SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Cambaarayn iyo talo bixin ku saabsan qaraxyada Hargaysa

Waxan tacsi u dirayaa dhamaan shacabka somaliland dhamaantood meelkastay joogaan. Gaar ahaan waxan tacsi taa la mid ah u dirayaa eheladii,qaraabadii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen ama ku dhaawacmeen falalkii argagaxisada ahaa ee laga gaystay magaalada madaxda Somaliland.

Falakii argagaxisadu la beegtay Xarunta madaxtooyada,UNDP,Safaarada Ethiopia. Falkani waa mid ay soo maleegeen cadawga Somaliland kuwaas oo hadh iyo habeen ka shaqaynaya siday u manjaxaabin lahaayeen qaranimada Ummada Somaliland. Waxay cadawga wadankeena ku guulaysteen inay wadnaha wadankeena ay la beegsadaan qaraxyo ay mudo dheer ka soo shaqeeyeen.

Qormadan waxan ugu tala galay inaan kaga faaloodo falalkan argagaxisadu wadankeena ku fulisay . Weerarkan oo ahaa gardaro qaawan oo si badheedh ah loola beegsaday Ummada Somaliland. Falkan waxa gaystay dad mujrimiin ah oo ka fog dhaqanka diinta Islaamka iyo ka Bani'aadanimoba. dhacdadan ku salaysan argagaxa waxa weeya nashaqdii ama qalinkii Alqaacid ama sumadii Usama Bin Laden. Waxa fuliyey dhacdadan dadka uga shaqeeya ninka argagaxa ku caanka baxay Somaliya gaar ahaa Argagaxisada la magac baxday Alshabaab ee ka dagaalanta Somaliya.

Hadaba hadaynu sidaa ula socono dadka ka dambeeyey gardaradan qaawan ee aan geedka loogu soo gaaban ee ummadeena lagu burburinayo. Saw looma baahna inaynu dib isugu noqono isna waydiino masuuliyada intee le'eg ayay ku leedahay xukuumadeenu ama xisbiyada mucaaradka ahi arintan ka curtay wadankeena.

Doorka xukuumada ay ka qaadatay nabadgelyada Wadanka.

Fikadayda hadaan ku cabiro masuuliyada ay ku leedahay ama siday uga gaabsatay sugida nabadgelyada shacabka reer Somaliland. Waxay iila muuqataa inay xukuumadu ka seexatay masuuliyadeedii ay waddanka u haysay oo ah inay ka ilaaliso cadawga dibada iyo ka gudahaba. Sidaan la socono in dad aad aan la garanayn cadadkooda ay ka soo qaxeex Soomaaliya. Xukuumadeenu may samayn inay diiwaan geliso dadka koonfur ka yimi,waxay dadkaasi kala degeen daafaha magaalada Hargaysa,wadankeena waxay ku faafeen wadankeena degmo ilaa tuulo.

Sidee looga hortegayaa Falalka inagu soo socda ee argagxisadu inla doonayso

Dhawr sano ka hor ayaa laga saaray wadankeena dadka ka soo jeeda Koonfurta iyadoon wax xadgudub ah lagu samayn. Maanta waa maalintii taladii aynu gaadhanay dhawr sanadood ka hor gaadhan in dib loo soo celiyo. Dhamaan waa in wadankeena laga saaraa dadka aan u dhalan. Dadkaas waa in diiwaan gelin degdeg ah loo sameeyaa looma sheega maalinta wadanka laga saarayo iyadoo loo sheegayo inay mudo gaaban ku soo diyaarsandaan wixii wadankan ka yaala oo hanti ah si sharaf lehna loogu celiyo meeshay u dhasheen.

Shacabka reer Somaliland waxan ka codsanyaa inay abaabulaan mudaaharaad aad u balaadhan oo wadankoo dhan ka digaan xukuumadoodana ka codsadaan in wadanka laga saaro dadkaan u dhalan wadankeena.

Guul somaliland

Hassan Omar Ahmed
togaherer@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2008

 

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS