SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Beelihii Daraawiishka oo Johannesburg ku kala saxiixday heshiis taariikhi ah loogu magac daray (Darwiish).

Sawirada Halkan ka daawo...

Inka baddan qarni iyo sanado kadib beelihii horkacay, kana mirro dhaliyey halgankii Daraawiish ee Dhulbahante iyo Absame ayaa waxa ay kala saxiixdeen heshiis taariikhi ah oo dib loogu soo nooleynayo xariirkii taariikhiga ahaa, heshiiska waxay ku saxiixeen Johannesburg.

Heshiis taariikhi ayaa dhex maray beelihii dhiisha guntiga iskaga dhigey ka mirro dhalintii halgankii taariikhda galay ee Daraawiish ee uu horkacayay halyeeygii Sayid Maxamed Cabdulle Xassan , halgankii Darwiish oo socday inka baddan 20 sanno oo xariir ah ayay beelahani ahaayeen kuwii gacmaha iska qabsaday xoreyta dalka.

Qiyaastii boqol iyo sanooyin kadib ayay mar kale beelahani isu imanayaan, heshiisyana ku kala saxiixdeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen wanaaga Soomaaliya iyo Soomaalida, kaliyana ma rabaan in wadaagista wanaaga uu iyaga ku koobnaado, ee waxa ay dhiirogalinayaan kuna baaqayaan in beelaha kalana ay ku daydaan sidii loo baadi dooni lahaa danahaa Soomaalida oo dhan.

Kadib kullamo illaa bishii shanaad si joogto ah u socday, kuwaas oo heshiisyo lagu gaaray aya labbada beelood oo kala ah beesha Dhulbahante iyo Beesha Absame ay heshiiskii qalinka ku duugeen 16/11/2008 galabnimo axad ah, magaalada Johannesburg ee dalka Koonfurta Afrika, maalintaasi oo dabcan noqon doonta maalin ka tilmaaman maalmaha kale.

Saxiixa heshiiska oo ay goobjoog ahaayeen dad xul ah oo mug iyo miisaan ku leh labbada beelood ayna horkacayaan labbada oday ee beelahani ayaa waxaa dhanka Beesha Dhulbahante qalinka ku duugey heshiiska Garaad Maxamed C/Raxmaan Nuur, halka beesha Absame uu qalinka ku duugey heshiiska Ugaas Maxamed Cabdi Diiriye (Qooqaani).

Qodobada Heeshka oo nuqul ka mid ah saxaafada lasoo gaarsiiyey ayaa u qornaa sida sida hoos ku qoran.

1- Aas aaska (Gudiga) iskaashiga labbada beelood waxaa weeye wixii shareecada islaamku ogashahay.
2- Waa in la sameeya guddi isku dhaf ah oo markasta iyagu kasoo baaraan daga wixii labbada beelood dhexdooda ah , islamarkaasina warbixin soo siiya guurtida labbada dhinac
3- In labbada qoys yeeshaan wada tashi joogto oo ku aadan wixii cusub ee kaga yimaada wax ka baxsan labbada beelood.
4- In wixii dhexmara labbada qof ee u kala dhashay labbada beelood ee Absame iyo Dhulbahante uu arrinkaasi ku koobnaado labbada qof ee ay wax ka dhex mareen laakiin aan loo dhigin sidii wax u dhaxeeya labbada qabiil, isla marakaasina si wadajir ah oo daacadnimo ah iyo alla ka cabsi leh loogu istaagaa xal u helidda wixii dhibaato ah.
5- Waxaa furan wax tar iyo kaalmo lays weeydaarsado marka ay timaado baahi dheeraad ah oo ka baddan inta ay awooda tahay, wuxuuna arrinkaasu u furanyahay in uu u dhaco qaab labbo beelood ahaan ah iyo mid gaar ahaaneed labbadaba.
6- Beel kasta waxay u madax banaantahay in ay heshiis la gasho beel kale oo Soomaaliyeed , laakiin waa in aanu heshiiskaasu noqonnin mid meel ka dhac ku ah ama wax u dhimaya heshiiska u dhaxeeya Absame iyo Dhulbahante.
7- Barnaamij kasta oo watta magaca Soomaaliyeed oo ka jirra K/Afrika waa in labbada beelood ka wada hadlaan si loo hubiyo suurtogalnimada ah in laga qaato mowqif mideysan.
8- In la'iska kaashado soo nooleyta taariikhdii wanaagsanayd ee labbada beelood.
9- Waxaa la'isku afgartay in lasoo dhaweeyo haddii ay beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed la timaado in ay wanaaga nala qeybsato.
10- Waxaa la'isla oggolaaday in guddiga ay labbada beelood yeelanayaan uu ka koobnaado tobon (10) xubnood kaas oo u kala qeybsan shan iyo shan.
11- Seddexdii billood mar waa in uu dhacaa kulan dhexmara odayaasha labbada beeloodkaas oo dib loogu eegayo qodobada heshiiska si waxna loogu kordhiyo waxna looga badalo. Waxaase markasta joogto ah fadhiyada degdega ah ee ku iman karra dhacdo maalmeedka.
12- Heshiiskani waa in uu gaadhaa oo uu ka war hellaa qof kasta oo u dhashay Absame iyo Dhulbahante oo jooga dalka K/Afrika inta ay suurtagalka tahay si loogu wada xisaabtamo.
13- Heshiiskani wuxuu dhexmaray reer K/Afrika sidaasi darteed waa in aanay saameyn nagu yeelan dhacdooyinka aan habooneyn ee ka dhaca wixii ka baxsan waddanka aan joogno.
14- Heshiiskani wuxuu dhaqan galay kadib markii ay saxiixeen guurtida ka kala socotey Absame iyo Dhulbahante kuwaas oo ah magacyadooda hoos ku qoranyihiin, waxaana saxiixay labbada oday dhaqameed ee ay leeyihiin labbada beelood.

Guurtida Absame. Guurtida Dhulbahante
1-Cismaan Siraaj Cumar 1- C/Laahi Maxamed Ducaale
2-C/Rashiid C/Laahi Ibraahim 2-Abokor Maxamed Mirre
3-Maxamed Cabdi Diiriye 3-Maxamed Maxamuud Suleeymaan
4-Maxamed C/laahi Xassan 4-Maxamed C/raxmaan Nuur
5-Makhtal Axmed Xassan 5-C/Shakuur Axmed Jirde
6-C/raxmaan C/Laahi Yuusuf 6-Maxamed Axmed Budh-yar
7-Maxamed Daahir xaaji 7-Cali Saciid Najjaar
8-Faysal Deeq Jaamac.

Ugu dambeytii waxaa labbada beelood ay ugu baaqeen dhamaan dadka beelahani u dhashay ee ku kala nool dunida dacaladeeda in ay ku deydaan talaabadani oo ay iskaashaadan, gacmahana iska qabsadaan wixii dhibaato ah ee soo foodsaara, labbada beelood waxay muujiyeen sida ay oga go'antahay in xal waara loo helo dhibaatada Soomaaliya, gaar ahaan in xal islaam loo hello.

Kullankii heshiiska lagu saxiixayay ayaa waxaa laga dheehan karay niyad wanaag, qalbi furnaan iyo isweeydaarsasho hadalo kalsooni ay ku jirto, tusaale ahaan Ugaas Qooqaani ayaa guurtida beesha Dhulbahante u sheegey in qofkii beeshaasi ah uu xittaa matali karro beesha Absame meeshii uusan qof ka joogin loogana baahanyahay, illaa heer buu yiri ay awood u leeyihiin in ay bixiyaan xittaa gabdhaha la guursanayo, hadalkaasi oo Ganacsade C/laahi Dheexe uu kaga jawaabay si la mid ah oo yiri "haddii aan awood u leenahay in xittaa aan gabdhihiina bixino, maxaa diidaya in aad kuweena bixisaan, runtii ma garanayo niyad wanaag iyo kalsooni taasi ka weyn oo aan idinka filanayayn, waanan idinka aqbalnay wax kasta oo wanaag ah".

Waxaa sidoo kale hadlay Garaadka beesha Dhulbahante ee K/Afrika oo ah nin dhalinyaro ah laguna magacaabo Maxamed C/Raxmaan Nuur, wuxuu u mahadceliyey beesha Absamse oo uu sheegey in si niyad wanaag ah ay heshiis wax wada qabsi ah u saxiixdeen.

SomaliTalk.com, Johannesburg.
saxansoxo

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 18, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS