SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo 6 bilood jirsaday.

Ururka waddaniga Soomaaliyeed waxaa la aasaasay bishii May 15, 2008. Waxaana aasaaska ururkalagu beegay munaasabadda maalitii SYL oo sanad kasta lagu xasuusto Xisbigii dhalinyarada ee SYL. Sababta loogu beegayna waxay tahay inuu ururka Tiigsado Hannaankii SYL, kana shidaal qaataan aragtidii midaysneyd ee dhallinyaradii waddaniyiinta ahayd ee SYL.

Sababta dhalisay in ururkan la sameeyo waxay ahayd ka dib markii uu dumay qarankii soomaaliyeed, muddo dheerna ay Bulshada Soomaaliyeed ku jirtay Dhibaatooyin fara badan ay ka mid yihiin: Abaaro, Jaahilnimo, wadaniyad la'aan, cudurro, nolol xumo iyo rajo fiican oo aan u soo muuqan oo looga bixi karo dhibkaas.

waxaan Shacabka Soomaaliyeed ku dhacay burbur dhinac walba leh. Taas oo ay waddaniyiin Soomaaliyeed fiirsan waayeen marxaladda adag ee haysata shacbiga Soomaaliyeed ay maanta ku jiraan, ayaa ururku waddaniga soomaaliyeed u istaageen inay badbaadiyaan shacabka soomaaliyeed iyagoo kaashanaya Allah (SWT). Himilada ururku waa in uu gaarsiiyo umada soomaaliyeed horumar dhinac walba ah sida cadaalad, sinaan, horumar dhaqaale, iyo mid aqooneed.

Bisha November 15, 2008. Ururka Waddaniga Soomaaliyeed waxaa u buuxsamayso
6 bilood, waxaan idiin soo gudbin doona warbixin kooban oo ku saabsan waxqabadkii 6-da bilood ee ururka.

Magaca ururka uu wato waa waddaninimo, taaso oo ka tarjumaysa inuusan ururka ku salaysnayn kooxaysi, Qabyaalad, Gobolaysi iyo NGO Macaashdoon ah iwm.

Ururka Waddaniga soomaaaliyeed wuxuu ka madax banaanyahay dhammaan ururada Siyaasadeed ee hadda ka jira wadanka soomaaliya, waana urur uu mabaadii’diisa iyo aragtidiisu ay u gaar tahay kuna salaysantahay waddaniyad, sinaan iyo cadaalad.

Madaxda Ururka iyagoo qaadaya Mas’uuliyadda ay leedahay Waddaninimada ayaa waxay sameeyeen isku xir ay isku soo xiraayaa dhammaan waddaniyiinta Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha Somalia iyo dibadaha. Isku xirkaasna waxaa ka dhashay natiijo ah inuu sii xoogeysto UWS, iyo inay isku soo xirmaan Wadaniyiin badan oo Soomaaliyeed oo qalbigooda ay ka buuxdo qiiro Waddaninimo.

Ururka wuxuu leeyahay Astaan u gaar ah oo lagu garto taasoo muujinaysa inuu ururka yahay urur waddani (fiiri astaanta ururka).
Ururka wuxuu leeyhay profile iyo Dastuur booqo oo ka daalaco website-ka ururka www.waddaniga.org. ama www.waddaniga.com

Qaab dhismeedka UWS

UWS waa urur samofal ah, mana ahan xisbi siyaasadeed, laakiin qaab dhismeemka Ururka wuxuu u dhisan yahay qaab dowladeed sida xisbi siyaasadeed oo kale; Ururku Wuxuu ka kooban yahay 4 Gole oo midba uu qabanaayo howl u gaar ah. 1- Golaha guud:- wuxuu ka kooban yahay dhamaan xubnaha ku jira ururka oo ku kala sugan gudaha iyo Dibadda. Waxayna iska soo dhex xulayaan ergada golaha dhexe.

2- Golaha dhexe (Xubnaha Sharci dejinta)
3- Golaha Fulinta (xubnaha Qabanaya Howsha Ururka)
4- Golaha sare:- waxay ka kooban yihiin 7 xubnood waana xubnaha ugu sareeya ururka oo meel marinayana go’aanada ururka. Maadaama la kala joogo meela kala fog fog aysana macquul ahayn in kulan la sameeyo markii loo baahdo ayaa baahidaan keentay in la magacaabo xubnaha golaha sare.

Xubnaha gole kasta tiradii loogu talogalay ma dhameystirna, sababtoo ah muddada oo nagu gaabneyd oo ahayd 6 bilood, Gudaha Soomaliya oo ay badanaa ka jirto xasilooni darri iyo Xubnaha dibaha ku nool oo aan weli soo dhamaystirin xubnaha ergada. Laakiin waxaa socda dadaal lagu dhamaystirayo dhammaan xubnaha golayaasha oo dhan.

Waxaan shacbiga Soomaaliyeed u caddeynaynaa in ururka uu u furan yahay waddani kasta oo ku soo biiraya, xubina ka noqonaya golayaasha kor ku xusan, iyadoo la raacayo hab muumuuska (Protocol) iyo Dastuurka ururka u degsan, mana ahan urur ay dad gaar ah samaysteen, waa Urur ka wada dhexeeya Dhammaan waddaniyiinta Soomaaliyeed.

Xubnaha ururka UWS waxay leeyihiin hab maamuus (Protocol) ay ku kala dambeeyaan kuna heshiiyeen, kuna shaqeeyaan, iskuna ixtiraamaan.

Xubnaha ururka waxay u shaqeeyaan habka “Iskaa wax u qabso” (Volunteer System), waqtigoodii iyo Dhaqaalahoodii ayeyna u hureen ururka.

Ururka wuxuu leeyahay “CODE OF CONDUCT”

- Respectful (Ixtiraam)
- Responsible (Mas’uuliyad)
- Cooperative (wadoshaqayn).

Madaxda Ugu Sarreysa Ururka Waddaniga Soomaaliyeed

Kamaal Xaaji Guuleed:

1- Kamaal waa Guddoomiyaha UWS waa arday Jaamacadeed oo wax ku barta magaalada Karachi ee dalka Pakistan, wuxuuna isku wadaa waxbarasho Jaamacadeed iyo hogaaminta ururka. Masha’Allah.


 

Abdinasir Maxamed Sh. Nuur:

2- Abdinasir waa Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee UWS, waa arday Jaamacadeed oo wax ku barta Magaalada Karachi ee dalka Pakistan. Sidoo kale Abdinasir waa guddoomiyaha Midowga Ardayda Gobalka Banadir.


 

Zahra Abdi Hersi:

3- Zahra waa guddoomiye ku xigeenka 2aad UWS waa Marwo iyo Hooyo leh 5 Carruura oo ku nool dalka Holland. Waxay isku garab waddaa kaalintii hooyanimo iyo Hogaaminta Ururka.(Masha’Allah). Zahra Abdi Hersi waa qoraa sare oo Soomaaliya caan ka ah, waxay ka shaqayn jirtay Wakaaladdii Wararka ee Sonna ee Dowladdii Kacaanka, waxay qortay maqaalo iyo sheekooyin badan oo aad loo xiiseeyey. Sidoo kale Zahra waa Maskaxdii iyo aasaaskii UWS.


 

Abdullahi Jama Mohammed:

4- Abdullahi waa Xoghayaha Guud iyo Afhayeenka guud ee UWS, wuxuu ku nool yahay Dalka Canada, wuxuu soo saaraa warsaxaafadeedyada rasmiga ah ee ururka waana howlgeliyaha iyo isku xiraha dhamaan madaxda iyo xubnaha ururka oo dhan. Abdullahi wuxuu dhisay maalgeliyeyna Dhammaan warbaahinta ururka leeyahay sida:
- website-ka ururka: www.waddaniga.org ama www.waddaniga.com
- Radio Waddani oo dhawaan hawada soo geli doono
- TV waddani waa TV-ga Ururka oo dhawaan Hawada soo geli doono
Waddaniga Press waa wargeys uu ururka soo saari doono, dhawaan waxaana laga daabacayaa magaalooyinka waaweyn ee Somalia.

Abdullahi wuxuu ka qalinjebiyey Kulliyaddii Waxbarashada Lafoole ee Somalia, wuxuuna ka mid ahaa Macallimiintii hore ee Somalia, wuxuuna waxbarsho takhasus iyo heerar kala duwan ka sameeyey Dalka Canada, welina wuxuu ku dhex jiraa xirfaddii Macallinimo, wuxuuna Macallin ka yahay Toronto Area (Canada). Abdullahi waa Aabe leh 4 carruura.
 

Ali Omar Ibrahim ( Ali John)
:
5- Ali Omar waa Xoghayaha Arimaha Dibadda iyo Xiriirka caalamiga ee UWS, wuxuu ku nool yahay magaalada Portland (USA).
 
Sh. Yusuf Jimcaale

6- Sh. Yusuf waa Xoghayaha Arrimaha Diinta UWS wuxuu ku nool yahay Magaalada Qaahira ee Dalka Masar.
Dr. Nageeye

7- Dr. Abdirizak Abdi Osman (Dr. Nageeye) waa Xoghayaha Caafimaadka iyo Arimaha Bulshada UWS, wuxuuna degan yahay magaalada Portland (USA)


 

Cali Yasiin Gurbe

8- Cali Gurbe waa Xoghayaha Warfaafinta UWS, wuxuuna ku nool yahay Magaalada Kampala ee Dalka Ugaandha


 

Iskaashi Wadashaqeyn

UWS wuxuu iskaashi wadashaqayn ah la samaystay Midowga Ardayda Gobalka Banadir, waxaana isku xirkaas iskaashi isku habeeyey Guddoomiyaha Modowga Ardayda Gobalka Banadir, islamarkaana ah Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee UWS.

Ardayda Gobalka Banadir markay dhameeyaan Dugsiga Sare waxay badankooda waxbarasho ka helaan Dalka Pakistan, waxaana howshaas xil iska saarey Guddoomiyaha ururka iyo Guddomiye ku xigeenka 1aad oo labadaba ah arday Jaamcadeed ee dalka Pakistan.

UWS waxaa kaloo qorshaha ugu jira inuu ardayda Soomaaliyeed ka caawiyo helitaanka Jaamacado waxbarasho ee Wadamada, Masar, Yamen, Kenya, Ugandha, Sudan, Malaysia Wadamada Yurub, USA iyo Canada. Faahfaahin dheeraad ah warbaahinta ayaan dhawaan soo geli doonaa. Insha’Allah.


Xarumaha Taakulaynta iyo Gargaarka UWS

Ururka wuxuu xaruumo Taakulayn oo ku meel gaar ah ka sameeyey gudhaha Somalia iyo Xeryaha qaxootiga ee Geeska Afrika ku yaalla, waxaana u jooga wakiilo fuliya howlaha taakulaynta iyo gargaarka, Insha’Allah dhawaan ayaan warbaahinta u soo bandhigi doonaa Howlaha gargaarka ee uu ururka wado.

Nasiixa Online and Tutoring

Hadafka UWS uu u aasaasmay waxaa ka mid ah inuu gacan qabto dhallinta Soomaaliyeed ee ku beddelmay Qurbaha, iyo qaarkood oo waxbarashada ku saaqiday. UWS wuxuu dejiyey Barnaamij ku saabsan waano iyo wax u faa’ideysi oo loogu talo galay ubadka iyo waalidiintooda Qurbaha ku dhibaataysan, waana barnaamijyada lagu magacaabo ‘Nasiixa Online” waxaana lagu bilaabayaa warbaahinta ururka. Insha’Allah.

Ururka wuxuu kaloo furay xaruumo Tutoring Program, oo heerka waxbarasho kor loogu qaadayo Ardayda Soomaaliyeed iyo Waaldiintooda.

Barnaamijyada Naxiisa Onlie iyo Tutoring wuxuu ilaa hadda si fiican uga dhaqan galay dhowr goobood oo ku yaalla magaalada Toronto ee Dalka Canada, qofkii faahfaahin dheeraad ah u baahan la soo xiriir Abdullahi Jama: jama_abdullah@hotmail.com, ama e-mailka ururka oo ah: info@waddaniga.org

Insha’Allah Magaalooyinka Waaweyn ee Soomaalida ku badan tahay dhawaan ayey barnaamijyadaan ka hirgeli doonaan.

Bulshada Barakacday:

Dagaalo aan dhamaad lahayn iyo Nabadgelyo Xumo darteed ayaa waxaa laga barakacay Magaalooyin badan oo gudaha Somalia ah. Dadka qaarkiisa waxay goobaha barakaca ku sugan yihiin ku dhawaad 2 sanadood, cid u danqatay ama u hadashana ma jirto.

Hadaba UWS waxaa qorshaha ugu jiro sidii wax loogu qaban lahaa Umaddaas barakacday oo dib loogu dejin lahaa goobihii ay ka barakaceen.

Ururku wuxuu dhawaan bilaabayaa Tababaro iyo Siminaaro ku saabsan barnaamijka dib u dejinta dadka barakacay, waxaa gabagabo ku dhow barnaamijyadii iyo qorshihii lagu howlgeli lahaa, iyo qaabkii ay siminaarada u bixi lahaayeen, waxaana howshaas gacanta ku haaya aqoonyahano iyo Culimo Soomaaliyeed. Waxaan dhawaan bilaabeynaa Yabooh (fundraising) dhaqaale loogu ururinaayo si Barnaamijyadaas ay u hirgalaan waxaan kaloo dhawaan bilaabeynaa diiwaan gelin dadkii howshaas gacan nagu siin lahaa. Waxaan waddaniyiinta Soomaaliyeed ka codsanaynaa iney nala soo xiriiraan si aan arrintaas isaga kaashano. Fadlan nagala soo xiriir info@waddaniga.org 

Muddada 6-da bilood ee UWS uu jiray waxqabadkiisa iyo Barnaamijyada qorshaha ugu joro halkaan kuma soo wada bandhigi karno, waxaadse kala socon kartaa: “www.waddaniga.org”

Mahad Allah (SWT) ayaa iska leh
Mahadsanidin Dhammaantiin.

Abdullahi Jama Mohammed
Ururka Waddaniga Soomaaliyeed
Toronto, Canada

info@waddaniga.org

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 16, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS