SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Khasaare Nafeed Oo Ka Dhashay Bambaano oo Lagu Tuuray Xarunta Mamulka Degmada B/xaawo Ee G/Gedo

Weerarkaasi bambaano oo xalay (Nov 19, 2008) tobankii Habeenimo lagu qaaday Xarunta Maamulka Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa 2 Ruux halka Dad Lagu Qiyaasay 7qofna ay dhaawacyo ka Soo gaareen.

Dadka ku dhintay Qaraxaasi Bambaano oo uu ka mid yahay taliye beeleed lagu magacaabo Xuseen Cabdi Gube ayaa xiligaasi ku sugnaa dhismaha hore ee Xaruntaasi.

wararka laga helayo Deegaanada ku dhow dhow Deegaanadaasi ayaa sheegaya in dhaawacyada 3 ka mid ah ay yihin kuwo Halis ah waxaana iminka lagu daweynayaa isbitlka Juba National Hospital oo ku yaala Degmada Balaxaawo .

Dhismaha lala eegtay Bambaanadaasi ayaa lagu soo waramayaa in xiligaasi ay ku sugnaayeen masuuliyiin ka yimid dhinaca Dalka Itoobiya oo uu ka mid ahaa Gudoomiyihii Deg. Dooloow C/rashiid Max’ed Xasan .

Dadka Deegaanka oo aan Qadka telfoonkau kula Xiriirnay ayaa waxay inoo sheegeen in xiliga uu Qaraxaasi dhacayay ay walwal iyo Walaac dareemeen taas oo ku qasabtay in dadweyne farabadan ay xalay beerka dhulka Ku hayaan .

Ilaalada Xarunta Bamka lagu weeraray ayaa waxaa la sheegay in ay Fureen Rasaas ayadoo Digniin ay u aheyd Cabsi kaga timid Bambaanadaasi .

Macada Sababta iyo Cida Ilaa iyo haatan ka dambeysa Weerarkaasi Bambaano inkastoo warar isqilaafsan ay sheegayaan in halkaasi Ciidamo lagu ururinayay taasina ay dhicikarto in ay ka dambeeyeen kooxaha ka soo horjeeda .

Isku soo wada duub oo qaraxyadan iyo Weerara Bambaano ayaa haa kuwo ku soo noqnoqonayay Degmada Baladxaawo ayadoo ay ka gaabsadeen Masuuliyiinta Maamulka ay ka bixiyaan Wax faah faahin ah.

Max’ed Gaarane Aadan
Baardheere/Gedo

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS