SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAY

Xaflad furitaan Markis cusub oo ay hergalisay Jimciyada Al-Wafaa oo lagu qabtay degmada Buur-hakaba ee G/Bay.

Sawirada Halkan ka daawo....

Xaflad aad loo soo agaasimay talogalkeeduna ahaa furitaan Markas cusub oo ay soo qabanqaabisay Jimciyada Samafalka ee Al-wafaa ayaa maanta (Nov 17, 2008) lagu qabtay Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay.

Markaskan dhismahiisa ayaa ka kooban Masaajid weyn, 8 qol oo jiif ah, 5 qol oo Iskuul ah, 4 qol maamulka Markaska, Hool ardayda ku cunteeyaan oo hal Kushiin oo cuntada lagu kariyo. Markaskan ayaa ah mid ay u dhan yahiin dhamaan qeybihiisa dhismo oo aad u qurux badan.

Jimciyadda Samafalka Al-wafaa oo ku guuleysatay hergelinta dhismaha Markaskan ayaa garabsatay Hay’adda Caalamiga ah ee Guddiga Qaaradda Afrika (African Continent Committee) ee Jamciyadda Axyaa Al-Turaath Al-Islami (Revival of Islamic Heritage Society), Dhaqaalaha dhismaha Markaska ku baxay waxaa ku tabarucay Daariq Khaliifa Axmed Al-Jaasim oo u dhashay dalka Kuwait.

Xaflada Furitaanka Markaska ayaa waxaa ka soo qeybgalay dad aad u fara badan oo caan ka ah degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Bay, sida: Ugaas Aadan Cabdi Xasan, Culuma’udiinka Shaekh C/laahi Janaay, Mas’uul ka mid ah Mas,uuliyiinta Degmada Mudane Maxamed Cabdi Hassan (awkaarey), Aqoonyahanada: Cali Amiin Cabdiyow, Haweenka: Sitey Sheekh Yarrow, iyo marti sharaf kale oo ka timid magaalada Muqdisho uuna hor kacayay Xoghayaha guud ee Jamciyadda Al-wafaa Mudane Sayid Cali Xuseen, Madaxa Mashaariicda iyo Qorshenta Mudane Maxamed Xassan Maxamed (Aayow) iyo madaxa arrimaha Bulshada ee Al-wafaa Ibraahim Cali Yarow.

Xoghayaha guud ee Jamciyadda Al-wafaa Sayid Cali Xuseen Macalin oo ka mid ah howlwadeenada Al-wafaa ayaa sheegay in dhismaha markaskan qayb ka tahay waxbarasho ay ka faa’iideysan karaan 200-arday agoon ah, labada galin subax iyo galab.

Waxaana ka mid ahaa waxyaalihii uu yiri “Reer Buur-hakaba waa kan Markiskii oo waa idin dhisan yahay, waxuuna xujo ku yahay dhamaan dadka dagan Buur-hakaba haddii wax lagu baran waayo ama laga faa’iidaysan waayo wuxuu noqonayaa mid lagu qasaaray oo amaama-laahi laydin su’aali doono”.

Mas’uulkii ku Hadlaayay Mas’uuliyiinta degmada Buur-Hakaba Maxamed Cabdi Xassan (Awkarey) ayaa kusoo dhaweeyay dhamaan kasoo qeyb galayaasha xaflada furitaanka Markiska, waxuuna u mahadceliyay Jimciyadahii gacanta ka geestay in halkan Markis laga dhiso.

Markaskan ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka ku dhaqan degmada Buur-hakaba sheegayna inay baahi weyn u qabeen waxbarashada waxayna soo jeediyeen codsi ah inuu Markiskan ahaado dugsi Dhexe iyo Sare, madaama ay waxbarashada sare u doonan jireen Baydhabo ama Muqdisho taana ay fursad u tahay inay ka faa’iideystaan baahida ka jirto deegaankooda dhinaca waxbarashada

Codsigaasina waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiinta Al-wafaa inay sidaa ku bilaabato waxbarashada asaasiga iyo tan sare waxaana laga bilaabay qorista caruurta Agoonta ee dagana Buurhakaba.

Jimciyada Samafalka ee Al-wafaa oo astaanteeda lagu arko goballo iyo degmooyin badan oo dalka ah ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxay labalaabtay gacantii ay u fidin jirtay dad tabaaleysan si ay wax uga geysato qeybo ka mid ah baahida ay qabaan dadka Soomaaliyeed.

Mohamed Haji
maxuseen@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 18, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS