SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Musharax Prof Muxyadiin Cali Yuusuf oo Casumaad Balaadhan u Fidiyay Guurti iyo Siyaasiyiin Reer Sanaag ah.

Sawirada Halkan ka daawo...

Bosaaso:- Kulan Balaadhan oo uu soo Qaban Qaabiyay Musharaxa lagu Magcaabo Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf ayaa waxa uu ka dhacay Hotel Pana Rooma ee Duleedka Magaalada Bosaaso, kulankaasi Ujeedkiisa inuu Casumaad Rasmi ah u Fidiyo Wufuud la socotay Musharax C/laahi Axmed Jaamac Ilka Jiir iyo waliba Odayaasha deegaanka Sanaag qaarkood.

Kulankaasi ayaa ahaa mid in badan saxaafada aan loo soo bandhigin iyada oo ay si Gaar ah isu warayteen Labada Musharax ee taagaan Gomaaminta Puntland, walaw inta kale shirku ahaa mid ku soconayay Jawi aad u Fiican.

Suldaan C/laahi Saalax Jiini Cad ayaa halkaasi lagu soo dhaweeyay oo ka mid ah Guurtidii lagu Sharfay Munaasibadaasi inay ka soo qayb galaan, Suldaanka ayaa aad ugu dheeraaday xidhiidhka soo Jiriinka ah ee ka dhexeeyay waligood Labada Beelood ee ay kasoo kala Jeedaan Labadan Musharax ee maanta Munaasibadan Jooga.

Suldaanku waxa uu ka hadlay dhanka kale in Laga shaqeeyo Nabad Gelyada isla markaana cid kasta oo Puntland ka dhalinkarta Is Bedelo siyaasadeed oo kan Haatan dhaama la doorto,waxa uu ku Cel Celiyay Suldaankaasi in Maamulka haatan wakhtigiisii sii dhaamanayo uu Marin haabiyay Siyaasada Puntland.

Suldaan Ciise Xasan Cumar ayaa isna lagu soo dhaweeyay Mikifoonka waxana uu aad uga hadlay Muhiimada ay leedahay in ladawa shaqeeyo lagana wada hadlo Arimaha Dalka iyo sidii Nabad waarta looga dhalin lahaa Guud ahaan Puntland.

Suldaanka ayaa si aad ah uga hadlay doorashooyinka Puntland ee inagu soo Fooleh waxana uu sheegay in loo baahanyahay inay doorashada Puntland ku dhacdo si xaal ah isla markaana laga hortagi cid Alaale cidii doonaysa inay Amaanka wax yeeleeyaan.

Gebagebadii waxa uu ugu baaqay Musharaxiinta Kulankan Maanta Joogay inay hadii la doorto ay ka shaqeeyaan Nabada iyo sidii Gobolka looga dhigi lahaa mid Xasiloon.

/Samad Maxamed Galan oo ah aqoonyahan Somaliyeed ayaa isna Kulankaasi joogay sidoo kale C/Samad ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ragii bud dhigaha u ahaa inuu kulankaasi qabsoomo isaga oo Tafaasiil dheeraad ah ka Bixiyay Ujeedka Kulankaasi iyo sida uu u yahay mid muhiim ah in laga soo qayb galo

Beel-Daaje Faarax Xaaji C/laahi oo ka mid ah Isimada Miisaanka wayn ku leh Gobolada Puntland ayaa Kulankaasi Nasiib u yeeshay inuu ka hadlo waxana uu marka hore aad ugu Mahadnaqay masuuliyiintii Kulankan Marti galisay, isaga oo si Gaar ah Mahad Naq Balaadhan ugu jiidiyay Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf oo ah Mushaxrii ugu horeeyay ee Ku dhawaaqa inuu u taagan yahay Hogaaminta Pl isla markaana Maanta Casumaadan Fidiyay.

Bee-Daajaha ayaa si aad ah uga hadlay Arimaha Maamulka Puntland haatan soo Food saaray iyo waliba doorashooyinka Pl, waxa uu ku Nuux-Nuuxsday in Maamulka Haatan jira looga fadhiyo inay soo qaban qaabiyaan doorasha Xaalaal ah oo lagu wada Qanco.

Nabadoon Siciid Xuseen ayaa halkaasi isaga oo si aad ah ugu Mahad Celiyay dhamaan dadkii Kulankaasi ka soo qayb Galay waxana uu sheegay inay Xafladaasi tahay mid Xog badan Xanbaarsan isla markaana u bahaan dadaalkeeda.

Axmed SHeekh Saalax oo ka mid ah Golaha Baarlamaanka Dawlada Somaliya isla markaana ah Siyaasi Rucadaa reer Sanaag ah ayaa Munaasibadaasi Joogay waxana uu sheegay in Musharaxiinta Halkan Joogtay looga fadhiyo in hadii la doorto oo ay ku soo Baxaan doorashada Puntland ay Gobolka ka dhaliyaan Nabad.

"Aniga ma doonayo inaan ku dheeraado Hadalka Hadaan dib u yara Fiirino Puntland waxa dhibada loo taagay 1998- iyada oo Markaasi lagu Hashiiyay in la dhisto Dawlada Sal Balaadhan oo dhamaan Qabiilada Degan Gobolada Puntland ka soo qayb Galaan, Laakiin Xaalku sidaasi ma sii ahaan e, dhawor sano ka dib ayaa Puntland waxay Gacanta u Gashay Shakhiyaad Dano Gaar ah leh"Ayuu Yiri Axmed SHeekh Saalax

"Waxay si wada Jir ah u qireen Labadan Musharax inay diyaar u yihiin inay ka shaqeeyaan Nabada iyo sidii Puntland-ta Bur-Burtay dib loogu Noolaynlaa, waxaan doonaynaa inay shacabka Puntland doortaan Hogaan keeni Kara, Cadaalad, Amni, Kobcin dhaqaale Shaqo Abuurid"Ayay Yiraahdeen

Jaamac Ayaanle Feyte

Somalitalk.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS