SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Itoobiya waa kafiil IGAD Shati U GOOYSAY

a. Shirqoolkii la rabay in Soomaaliya lagu fuliyo Waxaa hadda si aan CAAD u saarnayn u kashifmay shirqoolkii Soomaaliya Igad iyo Itoobiya u maleegayeen, loona ballansanaa in lagu fuliyo shirkii Nairobi madashiisu ahayd 27-29 Octoober 2008.Itoobiya iyo kuwii ku soo qalqaalshay inay Soomaaliya qabsato, markay ku guuldarraysteen dagaalkii guuldarrada ahaa, shaxdan shirqooleed ayay dejiyeen;

• In Soomaaliya la hoos-geliyo WISAAD Itoobiya maamusho iyadoo huwan magaca Igad,laguna marmarsoonayo habkii ku-meel-gaarka la baxay inuu shaqayn waayay,oo fashilmay. Cambaarayntii iyo durbaanihii codka dheeraa waxaa loola jeeday in lagu xalaalaysto inay Itoobiya noqoto KAFIIL SHATI LOO SIIYAY inuu Soomaaliya qabsashadiisa ku ballaarsho.

• Shirqoolkan wuxuu noqon lahaa haraati-dambeed aarsi ah, ee maamulka Maraynkanka ee George W. Bush, oo u maara waayay in Shacbiga Soomaaliyeed cagtiisa hoos-geliyo.Waxaa parlamaan ku sheegga loogu yeeray inuu qorshahaa ansixiyo, ka dib Golaha Ammanka la geeyo, sidaa Dalka lagu hanto.

b. Dhiirrida Itoobiya iyo uursigeeda Soomalida Dhiirrida Itoobiya waxay hadda U OLOLAYNAYSAA inay kala wareegto awoodda habka ku-meel-gaarka ah. Si toos ahna Soomaaliya taladeeda gacanteeda ku ururto, Igadna maqaar saar ka dhigato. Waxay rabtaa qorshihii Nairobi kaga fashalmay in haatan ay daaqadda ka soo geliso.Daciifnimada ay ku sheegto ku meel-gaarka, iyadaa sabab u ah, kana masuul ah. Waana iyada fashalkeeda, labaduna sida la ogyahay waa HAL NIDAAM. Iyadaana isku dirta, kala dirta, qaarba garabka ka taabata,si uu ula colloobo kooxda kale.Waxay Itoobiya ogtahay hadday Soomaalidu midowdo inuu qorshaheeda dhow iyo kan dheerba[ u jeeda inay badda Soomaaliya u gudubto,[Ku-meel-gaar "nabadaynta Soomaaliya"waa ku fashilmeen,waa iyaga kan waxba qaban waayaye, aniga ha la igu wareejiyo xukunka tooska ah ee Soomaaliya], sidaas bay rabtaa inay addunka iyada ayidsan ku tiraaho,dowladaha waa-waynna hoos bay arrinta kala wadaan.Dalkeenna, horeba dunidu uga eexatay,kama dhursugayo dalal kale oo u soo hiilliya, una soo gurmada, si uu isaga waabiyo gardarradaa hor leh iyo aabiga garab og. Waxaan noqonnay dal Itoobiya kibirkeeda iyo damaceega isticmaareed la hoos geeyay, oo tacaddiyadeeda jirku la jiriicoodo dunidu iska dhega-tirtay. Maalin-walba Beesha Caalamcu waxay si dowli ah ugu gurmataa dhibaatooyin balanbalkeenna wax badan ka ladifan, sidaan kala soconno warbaahinta caalamka.

c. go'aannadii gardarrada ahaa oo ka soo baxay shirkii Igad ee Nairobi

1. In Igad ay Soomaaliya ka xayuubiso Magaceeda Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo madaxa ku-meel-gaarka ay u quuriwaayaan martabadaas, habka nidaamkaa oo iyagu hore u dhisteen. (fiiri saxiixii madaxdii Igad ee heshiiska kor ku xussan).[ waxaa dhurdaran kuwa Itoobiya ugu tagaya inay u kala garqaaddo, mar haddii ay ku howshoontahay isku dirkooda].

2. Habkii ku-meel-gaarka lagu magacaabay inay labo u qaybsheen TFG= TFI+TFP, isku dirid iyo qaybin looga gol leeyahay.

3. Waxay abuureen jago layiraaho FACILITATOR, oo dhaqan-gelinta wixii Ku-meel-gaarka la faray kormeeraya.Jagada waxay u dhigantaa ADMINISTRATOR[KII] WISAAYADDA( DAL AAN KORIN OO KAFIIL LOO YAHAY).

4. Si Itoobiya u tiraahdo: Ku-meel-gaar waba ma qaban karo, TFG waxaa la faray in laba toddobaad howlaha loo igmaday ku dhammeeyaan, wana ku fashilmeen, oo sidaa hore ayaa loo qorsheeyay.

5. In Itoobiya ay BOROOSIN u tahay wax Alle wixii Soomaaliya ku saabasan, iyadoo huwan maqaarka Igad.(Waxaa loola jeedaa ISBAARO Itoobiya aan laga gudbi Karin, haddaan iyada la soo marin).

6. In Igad Soomaaliya heer MUSTACMARADNIMO AH ay gaysay, talo iyo tix-gelin toona lahayn, gobol-gobolna loo qaybiyo.

7. Barlamaan-hafarka, si waqtiga loogu kordhiyo, waxay Igad ku xirtay hadba siday ugu TFGdu ugu hoggaansato fulinta awaamirtii la siiyay[qorshihii hore wuxuu ahaa in waqti kordhinta abaal-marin loo siiyo kolkay meel mariyaan, oo sharciyeeyaan NAQSHADDA kafiilnimada Itoobiya, oo dhan[approval of the whole pakache deal]. Qwodobkan waa mid weli kor laalan haanka mudaneyaasha, sidii seefti DEMOCLE.

d. Waxaan leennahay Waxaan leennahay XAGALLO GEEL WAX GUNTIGA LA GESHO KA WAYN. Asmada Soomaliya ka jirta Igad iyo Itoobiya,labaduba way ka WAYNTAHAY, mana qarin karaan,mana yerayn karaan, siday damacsanyihiin.Shacbiga Soomaaliyeed, iyo muqaawamadiisa geesiga ahna kama qaadanayan faragelintooda quursiga iyo gumaysiga xambaarsan.Waxaan leennahay talada Soomaaliya iyo xallinta dhibaatooyinka ka jira, ay iyagu abuureen, shacbiga Soomaaliyeed ayay u yaallaan.Idika dabka dalalkiinna ka holcaya u jeesta, oo wax ka qabta.Shatiga aad Itoobiya soo siiseen inay Soomaaliya KAFIIL ka noqoto ma meel mari doono, guuldarrooyinkii hore kuwo ka daran ayuu HANQALTAAGGAA la kulmi doonaa. Shacbiga Soomaalyeed xornimada iyo madax-bannaanida waa idinka jecelyahay, dhadhansigeedana waa idinkaga horreeyay, badidiinna, mana cabiidsan kartaan SHACBIGA SOOMAALIYEED IYO MUQAAWAMADIISA GEESIGA AH WAXAAN UGU BAAQAYNAA Cadawga is-bahaystay wuxuu doonayaa Dalka inuu wada qabsado OO LA GUMAYSTO, kaasoo la sharciyeeye,oo ah KAFIIL MUTASARRIF, ciidammo badan oo IGAD iyo dalal kale hor-kacaya. Midnimadiinna suga, isu samirkiinna kordhiya,sidaa unbaad cadowgeenna iyo kan Ilaahay kaga rayn kartaan.

Shariif Saalax Maxamed Cali

Gud. Golaha dhexe ee Isbahaysiga ARS Asmara 15/11/2008

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 16, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS