SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warbixin: Caabudwaaq yaa u cid ah?

Hordhac

Alle ayaa mahad idilkeed mudan, Rasuulkana Alle ha ku salliyo, hana salaamo, warbixintaanna waxaan ku eegaynaa xaaladda qeybta woqooyi ee gobolka G/guduud oo ay C/waaq xarunta u tahay iyo deegaanka raacsan ee dhinaca xad beenaadka. Ujeeddada warbixintuna waa in aynu soo bandhigno xaaladda dhabta ah ee deegaanka iyo dadkiisa, ka dibna aynu raacino walxaha iyo siyaabaha ugu habbon ee loola tacaali karo jirtadaas; si markiiba camal loogu badalo. Waxaan rajeynaynaa in warbixino tan oo kale ah ka diyaarino deegaanada kale ee gobolka G/guduud.

Xog aasaasi ah oo ku saabsan deegaanka C/waaq

Magaalada C/waaq waxay ka tirsan tahay gobolka G/guduud, waxaana la aasaasay sannadkii 1958kii. Waxay 95km dhanka woqooyi galbeed ka xigtaa magaalada Dh/mareeb, xad beenaadkana waxay u jirtaa 18 km. Waxaa raacsan magaalooyin ay ugu caansan yihiin: Balanbale, Dhabbad, Bangeelle iyo Laasa caanood. Waxaa kaloo raacsan 60 tuulo oo badankoodu ku yaal dhinaca xad beenaadka. Deegaankaan waa dhul xoolo daaqsin ah, isla markaana ah oomane ay matoorro iyo barkado biyo u yihiin.

Xaaladda guud ee deegaanka:

Magaalada C/waaq oo ah tan ugu ballaaran magaalooyinka gobolka G/guduud, xarunna u ah degaankaan ballaaran waxaa lagu qaddaraa dadka gudeheeda ku nool 60 kun oo qof. Waxaa ku yaal magaalada:

Ø 10 masjid oo seddex ka mid ah lagu tukado jimcaha.

Ø Waxaa ka furan labo iskool oo heer dugsi dhexe ah, mana haysto deegaanku dugsiyo sare iyo macaahid kale midna. Taa oo keenaysa in dhallinyarada deegaanku marin habaabaan, ayna culays iyo khatar ku noqdaan dadkooda iyo deegaankooda markay waayaan waxbarasho iyo shaqo midna.

Ø Waxaa ku yaal 33 dugsi Qur’aan. Isu geynta ardayda wax ka barata iskoolada iyo malcaamadaha waxaa lagu qaddaraa 2650 arday.

Ø Deegaanka kama jirto dacwo iyo tacliin diimeed oo u qalanta baaxadda dhulka iyo tirada dadka deggan. Waxa ka jirana waxay ku kooban yihiin magaalooyinka C/waaq, Balanballe iyo Dhabbad oo qur ah.

Ø Deegaanku ma leh xarumo iyo hay’ado ku hawlan jihaynta iyo wacyigalinta bulshada, kumana yaalaan maktabado iyo idaacado. Joornaalo iyo wargeysyana kama soo baxaan.

Ø Ceelasha biyuhu waa 6 ceel. Xagga biyo-galinta magaalada waa qiyaasta 10% kaliya.

Ø Magaalada kama furna isbitaal, dhakhaatiirna ma joogto, bukaanka culusna inta badan waxaa loo qaadaa G/kacyo, G/ceel, Boosaaso, B/weyne iyo Adis ababa.

Ø Korontadu waxay magaalada kaga jirtaa in kooban, waxayna shaqaysaa afarta saac ee fiidka hore ah.

Ø Waxaa ku yaal 3 shirakadood oo isgaarsiin ah iyo 8 xawaaladood oo sannadkiiba deegaanka u soo xawila lacag lagu qaddaray $20,5 - $24 milyan.

Ø Ma leh deegaanku maamul guud, garsoor iyo ciidan nabadgalyo oo loo wada hoggansan yahay midna.

Ø Waxaa magaalada ku yaal xarumo QAAD oo maalin walba magaalada iyo deegaanka raacsan ka dhoofiya lacag ku dhow $ 12000. Sigaarka iyo alaabooyin kale ee lagu cuno qaadka ayaa iyana xoolo badan looga xayuubsadaa deegaanka.

Ø Dadka deegaanku waxay muddo 30 sano ku dhaw ku jireen dagaallo sokeeye oo is daba joog ah, kuwaas oo saameeyay dhinacyada kala duwan ee noloshooda. Tusaale ahaan shantii sano ee ugu dambaysay waxay galeen shan dagaal oo labo ka mid ah ay iyaga ka dhex dheceen, seddexda kalena ay la galeen qoysaska walaalohood ah ee la dariska ah. Isu geynta dadka kaga le’day shantaas dagaal iyo hal tuurka kale waxay isku gaarayaan 300 oo nin.

Ø Waxaa ka dhashay colaadahaas joogtada ah, aanooyinka iyo kala aarsiga dhibaatooyin ragaadiyay aqoonta, wacyiga, nolosha iyo horumarka bulshada deegaanka. Waxaa ugu muuqaal dheer dhibaatooyinkaas kuwaan soo socda:

b) in ay deegaanka ka qaxaan dadkii bulshada indhaha u ahaa xagga aqoonta, hoggaanka, dhaqaalaha iyo ilbaxnimadaba, kuwii soo noqon lahaana ay sii baydadaan.

t) in uu hoos u dhoco dhaqaalihii iyo noloshii bulshadu; sababtoo ah colaaddu waxay ciriiri galinaysaa isu socodka ganacsiga, waxayna xiraysaa waddooyinka, isla markaana waxay qixinaysaa ganacsatada ha ahaadeen kuwa deegaanka ama kuwo meel kale ka yimide.

j) Cabsi iyo nabadgalyo la’aan mararka qaarkood keenta in aan magaalada dhinacyadeeda loo kala gudbin ama ay xirmaan waddooyinka waaweyn ee magaalada soo gala.

x) Maamul iyo kala dambayn la’aan la hartay deegaanka, waxgaradkana ka mashquulisay horumarinta deegaanka iyo xaqiijinta himilooyinka dadkiisa.

Kh) Qax iyo barakac aan kala go’ lahayn ooy dadka deegaanku ugu hayaamayaan dibadaha iyo qaxootiyada gaar ahaan dhallinyarada oo u batay mid tagey iyo mid tiigsanaya.

Wax ma loo qaban karaa deegaanka?

Ugu horrayn aynu af buuxa ku dhahno HAA oo deegaankaan iyo dadkiisu waxay haystaan dhammaan waxyaabihii aasaaska u noqon lahaa horumar buuxa oo dhinac walba ah oo ay ku tillaabsadaan, sida:

1) deegaan ballaaran oo istiraatiiji ah xagga ganacsiga, xoolo dhaqashada iyo xoog shaqeeya.

2) waxaa dibadaha u shaqo tagey dad kumanyaal ah oo u dhashay deegaanka, kuwaas oo qeyb lixaad leh ka qaadan kara maalgalinta mashaariicda horumarineed iyo jihaynta bulshadaba.

3) waxaa la helayaa boqollaal aqoonyahan ah oo deegaanka u dhashay oo aqoontooda kaga shaqaysta magaalooyinka dalka, deegaankana uga tagey nabadgalyo la’aan iyo shaqo la’aan. Haddii culimada, aqoonyahanka, maalqabeenka iyo waxgaradka deegaanku wada goostaan in loo koco waxqabad dhab ahna waxay dabooli karaan dadkaasi baahiyaha dacwo, waxbarasho, wacyigalin, maamul iyo dhaqaale abuur ee loo baahan yahay.

4) sidii ay u burburtay xukuumadduba waxaa u kacay badbaadinta iyo horumarinta bulshada dadkii ducaadda iyo aqoon yahanka ahaa oo kuwa dibadaha jira u badan, qolo walibana waxay xoogga saartay deegaankeeda iyada oo la kaashanaysa dadweynaha. Taasi waxay caddaynaysaa in deegaankaan wax weyn laga qaban karo.

Mashaariic waxqabad iyo talooyin horumarineed

Waxaynu soo bandhigaynaa barnaamijyo iyo talooyin lagu horumarinayo aqoonta, wacyiga, xirfadaha iyo dhaqaalaha bulshada.

1. in la dhiirrigaliyo aqoonta iyo aqoonyahanka, lagana furo magaalada C/waaq d/sare oo tayo leh; si uu u daboolo baahida ardayda faraha badan ee ka baxaysa dugsiyada dhexe.

2. in laga aasaaso magaalada mac-had diini ah oo heer dugsi sare ah; si uu u soo saaro culimo iyo ducaad leh xirfado dacwadeed iyo waxbarasho oo bulshada ka haqabtira baahida diineed ee maalin walba sii kordhaysa.

3. in magaalada loo sameeyo idaacad ka qeybqaadata sare u qaadista aqoonta iyo wacyiga dadweynaha ee dhinacyada diinta iyo nolosha.

4. in loo qabto odayaasha iyo indheer garadka deegaanka dawrooyin (Seminaaro) is daba joog ah oo lagu baranayo usuusha iyo mabaadi’da guud ee diinta, xallinta mashaakilka iyo horumarinta bulshada.

5. in magaalooyinka waaweyn la keeno culimo iyo ducaad dadweynaha si xikmad leh diinta ugu hanuuniya, xer cilmigana si wacan wax u bara, isla markaana baahida garsoor ee taagan xalliya.

6. in dawrooyin gaagaaban oo ah cilmi diineed, far soomaali, xisaab iyo habka macallinimada loo qabto dadka Qur’aanka yaqaan; si ay miyiga iyo tuulooyinka uga noqdaan macallimiin ubadka bari kara Qur’aanka iyo aqoonta aasaasiga ah.

7. in la furo macaahid farsamo oo lagu barto xirfado kala duwan oo xoogsatadu ku shaqaystaan ama la siiyo koorsooyin gaagaaban oo noocaas ah.

8. in laga aasaaso C/waaq hal isbitaal oo weyn, kaasoo buuxiya baahida daweyneed ee deegaanka oo dhan, lana keeno dhakhaatiir aqoon leh dalkay doonaan u dhasheene.

9. in dhallinyarada waaweyn ee anshaxu ka xumaaday lagu caawiyo waxbarasho sannad ah oo isugu jirta Qur’aan, duruus diini ah, far Soomaali, xisaab, Ingiriis, kumbuyuutar iyo xirfado kaloo shaqo. Muddadaas ka dibna uu shaqo tago ama aqoon kale iskiis u kororsado, waxaase shardi ah in uu balwadda marka hore joojiyo.

10. in ardayda ka baxda dugsiyada sare kuwa ugu buundooyinka sarreeya laga baxsho lacagta jaamacadaha; si arday walba ugu tartamo halka u korraysa.

11. in dhallinyarada qaraabada ah dhoofka loogu badalo waxbarasho. Qofka la biilayana lagu shardiyo inuu waxbaranayo haduusan ahayn waayeel hawlgab ah.

12. in magaalada C/waaq lagu qabto mu’tamar weyn oo diini ah sannadkiiba labo jeer, ayna ka soo qeybgalaan culimada waaweyn ee Soomaaliyeed, sida magaalooyinka waaweyn ee dalkoo dhan laga sameeyo, culimaduna ay booqdaan magaalooyinka iyo tuulooyinka kale wxii suurtagal ah.

13. in xilliga roobka booqashooyin dacwo, wacyigalin iyo u kuurgalid lagu tago tuulooyinka iyo miyiga, si gar ahna loogu boorriyo Alle ka cabsiga, waxbarashada, shaqada iyo inay is nabadgaliyaan, ummadda kalena ka nabadgasho.

14. in si gaar ah xoog loo saaro joojinta is dilka iyo hurinta colaadaha sokeeye, laguna wacyigaliyo dadka deegaanka in aysan ahayn dad qeybsami kara illeyn sagaaro labo tun oo la kala qalo malehee, loona sheego in tiro-koobkii shiinaha ay ka qeybqaateen 11 milyan oo qof. Tan kale qabaa’ilka la isku baaba’ayo walaalnimad diineed ka sokow ay ka dhexayso dhalasho, dhaqan, darisnimo iyo dano kaloo badan, layntooduna aysan ka duwanayn nin xubnihiisii marba mid jaraya illeyn muslimiintu waa isku hal jir’e. Dhinaca kale la eego dhibaatooyinka kala duwan ee ka imaanaya colaadda sokeeye. Bal dhinaca dhaqaalaha oo kaliya aynu eegno: http://www.somaliatalk.com/2004/july/20july44.html 

15. in dadka deegaanka u dhashay ee fasaxyada yimaada ay sameeyaan kormeero, ayna u gudbiyaan culimada, maamulada iyo odayaasha talooyinka u muuqda, ayna ka diyaariyaan deegaanka warbixino, isla markaana nin walba inta uu joogo uu bixiyo koorsooyin cilmi ah ama wacyigalin ah, isaga oo dadka uga faa’iidaynaya waxa uu bartay, caqligiisa iyo waaya-aragnimadiisa.

16. in la joojiyo dadka xoogga leh ee la masruufayo, looguna badalo in la baro waxay ku shaqaystaan, ka dibna la maalgaliyo.

17. in dadka deegaanka ah ee wax haystaa ay abuuraan mashaariic yar yar oo iyguna ay ka faa’iidaan, dadkuna ka shaqaysto, isla mrakaana lagu xiro shaqaalaha aqoon, khibrad, xirfad iyo inuusan balwad lahayn. Tusaale wacan waxaa dhinaccas ugu ah dadka deegaanka Max’ed X. Faarax (Dambash) oo isagu Norwey deggan, ka dib markuu dalka soo booqdayna arkay inaanay lahayn magaaladu makiinad cajiin oo markaa tii ugu horreysay keenay, sannadkii xigayna keenay warshad baraf, dadkuna ay kaga wada daydeen oo hadda makiinadaha cajiinta iyo warshadaha barafka ay magaaladu ka haqab beeshay.

18. in ducaadda iyo dhallinyarada saxwadu gartaan in ujeeddooyinka aasaasiga ah ay ka mid tahay in dadka baadiyaysan la soo ahnuuniyo, kuwa jaahiliinta ahna wax la baro; sidaa darteed ay kala saaraan culimada xerta iyo macallimiinta Qur’aanka oo labaduba dadka wax u faa’iideeya, iyo nimanka calanleyda ah ee magaca diinta ku qaraabta. Qolyaha hore sixitaan iyo kala faa’iidaysi ayay leeyihiin, kuwa dambana sixid iyo ummad ka reebis. Tan kale ducaadda saxwadu kaligood bulshada uguma filna dacwo iyo tacliin diineed.

19. in ducaadda iyo dhallinyarada saxwadu gartaan in hanuuninta iyo waxbarista bulshada la isku raacsan yahay oo ay isu kaashadaan, nin walbana waxa uu karo ka gaysto, hawlaha kaloo diinta lagu koryeelayana nin kasta meeshuu doono kaga hagaago, ciddii uu doortana kala hawlgalo.

20. in loo heshiisiiyo beelaha xiniftu u dhaxayso si kama dambays ah iyadoo la adeegsanayo wax kasta oo soo af jaraya mushkiladahaas; sida: in dadka loo kala xukumo si caddaalad ah oo daacadnimo leh, in la sameeyo wax kastoo dhibbanayaasha illowsiin kara wixii gaaray, sida: in laga talo-galiyo waxa lagu heshiinayo, in diyada iyo dhibka la siiyo cidda sharci ahaan xaqqa u leh, in la is dhaafsado gabdho godob tir ah, in la wacdiyo dadka oo loo sheego khatarta ballan ka baxa … iwm.

21. in sidaa oo kale loo heshiisiiyo dadka deegaanka iyo beelaha kaloo dhibku kala gaaray gaar ahaan kuwa dariska.

22. in la dhiso maamul, garsoor iyo ciidan amni oo loo dhan yahay, kuwaasoo lugu soo xulay amaano iyo karti nin walba shaqadiisa loo eegayo.

23. in ay deegaanka yimaadaan dad farabadan oo isugu jira culimo, aqoonyahan, odayaal iyo indheergarad kaloo badan gaar ahaan inta la xallinayo mashaakilka taagan, ayna noqdaan dadka sida tooska ah hawlaha u jihaynaya.

24. ugu dambayn waxaan rajeynaynaa haddii lagu guulaysto arrimahaan in dadka deegaanku ay qeyb libaax ka qaadan doonaan xallinta mashaakilka gobolka G/guduud iyo deeganada ku xeeran oo ka mid ah kuwa ugu colaadda iyo dibu-dhaca badan dalka, baryahaan dambana ay ka socdeen badankiisa dhaqdhaqaaqyo dacwadeed, kuwa waxbarasho, dhaqan celin iyo maamul samayn ay wadaan dad ahlu diin ah.

Baraarujin iyo dardaaran

Qeybtaan waxaan ku caddaynaynaa labo su’aalood oo la iska weydiin karo warbixintaan, waxaan kaloo ku soo jeedinaynaa dhawr dardaaran .

Su’aasha 1aad: Qoraalka waxaa ka buuxa: in sidaa la yeelo, su’aashu waxaa weeye; yaa saa yeelaya oo lala hadlayaa?

Jawaabta 1aad: waxaa fulinaya hawlahaas oo lala hadlayaa qof kasta oo muslin ah oo wax uun ka geysan kara hawshaan gaar ahaan dadka deegaanka intooda Alle siiyay cilmiga, caqliga, khibradda, xoogga, xoolaha iyo jaaha (wajiga) oo intaa mid ka mid ah wax uun ku qaban kara. Hawl kastana rag baa bilaaba inta kalena way la qabataa (wixii rag u koco rabbina aqbalo waa rumoobaan). Dadka deegaankaan u dhashayna Soomaalida kale kama karti iyo awood yara, wax weyn ayayna ka badaleen deegaanadooda.

Su’aasha 2aad: Mashaariicda la soo bandhigay waa mid u baahan dawlad ama hay’ado waaweyn, meeshaanna waxaa dagan dad shacbi ah oo muddo dheer dawlad la’aan ahaa?

Jawaab2aad: Dawladaha iyo hay’aduhu cirka xoolo kama keenaan ee waxay wax ku qabtaan xoogga, miskaxda iyo maalka ummadda oo ay mideeyeen ka dibna jiheeyeen. Tan kale dadka deegaanka xoolo yari ma hayso oo sannadkii lacagta dibadda uga timaadda kaliya ayaa ka badan 20 milyan ee xeelad yari uun baa la hartay dadka, waxa aan ku baaqaynana waa in cilmiga, caqliga iyo khibraddu shaqayso hadda ka dib. Dhinaca kale dadka wax la barayo qof walba xigtadiisa ayaa ku aadaysa waxa ku baxaya, hay’adaha la aasaasayana in badan ayaa kuwo gaar loo leeyahay noqonaya, sida: kuwa isgaarsiinta, xawaaladaha, korontada iyo biyaha oo kale. Tusaale ahaan isbitaalka, dugsiga sare iyo macaahidda farsamadu waa mashaariic ciddii malgashata ay faa’iido weyn ka helayso, bulshaduna ku hormarayso.

Su’aasha 3aad: waxaa ku soo noqnoqonaya warbixinta in Alle laga baqo, dacwada, waxbarashada iyo wacyigalinta ee ma waxaa la doonayaa in dadkoo dhan la wadaadeeyo?.

Jawaabta 3aad: Waxaan u baahanahay horumar dhab ah oo dhammaystiran, haddii diintu meesha ka maqantahayna lama gaari karo. Horumarka dhabta ah waa kan waafaqsan shareecada oo soo kordhinaya wax waxtaraya bulshada, kan dhammaystiranna waa kan adduun iyo aakhiroba ku dhanyihiin. Tan kale dadka deegaanku waa muslimiin aan laga xigin Rabbigood, Rasuulkooda (scw) iyo diintooda midna. U noqoshada Alle, raacidda rasuulkiisa, barashada diintiisa iyo ku dhaqankeeduba waxay aasaas u yihiin inay gaaraan horumar buuxa oo adduun iyo aakhiroba ah. Intaa ka dib wadaado ha noqdeen ama magac kale ha la bexeen!.

Dardaaran:

a) si hawshaan u hirgasho waxaa loo baahan yahay rag go’aansada waxqabad haba yaraadeene, daacadnimo, xog uruursi, xikmad iyo xeelad, is kaashi iyo isku kalsooni, jaangooyo, xilkasnimo, hanweyni, samir (waxaa jira dad aan waxna ku tarayn ammaanna aan ku siinayn iyo kuwo waxqabad raba oo adiga aan kugu kalsoonayn mid walba sida ugu habboon ha loola dhaqmo, ninka khayr doonka ah maalin uun buu kuu soo noqon doonaa e ha loo samro), in qof walba looga faa’iiaysto waxa uu garanayo ama waxa uu xiisaynayo iyo in laga qaato degaanada kale waxa ay khibrad iyo waaya-aragnimo u yeesheen hawlahaan.

b) Waxaa guul lagu gaari karaa wadajir iyo isku duubni qofba kaalinta ku habboon buuxsho; sidaa darteed ragga hawshaan u kacaya maanka ha ku hayeen in aan si jifo jifo ah wax weyn ku hirgalayn, (shan nin oo isku talo ah hal shanshaa ka baxda, shan nin oo kala talo ahna shan shanshaa ka baxda).

c) Rooma hal maalin lama dhisin. Wax kastana waxay u baahan yihiin waqti iyo juhdi; sidaa darteed waa in aan lagu niyad jabin caqabadaha badan ee ka hor imaanaya hawlaha iyo yaraanta waxa qabsoomaya.

d) Dadka deegaanka u dhashay meeshay doonaan ha joogeene waa inay eheladooda sixiddeeda iyo horumarinteeda wax weyn u horaan; maxaa yeelay ninka aad u quuri weyday inaad $1000 wax ku bartid waxaa laga yaabaa in aad mago iyo xoolo uu dhacay oo badan ka bixisid ama aad masruuftid muddo dheer agoontii laga dilay isaga!

e) Dadka deegaanku maanka ha ku hayeen in iyaga uun loo danaynayo ee aan waxqabadka ilmohoodu u smaynayaan wax kale iyaga looga sabanayn, waxaana tusaale idiin ku filan kharashka iyo waqtiga badan ee idiinka baxa ardayda aad iskool sare ugu diraysaan Boosaaso, Muqdisho ama G/kacyo. Waxaa kaloo la mid ah qofka xanuunsan ee loo qaadayo Nairobi, Hargeysa ama G/kacyo.

f) Cabsida Alle iyo diintiisa oo lagu dhago waxay saldhig u tahay xallinta mashaakilka ina haysta; sidaa darteed Ilaahay ha loo wad noqdo rag iyo dumar, yar iyo waynba, hana la joojiyo diinta ina ka dhaxaysa oo aynu wadaado gaar ah iyo qabiilooyin gaar ah dartood uga tagayno !.

Xogta taariikheed iyo tan xaaladda deegaankaba waxaa diyaariyay Khaalid Sh. C/laahi C/wali iyo Xaaji Baban faarax dheere, qoraalkana waxaa isku dubbariday, afkaartana ku lifaaqay Axmed C/samad.

FG: fadlan wixii su’aal ama talo ah ku soo hagaaji abdiqaniy@hotmail.com  iyo dacwah@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS