SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

{Jabuuti}: Shan xubnood oo ka socda maamulka la magac baxay Somaliland oo shir jaraa’id

  • Cawil Maxamed Ducaale “maalintii Eriteria soo weerartey Jabuuti, dadka Somaliland Dowlad iyo ciidanba waxay diyaar u ahaayeen…”
  • Waran cade “Bowdo Rag midba maalin baa qaawan, waxaanu la garab taaganahay Jabuuti..”
  • Axmed Xaaji Daahir “waxaa nagu waajibkeenu inaan ka hortagno cadowga huwan magaca Islaam ee aan garaneyn Islaam wuxuu yahay”

Daawo: Sawirada Shirka Jaraa'id iyo Arday Dhaawac ah

Shan xubnood oo ka socda maamulka la magac baxay Somaliland oo shir jaraa’id ay kaga hadlayaan gar gaar ay u fidisey dowlada Jabuuti 10 ruux oo isugu jirey kuwo dhaawac halis ah uu ka soo gaarey Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Hargeysa, dabayaaqadii bishii aynu ka soo gudubney ee Oktobar, kuwo ku gubtey dhacadadaas iyo kuwo firir uu saameeyey gebi ahaan jirkooda iyo balan qaad ay sheegeen in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele qalab dhinaca amaanka oo ay ka heleen, islamarkaana ay kaga mahad celinayaan ayaa lagu qabtey Hoteel Shariton ee caasimada dalka Jabuuti 15/11/2008-da abaaro Kowdii Duhur nimo.

Shirkaan jaraa’id oo si gooni gooni ay uga hadleen Wasiiradooda maaliya, Warfaafinta, Duulista Hawada, Duqa magaalada Hargeysa iyo Dhakh-tarka guud ee maamulka Somaliland, islamarkaana sida ay u dhan yihiin ay mahad balaaran u soo jeediyeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Guule, Xukuumadiisa iyo shacabka Reer Jabuuti sida uu u dhan yahay, ayaa ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadley

Cawil Maxamed Ducaale “maalintii Eriteria soo weerartey Jabuuti, dadka Somaliland Dowlad iyo ciidanba waxay diyaar u ahaayeen…”

Wasiirkooda Maaliya Cawil Maxamed Ducaale waxaa uu yiri “ waxaan aad ugu faraxsanahay, inaan maanta joogno Jabuuti, aniga, wasiirada iyo Duqa magaalada Hargeysa oo ah dal aan walaallo nahay, dhiig iyo dhaqana wadaagno, una arka dhibka nagu dhacay, mid iyaga ku dhacay, sidaad ka war qabtaan Hargeysa Qaraxyo ayaa ka dhacay oo ah, wax Islaamnimada ka soo horjeeda iyo dhaqankeeniiba, in dad aan dembi gelin oo wax ay galabsadeena ay jirin la laayo”

Cawil waxaa kaloo uu ka hadley ujeedada socdaalkooda “waxaan u nimad, Madadxweyne Ismaaciil Cumar Geele, Xukuumadiisa iyo Shacabka ree Jabuuti uga mahad celino, sida walaall nimada lahayd ee ay inoogu soo gurmadeen, Qaraxu markuu dhacay oo saacad barkeed uu la soo hadley Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale si wax alla wixii dhaawac ah deg deg loogu soo qaado, dalka jabuuti” ayuu ku yiri Cawil Maxamed Ducaale.

“walaall nimadu waxaa ka mid ah, inaan wax Baasaboor nala weydiin nala weydiin, walaalladaa uun baa sidaas ula dhaqmi kartaa, dowlad kasta oo aad saaxiib tihiin, waa inaad la gashaa Baasaboor iyo Dukumiinti, waayo walaallnimadu wax sahlan ma ahan, maalintii ERITERIA soo weerartey Jabuuti, dadka Somaliland Dowlad iyo ciidanba waxay diyaar u ahaayeen inay soo dhaqaaqaan, waxaana ku faraxsanahay Horumarka Jabuuti iyo sida ay u dhisan tahay, Madaxweynaha Ummada ayaa u fikirey oo halkaas gaarsiiyey, waana uga Hambalyeeynayaa, waxaana rajeynayaa walaallnimadaasi inay sii xoogeysato oo aan dhamaanteen ku faano, waxaana ugu muhiimsan, markay isku xirmaan, dhibaato kasta wey ka gudbikaraan, wargeysyaduna wey ku mahadsan yihiin inay gudbiyaan” ayuu hadalkiisa kusoo kooobey

Waran cade “Bowdo Rag midba maalin baa qaawan, waxaanu la garab taaganahay Jabuuti..”

Sidoo kale waxaa hadal kale oo dhinacayo kala duwan taabaneyey halkaasi ka jeediyey Wasiirka Duulista ee maamulka Somaliland Cali Maxamed Waran Cade mahad celin ka dib waxaa uu yiri

“dalkii laysku oran jirey Soomaaliya, mudo dheer waxaa ka taagnaa mush-kilad fara badan, taasoo keentey Somaliland gooni isu taagto oo la soo noqoto xuriyadeedii, mudadaas dheer ee Dhowr iyo Tobka Sano ah, in badan wey jiraan waxyaabo oo aan Jabuuti ku canaanankarin oo ay ka soo baxeen oo waajibaadkooda ahaa, laakiin dad badan oo aan la socon siyaasada iyo nidaamka madaxnimo siduu yahay siyaabo khalad ah mar hore loo qaato oo anigaba mar xoogaa tuur tuurmo ah ragii ku jirey aan ahaa, waxaana halkaan ka cadeynayaa in waxaas ay dhamaadeen, aad iyo aadna ugu mahad celinayo Madaxweynaha Jabuuti oo aan is aragney, waxay na tuseysaa tan maanta aan aragney, inay tahay wixii aan ka fileyney ree Jabuuti, waxaanu jecel nahay inaan abaalkeeda gudno hadii Alle idmo”, isagoo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku darey

“Bowdo Rag midba maalin baa qaawan, waxaanu la garab taaganahay Jabuuti naf iyo maal, mana ogolin in il uu saxar ka galo, taasina waa mid aan u soo jeedinayo dowlada jabuuti iyo shacabkeeda, waxaanu nahay ehel iyo xoogg u maqan oo diyaar ah, dowlad wali iyo Ummada waliba, waxay hore ugu martaa ama dib ugu dhacdaa, fikradaha madaxdooda iyo dadaalka ay keenaan, waxaana jira hawlo badan dhibaataadii dhacdey awgeed o aan ka codsaney dowlda Jabuuti oo kaalmo dhinaca nabadgelyada u badan ahayd, wixii qalab aynu u baahanahayna nalaga aqbaley Madaxweynaha iyo dowladaba in si dhakhso ah loo gaarsiiyo Hargeysa, taasina waa qiimo kale” ayuu ku yiri shirka jaraa’id Cali Waran Cade.

Cali waran cade waxaa kale uu balan qaadey waxyaabo muhiim ah oo dhinaca is dhexgalka dadka reer Somaliland iyo Dowlada Jabuuti ku saabsan.

Axmed Xaaji Daahir “waxaa nagu waajibkeenu inaan ka hortagno cadowga huwan magaca Islaam ee aan garaneyn Islaam wuxuu yahay”

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Xaaji Daahir mahad celin kadib waxaa uu yiri “dhibaatadii dhacdey waxay abuurtey kalgacal iyo wanaag isu soo dhawaansho, dadkii ku kacay mashaqadan eek u andacoonaya, inay muslim yihiin, garan mayo muslim-nimadaan cusub meesha ay ka timid, midaan ku dhalaney sunatullaahi wa rasuulihi baanu haysanaa, ma arkeyno wax taa ka duwan, kuwii dhintey ilaahay baa u balan qaadey iney janada gelayaan, kan is diley iyo kan soo direy waa wax aan la qarinkarin meesha ay ku dambeeyaan, ilaahay baa balan qaadey wax kasta waqtigeeda ayey leedahay, waxaadna abuurteen in dadkii uu feejignaado oo meel looga soo wada jeesto, waxaana leeyahay inta yar yare e maskaxdooda la dooriyey iney ka feejignaadaan, hadii ay wax maqlayaan, maanta dhiig daato Soomaali meeshii la doono haku noolaatee, uma baahna wax kusoo noqda” ayuu ku yiri shirkii jaraa’id.

Axmed Xaaji Daahir wuxuu keloo intaa ku darey “waxaan u mahad Madaxweynaha Jabuuti, waxaana leeyahay kol kasta waajib waa ku saran yahay, ilaahayna waa kaasiin doonaa abaal gudkeeda, dadka reer jabuutina wey mahadsan yihiin, warbaahinta meesha joogta waxaan is leeyahay waad dhadhansan doontaan, waxa maanta aduun ka yaal, waxaa fiican in dadka laysu keeno, midnimada in ey muqadas tahay, warbaahinta meesha joogta, waxaan isleeyahay waad dhadhansan doontaan, waxa aduunka maanta yaal waad arkeysaan, waxaana fiican in dadka laysu keeno, midnimada iney muqdas tahay, kana hortagno kan xun oo aan meel uga soo wada jeesano, hadii ay halkaan tahay, haday tahay Somaliland iyo inta kale ee Soomaalida ahba, waajibkeena waxaa weeye inaan ka hortagno, waxaa nagu waajibkeenu inaan ka hortagno cadowga huwan magaca Islaam ee aan garaneyn Islaam wuxuu yahay” ayuu hadalkiisa ku soo uruuriyey.

Sdii kale waxaa meesha ka hadley duqa magaalada Hargeysa Xuseen Maxamuud Jiciir waxaa uuna faah faahin kooban ka bixiyey kulan ay yeesheen isaga iyo Duqa magaalada Jabuuti, ugu dambeyn Dr. Buuxane ooo ah dhakh-tarkii keeney dhaawacyda.

Laakiin marka laysku soo duubo shirkaan jaraa’id ee ay ku qabteen mas’uuliyiintan caasimada dalka Jabuuti ayaa waxaa laga dheehanayey hadal daal siyaasadeed ee soo wajahay maamulka Somalilnad, maadaama in mudo ah ay baadi goob ugu jireen sidii Soomaaliya, inteeda kale ay uga go’I lahaayeen.


Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 16, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS