SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
18 November 2008.

Dad Oromo ah Jeelasha laga buuxiyay.
Budhcad badeed Soomaali ah oo qabsaday Markab Sucuudi ah
Safaarada Maraykanka ee Addis Ababa oo qaraxyo ka digtay .
15-ka Nov.: Damaca gumaysiga iyo diidmada waddaniga

======================
Dad Oromo ah Jeelasha laga buuxiyay.

Xukuumadda kaligii taliye Meles Zenawi ayaa jeelasha ka buuxisay dad badan oo rayad ah oo u dhashay qowmiyada Oromada iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiyada mucaaradka ku ah kaligii taliye Meles Zenawi, sidaas waxaa xaqiijiyay xisbiyo mucaard ah oo Itoobiya ka jira.

Golaha xubnaha Oromada ah ee ka tirsan Baarlamaan ku sheegga Meles Zenawi ayaa dhawaan bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen in dabayaaqadii Oktobar xabsiyada loo taxaabay in ka badan 100 ruux oo oromo ah, ka dib markii lagu eedeeyay inay taageerayaal u yihiin Ururka OLF.

Golahan ayaa bayaankiisa ku sheegay inuu helay liiska magacyada dadka la xidhxidhay, oo ay ka mid yihiin barfasoorro jaamacadeed iyo siyaasiyin mucaarad ah, waxaana dadkaas loo gaystay jidhdil aad u baʼan, iyadoo qaarkood ay jidhdilkaas la curyaameen.

Waxaa sidoo kale bayaankan lagu sheegay in dadkan laga qaqabtay meelo kala duwan oo ka mid gobolka Oromiya, balse qaar badan oo ka mid ah laga ururiyay magaalada Addis Ababa.

Dhinaca wasaarada cadaalada ee Wyaanaha ayaa iyaduna axaddii sheegtay in 226 qof oo ka mid ahaa dad dhawaan la qaqabtay oo tiradoodu gaadhaysay 273 qof, lagu soo oogay denbiyo ay ka mid yihiin xasuuq, iyadoo 47-da kalana lagu soo oogay denbiyo calculus oo kale, oo ay galeen intii uu socday dagaal beeleed u dhexeeyay Oromada iyo qabiil Guji loo yaqaano.

Dadkan, oo Oromo u badan, ayay dhici kartaa in toogasho lagu xukumo marka la eego denbiyada lagu soo oogay.

Oromada iyo Gujida ayaa bishii May ee sannadkan ku dagaallamay meelo lag acabbo iyo dhul-daaqeen, waxaana dagaalladaas labada dhinaca kaga dhintay dad aad u fara badan. In kastoo dagaalladan lagu tilmaamay dagaal beeleed, haddana xukuumadda Wayaanaha ayaa aad uga shaqaysa sidii ay beelaha deegaanka wadaaga isugu diri lahayd, si ay ciidammadeedu uga badbaadaan weerarrada kaga yimaada xogagga xaq u-dirirka ah ee ka soo horjeeda.

Waxay xukuumadda Wayaanuhu marar badan colaado daba-dheeraaday ka dhex-abuurtay dadwaynaha Soomaaliyeed ee Ogaadeenya, hase yeeshee nasiib wanaag waxaa hadda kor u kacay wacyiga bulshada Ogadeenya, gumaysiga Wayaanuhna wuxuu ku guul-darraysay hurinta coladihii uu dadka ka dhex-hurin jiray.

Budhcad badeed Soomaali ah oo qabsaday Markab Sucuudi ah

Budhcad badeed Somaali ah ayaa maalintii sabtida ahayd meel ku dhaw xeebaha Kenya ka afduubay Markab wayn oo laga leeyahay waddanka Sucuudi Carabiya oo saliid waday, sidaas waxaa lag soo xigtay ciidammada Badda ee Maraykanka.

Markabkani, oo sida la sheegayo laga qabtay meel aan ka fogayn xeebaha magaalada Mombasa ee dalka Kenya, wuxuu waday saaliid tankeedu dhan yahay 2 bilyan oo Fuusto, waxaana guradiisa ku sugnaa xilligii la afduubay shaqaale 25 qof dhan, oo labo Biritish ahi ay ku jiraan.

Markabkan ayaa la sheegayaa in la geeyey xeebta magaalada Eyl ee gobolka Bari ee dalka Soomaliya, halkaasoo ah xarunta budhcad badeedka Soomaaliyeed.

Markabkan ayaa ah Markabkii seddexaad ee kuwa saliidda qaada ah ee lagu afduubo xeebahaas, waana Markabkii ugu waynaa ee budhcad badeed Soomaali ahi ay ilaa iyo hadda afduubaan.

Budhcad badeedka Soomaaliyeed ayaa beryihii denbe oo dhan ka ugaadhanayay biyaha ku dhow dhow xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed oo Maraakiibta ganacsiga ahi ay aad u adeegsadaan.

Arrintaas ayaa sababtay in wadammo badan oo caalamka ka tirsani ay Maraakiib dagaal u soo diraan xeebaha Soomaliya. Gulufka lagu soo qaaday budhacad badeedka Soomaaliyeed waxaa ka mid ah qorshe millatari oo Isbahaysiga NATO uu halkaas ciidammo ugu diray, hase yeeshee iyadoo dadaalkaas oo dhan la sameeyay, haddana waxaa la muquunin laʼyahay budhcad badeedka Soomaaliyeed, oo inta badan lacago madaxfurasho ah oo aad u badan ka qaata Maraakiibta ay qabsadaan.

Safaarada Maraykanka ee Addis Ababa oo qaraxyo ka digtay

Safaarada uu Maraykanku ku leeyahay magaalada Addis Ababa ayaa dadka Maraykanka ah uga digtay inay ka qayb qaataan orordo lagu qaban doono Addis Ababa, iyadoo sheegtay in laga yaabo in qaraxyo lala beegsado munaasabadaas.

Orodka, oo 10,000 oo qof ay ka qayb qaadan doonaan, waxaa Addis Ababa lagu qaban doonaa 23-ka November.

Safaarada Maraykanku ma ayna sheegin xog rasmi ah oo la xidhiidha cidda qaraxyadaas gaysan doonta iyo cidda lala beegsan doono, hase yeeshee waxay dadka Maraykana ah ee ku sugan Addis Ababa kula talisay ka fogaadaan Orodadaas iyo meelaha lagu qabanayaba.


15-ka Nov.: Damaca gumaysiga iyo diidmada waddaniga

Markaan dareenkayga xuuraamay een xilliyada daba-galay, xusuus qorka maskaxdaydana xirrib feejigan ku eegay, waxaan xiskayga ka helay xaqiiqda ay xanbaarsan tahay 15 Nov. Xusuustayda kama aanay bixin, xiskaygana kama aanay lumin xanuunka ay maalintani leedahay iyo taariikhda ay xanbaarsan tahay.

15-ka Nov waxay astaan u tahay damaca gumaysiga iyo diidmada waddaniga, waxayna maalmaha kale dheer tahay dhacdooyinka ay xanbaarsan tahay, oo marna danqasho iyo daanno kuu horseedi, marna dareen iyo ciil-dirir kuu tusmayn. Maalintani waxay ku beegan tahay sannad guuradii labaad ee ka soo wareegtay xasuuqii ay ciidammada Itoobiya ka gaysteen magaalada Qabridaharre.

Waxay ahayd maalin talaado ah, taariikhduna waxay ku beegnayd 15 Nov 2005, markii ay ciidammada Itoobiya si waxshinimo ah suuqa magaalada Qabridaharre ugu xasuuqeen dhalinyaro ka badan 30 qof oo ciidammada Itoobiya ugu xidhxidhnaa xabsiga Qabridaharre.

Maalintani waxay ehel la tahay oo summada taariikhda la wadaagtaa maalmoo kale oo ciidammada Itoobiya ay xasuuqa ka gaysteen meelo kale oo ka mid ah dalka Ogaadeenya.

Maalintani waxay sannadkan ku soo beegantay iyadoo ciidammada Itoobiya ay ku mashquulsan yihiin gumaad saf-mar ah oo ay ka wadaan dalka Ogaadeenya. Waxay ku soo hagaagtay iyadoo ciidammada dad-cunka ah ee Itoobiya ay wali gacmaha kula jiraan dhiiggii maatida iyo duqayda Ogaadeenya ee aan awoodda u lahayn inay cadowgooda iska caabiyaan.

Ciidammada Itoobiya markii ay ku guul-darraysteen inay u babac-dhigaan dagaalka ay hormuudka ka yihiin CWXO ayay dib ugu noqdeen dadka maxasta ah ee aan u diyaarsanayn inay cadow iska caabiyaan. Waxaa magaalo walba oo Ogaadeenya ka mid ah ka dhacay gumaad iyo gabood-fallo kale oo Ciidammada Itoobiya u gaysanayaan dadwaynaha nugulka ah ee Ogaadeenya.

In kastoo uu gumaysigu quud-darraynayay in dadwaynaha Ogaadeenya ay is-dhiibi doonaan marka si naxariis darro ah loo xasuuqo oo cadaadis nacabnimo ah la saaro, haddana waxaa muuqata inuu sidoo kale ku guul-darraystay rajadii uu qabay.

Sida uu dagaalkii ugu guul-darraystay ayuu cadaadiska dadwaynahana ugu guul-darraystay. Ilaa iyo hadda waxaa cad in dadwaynaha Ogaadeenya ay u dhabar adaygeen dhibaatooyinka gumaysiga kaga imanaya, isla markaana uu halgankii Ogaadeenya sii karaar qaatay.

Sida ka muuqata taariikh-halganeedka shacbiga Ogaadeenya, mar kastoo uu gumaysigu kordhiyo cadaadiska iyo dulmiga uu ku hayo dadwaynaha uu gumaysto ee Ogaadeenya, waxaa sii koradha dhiirranaanta ay dadwaynaha Ogaadeenya ku dhiirradaan halgankooda.

Tan iyo markii dalka Ogaadeenya ay ku habsatay masiibada gumaysigu waxaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ka dhacay dhacdooyin xasuuq oo gumaysigu gaystay.

Waxaan marna la illoobi doonin xasuuqii Dhagaxbuur, oo loo yaqaano Kanoonigii, kaasoo Lixdameeyadii ay ciidammada Itoobiya magaalada Dhagaxbuur ku laayeen in ka badan 70 qof oo rayad ah.

Waxaan marna dareenka waddaniga daacadda ah ee Ogaadeenya ka lumi doonin xasuuqii Wardheer, oo ciidammada Itoobiya si bahalnimo ah magaalada Wardheer ay ugu xasuuqeen dad rayad ah oo tiradoodu kor u dhaaftay 80 qof horraantii sannadkii 1994.

Waxay dadkayagu waligood xusuusnaan doonaan xasuuqii ay ciidammada Itoobiya ka gaysteen Tuulada Hunjurri iyo nawaaxigeeda ee gobolka Jarar badhtamihii bishii June 2007, oo ugu yaraan 21 qof oo rayad ah ay ciidammada Itoobiya ku dileen.

Waxayna dadkaygu marna illoobi doonin xasuuqii bahalnimada ahaa ee ciidammada Itoobiya ka fuliyeen Tuulada Babaase ee gobolka Doollo 24 July 2007, oo ugu yaraan 10 qof oo rayad ah ay halkaas ku daldaleen.

Waxay dadkaygu maanka ku hayn doonaan xasuuqyadii Shilaabo, Dhagax-madow iyo meelo kale oo Ogaadeenya ka mid ah. Waxaan marna ka gadsoomi doonin maanka waddaniga daacada ah ee Ogaadeenya gabood-fal kasta oo ciidammada Itoobiya ku sameeyaan dadwaynaha Ogaadeenya.

Dhibaato kasta oo shacbiga Ogaadeenya ka soo gaadha gumaysiga iyo cawaantiisu waxay dhidibbada u sii aasi doontaa go’aankiisii ahaa inuu ka dhidhiyo waxyeellada gumaysiga, waxayna saad u noqon doontaa dareenka waddaniga keena-diidka ah ee Ogaadeenya.

Waddaniga diiday inuu gunnimada aqbalo. Waddaniga diiday inuu xumaha yeelo. Waddaniga diiday inuu sharaftiisa quudho. Waddaniga diiday inuu gudobtiisa illaawo. Waddaniga diiday inuu sinta u dhigto summada quudhsiga.



18 November 2008

Cabdinuur Sh. Maxamed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 19, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS