SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Soomaaliya oo ay Dagaalada,Gaajada iyo Cuduradu ay ku sii fidayaan.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay la kulmeen nasiib darro aad u weyn kaddib markii Madaxdii Sare ee DFKMG ahi uu khillaf weyni uu soo kala dhexgalay iyadoo weliba uu Dalku ku sugay yahay Xaalad aad u murugsan ee Dagaal,Gaajo, iyo Cuduro fara badan oo galaaftay Carruur Soomaaliyeed oo ay da'doodu u dhexayso Hal sano ilaa Todoba (7)Sano oo lagu qiyaasay ugu yaraan inay u dhinteen Xaaladahani aannu kor ku soo xusnay ugu yaraan 200 Carruur ah oo Soomaaliyeed ,Madaxda Sare ee DFKMG ahi ay waxay isku afgaran la'yihiin waa wax aad u Sahlan hase ahaatee Dhibaatada haysatada Ummadda Soomaaliyeed ayaa ka wayn in Wasiir ama W/ku /Xigeen Qabiil lagu qanciyo iyadoo Dagaal,Gaajo iyo Cuduro loo dhamaaday.

Hay'adaha Samafalka iyo kuwa Deeqaha bixiya ayaa waxay aad iyo aad uga dayrinayaan Xaaladda murugsan ee uu ku sugan yahay Dalka Soomaaliya oo ka sii daraysa iyadoo weliba Dagaaladu ay ku sii fidayaan Dalka oo dhan Gaajada iyo Cuduraduna ay ka sii darayaan , Hay'aduhu waxay kaloo aad uga walaacayaan in ay sii kordhayaan Qaxootiyada u qaxaya Dalalka ay Soomaaliya ay deriska Wadaagaan sida Kenya iyo Yeman oo sii kordhay seddexdii bilood ee la soo dhaafay , waxaanna la ogaaday inay arrimahani ay kalliftay Dagaalada iyo Gaajada u baahday Dalka oo dhan , iyadoo weliba uu socday heshiiskii u dhexeeyey DFKMG iyo Ururka Dib u xoraynta Dalka Soomaaliya oo ay kala Hoggaaminayeen R/Wasaare Nuur Cadde iyo Sh.Shariif Sheekh

R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen oo ah rug caddaa Siyaasi ah oo weli aan la arag tan iyo intii Soomaaliya ay ku sugnayd Xaaladan murugsan sida uu ula Heshiis dhigay Mucaaradkii ka soo horjeeday Dowladiisa isla markaana Xaqiijiyey inay Dowladiisu u baahan tahay in Dib u habayn lagu sameeyo ayaa waxaa nasiib darro uu kala kulmay Khilaaf qaar ka mid ah Madaxda DFKMG ah iyo Dowladda Itoobiya oo aan jeclaysan sida uu R/Wasaare u soo dhisay Dowladiisu ,Sababtoo ah Itoobiya waxay doonaysaa oo keliya in Wasiiradu ku dhisnaadaan qaab Qabiil ama 4.5 oo ah Qaabkii markii horeba lagu soo dhisay DFKMG ah oo aad Xun.

Haddaba, xagee bay wax ka khaldan yihiin ?khilaafkani maxaa ka dhalan kara ?Wasiiradii uu soo magacaabay R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen ayaa waxay ahaayeen kuwa runtii Shacabka kalsooni ka haysta isla markaana Ummadda wax u qaban kara hase ahaatee waxaa aad uga xumaaday Dowladda Itoobiya iyo kuwa raacsan Haddaba waxaa caddaatay inay Itoobiya doonayso inay weli Saami ku lahaato Magacaabida Goloha Wasiirada ee Dalka Soomaaliya si ay Mowqifkooda ugu fushato xitaa haddii Dalka laga saaro Itoobiya.

Khilaafkan soo kala dhexgalay Madaxda sare ee DFKMG ahi wuxuu kaloo dhaawac u geysan karaa Heshiiskii muddooyinkan ka socda Dalka Jabuuti oo ku dhammaaday guul aad u weyn maadaama labada dhinac ee DFKMG iyo isbahaysiga Dib u Xorayntu ay isku af garteen in Ciidamada Itoobiya Dalka laga saaro Soomaaliyana ay noqoto mid aayaheeda ka tashata ,waxaa kaloo aad Xasaasi u ah Dagaalada ka socda dhammaan Dalka Soomaaliya ee sababay inay ka barakacaan Dad aad u fara badan oo buux dhaafshay Xeryaha Qaxootiyada ee Deriska la ah Dalka Soomaaliya taasina ay noqotay mid Dunida Walaac gelisay.

Hay'adda Qaramada Midoobay ee Dunida ayaa horey waxay u mamnuucday in Dalka Soomaaliya la gesho Hub ama Maaliyad Siyaasadeed oo lagu waxyeelaynayo Dadka raydka ah kuwaas oo ay horseedku u tahay Dowladda Itoobiya oo dana gaar ah ka leh Dalka Soomaaliya ,maadaama aysan haysan Deked ay uga soo degaan Hubka waxay marin ka dhiganaysaa Dekedda Magaalada Muqdisho ,Siyaasadani ayaa waxay u arkaan Dunida Caalamku mid wax u dhimaysa ama Caqabad ku ah Heshiiskii ay gaareen DFKMG iyo Ururka isbahaysiga Dib u Xoraynta Dalka Soomaaliya Qaybtooda ku sugan Dalka Jabuuti ee heshiiskana qaatay.

Sida ku cad wararka ka soo baxaya Hay'adaha Samafalka iyo kuwa Deeqaha bixiya ayaa waxay sheegayaan in Xaaladda bani'aadaninimo ee Dalka Soomaaliya inay ku sugan tahay Xaalad aad u murugsan ,Gaajada,Cudurada iyo Dagaaladu inay sii kordhayaan rajada heshiiska iyo nabadduna ay sii Xumaanayso Khilaafkuna uu sii badanayo Walaacani ayaa wuxuu abuuri karaa kala fogaasho iyo Siyaasad cusub oo Caqabad ku noqota heshiiskii lagu gaaray Dalka Jabuuti ,waxaana haboon in khilaafka lagu bedlo isu-taasul is af garad dhexmara Baarlammanka Dowladda, iyo Isbahaysiga Dib u Xoraynta Dalka si loo badbaadiyo Shacabka Soomaaliyeed oo ku sugan Xaalad aad u murugsan oo ah Dagaalo,Gaajo,iyo Cuduro.

Gabagabadii iyo Maqaalkani marka hore waan in la daba qabtaa Dadka iyo Duunyada u la'anaaya Gaajada Dagaalada, iyo Cudurada kaddibna lagu heshiiyaa Siyaasadda Dalka iyadoon wax Qabiil la Xiriira aan lagu qaybsanayn awoodda Siyaasadeed ee Dalka mar walibana loo noqonayo Kitaabka Alle ee Munzalka ah Haddii intaa la waayana waxaa sii badanaya khilaafka Cadawga Ummadda Soomaaliyeed ee Itoobiyana waxay u tahay farxad iyo raynrayn ,Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed waxaa inoo haboon in qof waliba uu xil iska saaro sidii uu Shacabkiisa u badbaadin lahaa una horseedi lahaa Nabadda ,Nabaddu waa Qaali.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 16, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS