SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Siminaar ay si wadajir ah qabteen ururka WOJA iyo ABLE

Sawirada Halkan ka daawo....

Siminaar hal maalin ah oo ay sooo wada qabanqaabiyeen dhaqaaqa gabdhaha suxufiyeenta ee (WOJA) iyo hey’adda ABLE ayaa maantey (Nov 15, 2008) lagu qabtey hoolka shirarka ee hayadda Kalsan . Siminaarkan oo ay ka soo qeyb galeen 20xubnood oo isugu jiray xubnaha ururka woja qeybaha kala saxaafadda iyo ardeyda wax ka barata magaaladan Neyrobi ee dalka Kenya.

Siminaarkan waxaa uu ku salaysnaa Buuga caanka ah ee The way to happiness. Ayaa waxaa lagu baranayey sidii qofku naftiisa iyo dadka la nool uga caawin lahaa in ay farxad ku noolaadaan , Waxaana sharaxaad ka bixisay Michelle Kawoniski, oo ka socotay Hay’adda ABBLE, waxaana ku dheeraatay faa’iidada ay u leedayah qof walbaa in u ka shaqeeyo farxadda naftiisa iyo dadka ku xeeran ee iskugu jira saaxiibada iyo qaraabadda.

Dhammaan ka soo qayb galayaashii waxa soo bandhigeen in ay aad ula dhaceen qiyamka uu xambaarsanaa duruusta buugaas iyo sida wada shaqeynta leh ee casharudu u socdeen. Waxayna uga mahad celiyeen in WOJA iyo ABBLE sida ay isugu howleen hirgalinta Siminaarkaas.

Dhaqaaqa Gabdhaha suxufiiyiita (WOJA) waxa ay sheegeen in ay ka fikirayaan sidii ay siminaaro kuwaan oo kale ah ugu qaban lahaayeen qaybaha bulshada siiba dhalinyarada iyadoo ardeydii halkaas casharda ku qaatayna ay sheegeen in ay duruustii ay halkaas ka faa’iideen ay la wadaagi doonaan bulshada kale eek u xeeran.

Ugu dambeystii, Siminaarkaasi waxa uu ku soo gabagaboobay jawi wanaagasan.

W/D: Zahra Mohamud Koronto (Zahra keyf)
sahrakeef@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 16, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS