SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Hay'ada gargaarka USAID oo sheegtay in ay laba jibaartay Gargaarkii ay Soomaaliya soo gaarsiin jirtay..


Hay'ada gargaarka u qaabislsan dowlada mareykanka ee USAID ayaa maanta sheegtay in ay sanadkaan labanlaabtay deeqdii ay siin jirtay dalka Soomaliya taas oo la gaarsiiyay 300 million oo dollar oo inta badan lagu bixiyay macaawino u badan cunto si loo gaaro dadka dhibaatada ugu badani ay saameysay.

Ku xigeenka agaasimaha USIAD ee gobolka, Larry Meserve oo shir jaraa'id ku qabtay safaarada dowlada mareykanka ay ku leedahay magaalada Nairobi galabta ayaa sheegay in lacagta badankeeda lagu bixiyay cuntada iyo kaalmooyinka bini'aadanimo.

"Waxaan u maleynayaa inaan sandkaan aan bixinay wax ka badan laban-laab intii sanadkii hore aan dhiibnay"

"Waxa aan taagernay barnaamijyo fara badan. Sanadkan oo kaliya waxaan ku deeqnay 300-milyan dollar oo gargaar ah" ayuu yiri, isagoo hoosta ka xariiqay in mareykanka dhib kasta oo ka qabsada gudaha Soomalia inaysan meel cidla ah uga tageynin dadka u baahan gargaarkooda.

"Inta badan lacagtan waxay ku baxday cuntada iyo kaalmooyin bini'aadanimo. Barnaamijyada kale ee aan cuntada ku jirin ayaa waxaa lagu bixiyay 51-million oo dollar"

Wuxuu sheegay larry in ay garab weyn ka geysteen barnaamijyada ariimaha bulshada.

"Waxaan Muqdisho ka dhisnay iskuul ka kooban 40 glass. Waxaan taagernay barnaamijyada mujtamaca caawiya sida waxbarasha iyo caafimaadka oo ay ku jiraan biyaha iyo barnaamijyada nadaafada"

Waxa ay sheegeen saraakiisha u hadashay hay'ada USAID in dowlada mareykanka ay sameyneyso wax kasta oo karaankeeda ah si loogu xaqiijiyo dadka Soomaalida ah in ay la shaeeynayaa hay'adaha kale ee gargaarka ku lugta leh si mucaawinada loo gaarsiiyo dadka aadka ugu baahan.

Dan Sutter, la taliyaha cunada ee arimmaha gobolka ee USAID ayaa sheegay in kala bar cuntada gargaarka ah ee la siiyay Soomaliya sanadkan ay ka timid dowlada mareykanka.

"211,000 metric tone oo cunta ay ayaa ku kacday 97 million oo dollar. Cuntadana waxaa la geeyay dhamaan gobolada dalka gaar ahaan koofurta iyo bartamaha" ayuu yiri Dan, wuxuuna intaas ku daray in raashinka intiisa badan la geeyay xarumaha lagu quudiyo dadka nafaqa daradu heyso gaar ahaan caruurta ka yar 5-ta sano.

"Dadka aan kaalmada gaarsiinay waa 1.7m . taasi waa boqoley wanaagsan marka loo eego dadka Soomaalida"

Xarumaha quudinta ee hay'adu ay sheegtay inay gaarsiiyay mucaawinada ayaa waxay ku yaaliin gudaha iyo banaanka magaalada muqdisho, lakin dad badan oo hay'adaha gargaarka ay ku sheegayaan inay gaarsiisan yihiin 3.2 million ayaa u baahan kaalmo deg deg ah.

Georgianna Platt, oo kala talisa hay'ada ariimaha gobolka ayaa sheegtay in 20 million oo dollar oo kamid ah lacagaha la qarash gareeyay sanadkan loo diray qaramada midoobay si ay cunto ugu soo gadaan.

"Qiimaha cuntada oo sii kacaya, qiimo dhaca lacagta iyo sicir bararka ayaa ka dhigaya helitaanka cuntada wax xadidan, gaar ahaan raashinka ka imaanaya mareykanka" ayay tiri, marwo Platt, ayadoo ku n nuuxnuuxsatay in aysan dooneynin in Qatar loo galo kala go' ku yimaada cunada.

Dalka Soomaaliya ayaa dowlad la'aan ahaa ku dhawaad 20 sano. Dagaalada maalin kasta ka socda koofurta iyo bartamaha soomaaliya oo barakiciyay dad malaayiin iyo abaaraha oo isbiirsaday ayaa ku qasbay dad badan inay ku tiirsanaadan kaalmo ka timaada banaanka.

C/raxmaan Diiriye Nuur
nuure1000@hotmail.com
Nairobi
Kenya

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS