SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Cabdi Shakuur Mire Aadan: "Cade Muuse, Gaa Gaab, Af-Qudhac uma dul Qaadankaro Afar sanoo Horle.

Bosaaso:-Siyaasiga ah Caanka ah ee Cabdi Shakuur Mire Aadan ayaa si Adag Ganafka ugu dhuftay Xusul duubka ay wadaan Hogaanka sare ee Dawlada Puntland kuwaasi oo doonaya inay mar labaad ka dhex muuqdaan Masrax siyaasada Puntland, C/ Shakuur Mire Aadan oo in badan Xilal ka soo qabtay Maamulka Puntland ay sheegay in haatan uu Maamulku qarka u saaran yahay inuu Bur-Buro.

Cabdi Shakuur Mire Aadan waxa uu si qota dheer uga hadlay meesha uu haatan marayo Mamaulka Puntland iyo markii dhibada loo taagay Go"aamadii lagu Hashiisay oo aan Meel marin, waxa uu ku ce celiyay inay xukuumada haatan jirtaa ku Fashilantay xoojinta Amaanka, Kobcinta Dhaqaalaha, iyo Xakamaynta Budhcad badeeda.

Siyaasigaasi waxa uu dhanka kale sheegay in hadii ay soo noqdaan Hogaanka haatan Talada Puntland hayaa uu Masiirka danbe ee Puntland noqonayo mid reeba Colaad iyo Kacdoon shacab iyada oo Masuuliyiinta Xukuumada haatan sii dhacaysaa ay dhaqaalihii Gobolka u is ticmaaleen dano Gaar ah.

Cabdi Shakuur Mire Aadan waxa si docda kale ku Nuux-Nuuxsaday in Masuuliyiinta sar sare ee Maamulka Puntland oo ka mid yihiin Madaxwayne Cade Muuse, Madaxwayne Xigeenkiisa Xasan Af-Qudhac ay kuf sadeen Siyaasadii Puntland isla markaana ay jaah wareeriyeen Shacabkii iyaga oo aan ilaa haatan Afartii sano ee ay dhisnayd Dawladu aanay jirin wax la Taabano karo oo ay qabteen.

Cabdi Shakuur Mire Aadan oo mar noqday Wasiir Xigeenka Warfaafinta Puntland waxa uu xukuumada Puntland ku dhaliilay in haatan oo ay doorasho soo dhawdahay ay Hantidii Dawlada Gacanta ku hayaan Xukuumada jirtaa kuwaasi oo ay dhici karto inay dhaqaalaha Dawlada u is ticmaalaan Olalaha doorashooyinkooda taasi oo ah wax aad looga naxo.


Somalitalk.com - Bosaaso.

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS