SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

{Jabuuti}=21/11/2008-da Xog-hayaha Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Axmed Cabdullaahi “Furaha nabada Soomaaliyeed wuxuu ku jiraa gacanta Is-bahaysiga.. caalamkuna waxaana ugu baaqeynaa iney u maraan wadada saxda ah… ma filaayo sabab shirkaani halkaani looga leexiyo in meesha ay kuma jirto” shir jaraa’id

Xog-hayaha Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Dr.Axmed Cabdullaahi oo shir jaraa’id ku qabtey Hoteel Imperial ee caasimada dalka Jabuuti oo xarunta KMG u ah Is-bahaysiga, ayaa shirkiisa jaraa’id waxaa uu kaga hadley natiijadii ka soo baxdey shirar is daba joog ahaa oo ay lahaayeen maalmahaan Gudiga fulinta Isbahaysiga, xiliga la qabanayo shirkii u socdey dhinacyada ARS iyo TFG iyo qodobada looga hadlayo shirkan lagu balansan yahay, xaalada amaan ee xeebaha Soomaaliya iyo hadalkii ka soo yeerey madaxweynaha DFKMG ee ahaa in shirka dibu-heshiisiinta loo wareejiyo dalka Liibiya.

Axmed Cabdullaahi “laba qodob ayaa looga doodayey shirkii, is dabajooga ahaa ee maalmahaan u socdey gudiyada fulinta Is-bahaysiga, waxaana loooga doodayey in daraasad lagu sameeyo xaalada dalka iyo isbedelada sida joogtada ah u dhacaya, dood dheer kadib waxaa layla gartey, in la sameeyo gudi hawleedyo is-bahaysigu uu leeyahay oo u xilsaaran dhinaca maamulka, taakuleynta, amniga, siyaasada iyo dibu-heshiisiinta, waxaana loo qabtey gudiyo si xog-ogaalnimo ah uga shaqeeya, waxaana rajeynayaa in hawshooda si deg deg ah uga bilaabidoonaan dalka gudihiisa” ayuu ku yiri shirkiisa jaraa’id Axmed Cabdullaahi.



Waxaa kale oo uu shirkiisa jaraa’id kaga hadley Axmed Cabdullaahi “22-ka bishan waxaa ka furmaya Jabuuti shirkii caadiga ahaa, waxaana la sii wadidoonaa hawlihii hore ugu qorsheysnaa, shirkii ugu dambeeyey arimaha amniga meel baa laysla dhigey, waxaana loo balamey in looga hadlo qodobada ugu horeeya ee shirkan, arimaha cadaalada iyo dibu-heshiisiinta”

Isagoo hadalka sii wata ayaa intaa ku darey maadaama markii ciidamada gumeysiga ee Ethpia dalka xoog kusoo galey kadib ay dhaceen dembiyo dagaal iyo bur bur arimhaasi oo dhan waxay ubaahan tahay in cadaalada marinkeeda ay marto, loo sameeyo istiraatiijiyad guud o marinkeeda mari karta loo sameeyo, ay noqoto qof walba in wixii soo gaara uu markiisa goosta, cid walba wixii ay geysatey lagula xisaabtamo, dalka intii xoriyadiisa uu haystey iyo ka horba dembiyadii la geli jirey, looma sameyn majaal lagula xisaabtamo, taasina waxay lahayd, xuquuqo kala duwan iyo loona sameeyo mas’uuliyadaasi cidii qaadan lahayd”.

Wuxuu keloo xusey Xog-hayaha Warfaafinta Is-bahaysiga waxyaabaha deegaanada ah ee shacabka ka dhexeeya iyo guud ahaan dalka siyaasadiisa guud in looga hadlidoono iyo sidii dowlad qaran looo heli lahaa in shirkaan soo socda loooga doodidoono, hore tilmaan ahaan ayaa loo bixiyey, laakiin tafsiir ahaan ayaa loo gelidoonaa oo khuseeya dowladnimada, in kastoo shacabiga mararka qaarkood ay isaga qaldamaan hawl fuliyeyaal oo ay leedahay Xukuumada iyo Qaran, waxaa kaloo intaa dheer deegaano badan oo nabadi ka jirto, in Is-bahaysigu uu soo booqandoono Gobolo badan oo nabadgelyo ka jirto oo maamulkoodii sameystey”

Waxaan keloo dooneynaa inaan xuso dhibka weyn ee badaha soomaaliyeed ka soo kordhey, waxayna ka mid tahay amaanderida guud ee dalka ka jirta, waana wax maalin walba uu dhibkaasi uu sii kordhayo, shacabka soomaaliyeed mudo badan ayey ku jireen dhibkaasi, wuxuuna saameyn ku yeeshey qaybaha kala duwan noloshiisa, laakiin waxa maanta soo kordhey waxay tahay bulshadii caalamka ayuu dhibkii soo gaarey, arin ay ahayd mid aan wax badan ku baaqney intii ay cusbeyd in wax laga qabto, oo shacabka Soomaaliyeed keliya ku ekeyd,

ka isbahaysi ahaan hawshaas waan ka xunahay, raalina kama ahan shacabka Soomaaliyeed, waxaan diyaar u nahay hawshaas sidii xal loogu heli lahaa, hawshaasina Is-bahaysiga khibrad ayuu u leeyahay, hadii laga faa’iideysanayo waxaa ku filan xiligii Maxkamadaha ay ka talinayeen dalka mudadii yareyd, Furaha nabada Soomaaliyeed wuxuu ku jiraa gacanta Is-bahaysiga, isbahaysigu diyaar buu u yahay arintaas inuu waqti badan ku bixiyo, maadaama caalamku ay ka soo daaheen mushkilada soomaaliyeed iny la tacaamulaan, caalamkuna waxaa ugu baaqeynaa iney u maraan wadada saxda ah, soomaalida arimaheeda gudaha iyadaa uga xeel dheer dadka kale oo xalisan karta arimaheeda, marka ay faragelinta shisheeye meesha ay ka baxdo, waxaana diyaar u nahay xsilinta marin biyoodyada caalamiga ah” ayuu ku yiri Xog-hayaha Warfaafinta Is-bahaysiga dibu-xoreynta Soomaaliya Axmed Cabdullaahi shirkiis jaraa’id

Mar aan weydiiyey su’aal ahayd Madaxweynaha DFKMG dhowaan waxaa uu tegey dalka liibiya, waxaa uu soo jeediyey shirka a socda caasimada dalka Jabuuti in loo weeciyo dalka Liibiya, ka Is-bahaysi ahaan sided u aragtaan?

Waxaa uu ku jawaabey Axmed Cabdullaahi “gogosha dibu-heshiisiinta Soomaaliyeed waxay hada ka furan tahay magaalada Jabuuti, si wanaagsana wuu u socdaa, heer gebo gebo ahna wuu marayaa, ma filaayo sabab shirkaani halkaani looga leexiyo in meesha ay kuma jirto, mid meesha qabatana ma ahan, cidii tirina iyadaa la weydiinayaa”.


Dhinaca Axmed Cabdullaahi waxaa uu ugu baaqey Bulshada Soomaaaliyeed guud ahaan waxaan leeyahay waa iney u dulqaataan wixii dhib ah ee soo garay, waxaana fursada noo taagan ay tahay, in la marin doono cadaalada cid walba waxa ay geysatey, haday noqon lahayd mid caalami ah iyo hadii ay noqon lahayd mid maxali ah” ayuu ku yiri shirkiisa jaraa’id

Sidoo kale Axmed Cabdullaahi waxaa uu baaq u soo jeediyey Hay’adaha wadaniga Soomaaliyeed, kuwa Goboleed iyo kuwa caalamka ee deeqda bixiya Waxaan ugu baaqeynaa meelaha amniga iyo kala dambeynta ka jirto, in lala gaaro gargaarka ay u baahan yihiin dadka soomaaliyeed ee soo barakacay, dejiyaana sidii dib loogu celin lahaa deegaanadooda, looguna sameyn lahaa mashaariic horumarineed oo dadka shaqo loogu abuuro, si loogu daboolo baahida aas aasiga ee dalka ka jira .

Laakiin marka laga reebo dadaalada dibu-heshiisiineed ee ka socda Caasimada dalka Jabuuti, waxaad moodaa in uu jiro diyaar garoow dagaal oo ay wadaan, dowladaha dunida qaarkood, sababtoo ah marka si toos aad u daawato, ama aad dhegeysato hadalada ka soo yeeraya mas’uuliyiinta kala duwan dowladaha dunida ee lugta ku leh arimaha Soomaaliya ayaa waxaa kaaga soo baxaya, sawir qorshe dagaal oo culus in ay wadaan, si mar kale loogu qaado, dagaal yahanada Soomaaliya ee ka soo horjeesta heshiiska, kadib markii la dareemey in cududa ciidamada ka soo horjeeda DFKMG iyo kuwa Ethopia ay isa soo tagreyso oo si weyn loo dareemey in meelo badan ay gacanta ku dhigayaan, waxa socdaa waa qorsho militeri, taasina waxay horseedi doontaa mustaqbalka khasaaro kale oo hor leh oo si bareer ah loogu geysanayo shacabka Soomaaliyeed, halka Kooxaha kale ee ka soo horjeeda heshiiskana aad moodo in ay ku socdaan wadadii hore ee ay ku jabeen midowgii maxkamadaha Islaamiga, halkii laga rabey in la helo mowqif mideysan ay la yimaadaan oo aan colaad ku dhisneyn, balse la arkidoonee halka ay hawshu ku dabeyso

Maxamed Macallin Cismaan (Al-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS