SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Saansaanta Siyaasadeed ee Somaliya waxay horseedi doontaa Mowjaddo Qaxooti oo ku jaba dalalka Geeska Afrika.(MAQAAL)-

WQ. Cali Maxamed Jimcaale "Cali Ooyaaye"

alioyaaye@hotmail.com


Marka la eego Mowjadaha Siyaasadeed ee haatan calwsan iyo qulqulka Barakacayaasha Soomaalida ee Tahriibka iyo Qaxootinimadda ku dhamaanayo, waxaa la dhihi karaa xaallad aaad u murugsan ayuu dalkeenna haatan ku jiro.

Xaqiiq ahaan marka la qiimeeyo Xaalladda Siyaasadda iyo Ammaanka ee dalkeenna, waxaa la qiri karaa inay khatar badan soo fool leedahay, waxaana ugu daran Muwaadiniinta Soomaalida ee ka soo firxatay dalkooda hooyo, kuwaasi oo haatan ku dacdaraysan Xerooyinka Qaxootiga ee dalalka deriska iyo kuwa kale ee Bddaha looga soo tallaabo.

Tusaale ahaan dalka Kenya, waxaan magan-gashay in ka badan Hal million oo of oo Soomaali ah, kuwaasi oo ka firxatay colaadaha, ammaan-darrida iyo aayo-xumidda ka jirta dalkeenna, wuxuuna qulqulkooda bilowday markii Dowladdii Kacaanka la xidid-siibay bilowgii 90-aadkii, inkastoo ay labadii sanno ugu dambeysay sii kordheen qulqulka Qaxootiga Soomaalida ee ka tallaabayo xadka W/bari ee dalka Kenya.

Dareen-xumidda iyo caloolyowga baahsan ee ka muuqda Qaxootiga Soomaalida ee ku daryeelka la' Xerooyinka Qaxootiga ee W/bari ee Kenya iyo magaallooyinka Nairobi, Mombasa iyo kuwa kale, waxay muujinaysaa haybad-xumidda haysata Muwaadiniinta Soomaalida ee dalkooda colaadaha ka socdaan.

Xerada dhadhaab oo ah mid ka mid ah xerooyinka qaxootiga somalied ku noolyiihn oo ku taal gudaha dalka Kenya ayaa waxaa la furay sanadii 1991-dii,Waxaana xilligaasi gabaad u noqotay qaxooti gaaraya 90,000 oo qof,Waxaa haatan la sheegayaa inay ku noolyihiin dad gaaraya 250,000 oo qof iyadoo kororka dadka magangalyo doonka loo aaneynayo colaadaha kasoo cusboonaanaya dalka Somalia.

UNHCR waxay sheegtay in qiyaastii ilaa iyo 34,000 oo qaxooti hor leh la diiwaan geliyay bilihii ugu danbeeyay oo u baahan in loo dhiso 3,000 oo guryo ah waxayna ka dalbadeen dalalka deeqaha bixiya in ay u gurmadaan qaxootiga dhowaan soo galay gudaha dalkaasi.

In ka badan 65,000 oo qaxooti Somali oo magangalyo doon ah ayaa lagu wadaa in ay gaaraan dalka Kenya dhamaadka sanadkaan iyagoo kasoo cararaya xaaladha nolol xumo ee ka jira gudaha dalka ay colaaduhu ragaaduyeen ee Somalia.Tiadaas ayaa noqoneysa tira aad uga badan tirada qaxootigii sanadkii 2007 gaaray dalkaasi Kenya kuwaas lagu qiyaasay 19,000 oo qaxooti ah.

Sidoo kale, ku dhawaad 900,000-oo qaxooti Soomaali ah ayaa iyagana maagangalay dalka Yeman, kuwaasi oo naftooda qaaliga ku biimeeyey safar-baddeed khatartiisa xambaarsan,17-kii sannadood ee la soo dhaafay, boqolaal Tahriibayaal Soomaali ah ayaa iyagana naftooda ku weyday badda u dhexeysa Somalia iyo Yeman, kuwaasi oo si khasab ah looga daadiyey Doonyihii ay ku safrayeen.

Dembiilayaashii geystay falalkaasi ee Naakhuudayaasha ka ahaa Dooniyaha dadka laga daadiyo, waxay si nabad ah ugu noqdaan Xeebaha W/bari ee Somalia, gaar ahaan Goballadda uu Maamulka Puntland ka taliyo,Ma jiraan wax talalabo dhinaca sharciga ee laga qaado Naakhuudayaasha naxariista daran, kuwaasi oo la dhihi karo fal-dembiyeedkaasi waxay u geystaan sababo nacayb ku dhisan, iyadoo la og yahay in 90% dadka Tahriiba inay asal ahaan ka yimaadaan Goballadda Koonfurta Somalia.

Haddaba, xilligan oo ay Madaxweyne Yuusuf iyo Ra'isul-wasaare Nuur Cadde xiisad siyaasadeed ka dhex aloosan tahay, waxaa hubaaal ah inay taasi dhabaha u furi doonto Meerto cusub oo dagaal, kaasi oo abuuri doona inay Kumanaan kale qaxooti ahaan ugu soo firxadaan dalalka deriska amaba ay Baddaha isku biimeeyaan.

WQ. Cali Maxamed Jimcaale "Cali Ooyaaye". Guddoomiyaha Gudiga Gurmadka Jaalliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Caasimadda dalka Britain ee London.

alioyaaye@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS