SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Faarax Sendiko oo ku geeriyooday Magaalada Qaahira

Wararka naga soo gaaraya dalka Masar waxay sheegayaan in magaalada Qahira uu ku geeriyooday Aabbihii isboortiga Soomaaliyeed Faarax Weheliye Caddow (Sendiko) oo mudo 50 sano ah ku soo dhex jiray Isboortiga Soomaaliyeed ayaa waxaa geeridiisa si weyn uga naxay dhamaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda Isboortiga, iyagoo ku tilmaamay halyeygii isboortiga Soomaaliyeed.

Faarax Sendiko ayaa mudadii uu isboortiga ku jiray waxa uu abuuray xiriiro fara badan iyo ururo isboorti kuwaas oo qayb ka qaatay sare u qaadidda isbooritiga Soomaaliyeed, waxa uuna mar kasta kula dardaarmi jiray raga isboortiga ku dhex jira in ay hantidooda iyo naftooda u huraan isboortiga.

Faarax ayaa intii uu isboortiga ku jiray waxa uu noqday Guddoomiyaha olympikada Soomaaliyeed, guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/.cagta, guddoomiye ku xigeenka Xiriirka K/cagta ee Qaaradda Afrika, Guddoomiyaha Xiriirka SECAFA, waxaa kale oo uu noqday Faarax Guddoomiyaha guddiga Garsoorayaasha Qaaradda Afrika, waxaa kale oo uu xubin ka noqday xiriirka k/cagta ee Adduunka ee FIFA.

Faarax intii uu Isboortiga ku jiray waxa ay is qoomeen Guddoomiyaha Xiriirka K/cagta adduunka ee Blater kadib markii doorasho ay soo wada galeen Blater iyo Ise Hayatu, waxa uuna Faarax doonayey in u jagada FIFA uu ku guuleysto Ise Hayatu, isna uu qabto guddoomiyaha xiriirka K/cagta ee Qaaradda Afrika (CAF).

Doorashadaas kadib Faarax Sendiko waxa ay isku dhaceen Blater, taasina waxay keentay in mudo toban sano ah cayaaraha laga joojiyo Faarax, hase yeeshee sanadkaan ayaa Faarax Sendiko laga cafiyey ganaaxaasi, waxa uuna damcay in uu dib ugu soo laabto isboortiga, balse waxa uu gacan ka waayey Xiriirka K/cagta Adduunka ee FIFA

Faarax Sendiko waxa uu ku soo barbaaray isboortiga, waxa uuna yaraantiisii ahaa cayaaryahan, kadibna waxa uu noqday garsoore k/cagta waxa uuna gaaray ilaa iyo heer caalmi, waxa uuna ku kasbaday magac iyo maamuus, waxaana halkaan tacsi uga diraya guddiga olombikada Soomaaliyeed, iyo xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, waxayna Allaah uga baryayaan in uu janaddii fardowsa ka waraabiyo.

W/D Amiin Yuusauf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun Marxuum Faarax Weheliye Caddow ‘’Sendiko’’

Khamiis, November 19, 2008 (Sport Press) Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun, Alaha naxariistee waxaa habeen hore magaalada Qaahira ee dalka Masar ku geeriyooday Guddoomiyihii hore Gudiga Olampiga Soomaaliyeed (GOS) isla markaana ahaa Gudoomiyihii hore ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Marxuum Faarax Wehliye Caddow "Sindiko".

Marxuum Faarax Sindiko ayaa ku dhex jiray isla markaana xilal badan ka soo qabtay cayaaraha dalkeena muddo ka badan 40 saandood , isla markaana noqday ku xigeenkii Xiriirka Kubadda Cagta Qaarada Africa (CAF).

Marxuumka ayaa lagu xasuusan doonaa:

· Inuu ahaa shaqsigii ka badbaadiyay Sports Soomaaliyeed inuu la burburo dowladii hore kadib 1991 burburkii Qaranka Soomaaliyeed.

· Sii shaqaynta Xiriirada kala duwan ee Sport Soomaaliya, kuwaas oo ah hay’ado wali ka howl gala dalka iyo dibadaba.

· Nin ka mid ahaa madaxda uga sareysa Sports Afrika, isla markaana ah shaqsiga kaliya oo Soomaali ah oo heer caalami ka gaara Sports Caalamka.( Gudoomiye ku xigeenka CAF)

Inkastoo qofka bini’aadamka ah uu sameeyo sax iyo khalad marka uu xil qabto, hadana marxuum Faarax Sindiko waxa u ahaa shaqsi wadani ah oo meel fiican ka istaagay inuusan ka qayb galin dagaaladii sokeeye hurintooda, isla markaana mowqif fican ka istaagay markii dalka Soomaaliya ay qabsadeen ciidamada Ethopia.

Marxuum Farax Sendiko ayaa u tartamay tartankii doorashada Madaxwaynenimo Soomaaliya sanadu markay ahayd 2004 dalka Kenya.

Marxuumka ayaa shaqada laga fariisiyay kadib markii Gudoomiyaha FIFA Mudane Sepp Platter ay isku khilaafeen xili tartan adag ka socday hogaaminta FIFA 2002, isla markaana waxaa si sahlan looga qaaday xilalkii uu ka hayay CAF & Soomaaliya, iyadoo ganaax adagna la dul dhigay markii maxkamada cayaaraha ay sidaasi xukuntey, taas oo marxuum Faarax uu ka qaatey racfaan., ugu dambayntiina warqad qoraal ah oo ay soo saartey FIFA, muda laga joogo labo bil uuna ku saxiixnaa Gudoomiyaha FIFA ayaa lagu shaaciyay in digreeto gudoomiye lagu cafiyay mudane Faarax Sendiko.

Marxuum Faarax Weheliye Caddow ‘’ Sendiko’’ ayaa mar uu wareysi siiyay ideecada VOA ayuu ku sheegay inuu dib ugu soo rogaal celin doono inuu qabto mar kale hogaanka sare GOS, isagoo ku tilmaamay inuu wado qorshe (Plan) uu ugu yeeray marxuumka xiligaas ‘’ Dib u xoreynta Sport-ga Soomaaliya’’.

Marxuumka ayaa ahaa shaqsi si weyn looga yaqaan dalka iyo dibadaba, waxaan meesha ka baxay hogaamiye misaan weyn oo (Chalange) ku samayn lahaa maamulka hada jira ee GOS oo hada la filaayo inay doortaan maamul iyo hogaan cusub sanadka 2009.

Marxuumka waxaa uu geeriyooday iyadoo aysan isku wanaagsanayn asxaabtii ay 40-ka sanadood ka soo wada shaqaynayeen Sportiga Soomaaliya, sida maamulka hada jira ee GOS, kadib markii ay maamulka kala wareegeen muda laga joogo 4 sanadood iyagoo garab ka helaya IOC & NOC.

Waxyaabaha dadka intiisa badan ay ka tabanayeen marxuumka waxaa ka mid ahaa inuu Sportigii Soomaaliyeed uu ku koobmay xaafada Karaan iyo maamulada Xiriirada oo dhan ay maamulaan koox uu isaga samaystey oo la jaal ahaa, kuwaas oo ugu dambayntii ku sameeyay cinqilaab filanwaa ku noqday kadib markii ay fursad ka heleen Xiriirada Caalamka oo si toos ah u soo faragaliyay wax ka badalida hogaanka GOS, madaama ay is khilaafeen marxuumka,( shirkii GOS ee Jabuuti).

Waxaa halkaan tacsi ugu diraya Eheladii Qoyska marxuum Faarax Sendiko iyo dhamaan bahda Sports Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan mudanayaasha kala ah:

  • Mudane Mohamed Abdi Yusuf
  • Mudane Ahmed Abdi Dahir ‘’Shell’’
  • Mudane Duran Farah
  • Mudane Mohamed Ismail
  • Mudane Bashir Abdi Dahir
  • Mudane Mohamed Buuwe
  • Mudane Mohamud Nur
  • Mudane Ahmed Nur Abdulle
  • Mudane Siciid Cagaseef
  • Mudane Mohamed Xaaji Ingiriis
  • Mudane Siciid Geeseey Gacal
  • Mudane C/Qadir Cadaay
  • Mudane Baana Cali
  • Mudane Cumar Ayeelo
  • Mudane Yusuf Mohamed Abdi Yusuf

Iyo dhamaan bahda Sports Jaaliyada Soomaaliyeed ee xaafada Wembley London.

Marxuum Faarax Weheliye Caddow’’Sendiko’’

Waxaan marxuumka Allah uga baryeynaa inuu ka waraabiyo Janadii Fardoowsa una u naxariisto, reerkiisa iyo bahda Sport Soomaaliyeed-na waxaan u rajaynaynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo Aamiin aamiin Insha Allah.

W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor SSPA
mrsomalia@hotmail.com
London


TACSI

Habeenkii xalay waxa cusbataal ku yaalla magaalada Qaahira ku geeryooday Rabbi naxariisto janno ha siiyee AABIHII ISBOORTISKA SOOMAALIYEED FAARAX WEHELIYE CADDOW (SINDIKO) Haddaba Guddoomiyaha Xisbiga HANOOLAATO Mr Cismaan Abokor isaga oo ku hadlaya magaca xubnaha, masuuliyiinta iyo taageerayaasha Xisbiga HANOOLAATO wuxu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Faarax Weheliye Caddow (Sindiko). Marxuumkana waxa uu Eebbe uga baryayaa in uu ku abaal mariyo jannatul fordowsa.

Aamiin Aammiin Aamiin

HANOOLAATO MEDIA CENTER

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS