanqaabisay siminaarkaasi gaar ahaan hay’adda OSPAD oo ay sheegtay in ay tahay hay’ad mar kasta daneysa sidii ay dhallinyarada Soomaaliyeed u gaari lahaayen horumar, waxay u soo jeedisay hay’adda in ay siminaarada noocaan oo kale ah sii kordhiso, si dhallinyarada iyo bulshada Soomaaliyeed ee kale ay uga faa’iideystaan. Intii ay cashiradu socdeen ayaa dadkii ka qaybgalayey siminaarka waxaa loo qaybiyey todobo qaybood, waxaana qayb kasta la hor dhigay su’aalo ay ka mid ahaayen, Sidee baa looga hor tagaa cudurkaasi?, Maxaa fududeeya cudurkaasi?, Soomaalidu maxay ka aaminsa tahay cudurkaasi?, Maxaa lagu kala qaadaa cudurkaasi? Yuu u badan yahay cudurkaasi?, goobahee iyana laga qaadaa cudurkaasi? Iyo Maxaa xiriir ah oo ka dhexeeye cudurada Jabtada, Waraabowga iyo Jabtada? Dhamaan ka qaybgalayaashuna si aa ah ayay uga jawaabeen su’alahaasi, waxaana soo xiray siminaarkaasi Dr. C/llaahi Xaashi oo ka socday Hay’adda SCAC oo isagu u mahadceliyey intii isgu soo dubariday ama soo agaasintay siminaarkaasi, waxa uuna u soo jeediyey ka qaybgalayashii siminaarkaasi in ay wixii ay halkaan ka barteen ay u gudbiyaan bulshadii kale ee ay ka yimaadee, waxaa kale oo uu sheegay in cudurka HIV/AIDS uu yahay cudur Qatar ah oo dhibaato ku haya caalamka, waxa uuna sheegay in looga bixi karo ama looga hortagi karo in bulshada loo sheego ama la wacyi geliyo si loo faahfaahiyo dhibaatada cudurka, waxa uuna siminaarkaasi ku soo gebagaboobay sidii loogu talagalay.

W/D Amiin Yuusauf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS